La sourate Al-Qiyamah en Somali
Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame. |
Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin). |
Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa. |
Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa. |
Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya. |
Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame. |
Markase Araggu Wareero (Taagmo). |
Dayuxuna Madoobaado. |
Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa. |
Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa. |
Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee). |
Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan. |
يُنَبَّأُ الْإِنسَانُ يَوْمَئِذٍ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ(13) Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday. |
Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri. |
Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto). |
Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa). |
Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi. |
Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa. |
Annagaana isasaarray Cadaayntiisa. |
saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada). |
Waxaadna ka tagaysaan aakhiro. |
Wajiyaal Maalintaas way ifi. |
Eebeheedna way Eegi. |
Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami. |
Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo. |
Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida). |
Oo la Dhoho uaa ku tufi. |
Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman. |
Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis). |
Eebahaa Xaggiisaa la aadi. |
Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin. |
Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday. |
Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan. |
Halaag Buuse Mutaa. |
Haddana Halaagbuu Mutaa. |
Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan). |
Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo. |
Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana. |
Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig. |
أَلَيْسَ ذَٰلِكَ بِقَادِرٍ عَلَىٰ أَن يُحْيِيَ الْمَوْتَىٰ(40) Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Qiyamah : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Qiyamah complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide