La sourate Al-Insan en Somali
هَلْ أَتَىٰ عَلَى الْإِنسَانِ حِينٌ مِّنَ الدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْئًا مَّذْكُورًا(1) Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin). |
إِنَّا خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَاهُ سَمِيعًا بَصِيرًا(2) Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah. |
إِنَّا هَدَيْنَاهُ السَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا(3) Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan. |
إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلْكَافِرِينَ سَلَاسِلَ وَأَغْلَالًا وَسَعِيرًا(4) Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira. |
إِنَّ الْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا(5) kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur. |
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا عِبَادُ اللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفْجِيرًا(6) Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan, |
يُوفُونَ بِالنَّذْرِ وَيَخَافُونَ يَوْمًا كَانَ شَرُّهُ مُسْتَطِيرًا(7) Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada). |
وَيُطْعِمُونَ الطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا(8) Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban). |
إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ اللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَاءً وَلَا شُكُورًا(9) Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna. |
إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًا قَمْطَرِيرًا(10) Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran. |
فَوَقَاهُمُ اللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ الْيَوْمِ وَلَقَّاهُمْ نَضْرَةً وَسُرُورًا(11) Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax. |
Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir. |
مُّتَّكِئِينَ فِيهَا عَلَى الْأَرَائِكِ ۖ لَا يَرَوْنَ فِيهَا شَمْسًا وَلَا زَمْهَرِيرًا(13) Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna. |
وَدَانِيَةً عَلَيْهِمْ ظِلَالُهَا وَذُلِّلَتْ قُطُوفُهَا تَذْلِيلًا(14) Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda. |
وَيُطَافُ عَلَيْهِم بِآنِيَةٍ مِّن فِضَّةٍ وَأَكْوَابٍ كَانَتْ قَوَارِيرَا(15) Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah. |
Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan. |
وَيُسْقَوْنَ فِيهَا كَأْسًا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا(17) Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil. |
Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi). |
۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَانٌ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيْتَهُمْ حَسِبْتَهُمْ لُؤْلُؤًا مَّنثُورًا(19) Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay. |
وَإِذَا رَأَيْتَ ثَمَّ رَأَيْتَ نَعِيمًا وَمُلْكًا كَبِيرًا(20) Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn. |
Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah. |
إِنَّ هَٰذَا كَانَ لَكُمْ جَزَاءً وَكَانَ سَعْيُكُم مَّشْكُورًا(22) Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay. |
Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay. |
فَاصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تُطِعْ مِنْهُمْ آثِمًا أَوْ كَفُورًا(24) Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis). |
Xus magaca Eebe subax iyo Galabba. |
وَمِنَ اللَّيْلِ فَاسْجُدْ لَهُ وَسَبِّحْهُ لَيْلًا طَوِيلًا(26) Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer. |
إِنَّ هَٰؤُلَاءِ يُحِبُّونَ الْعَاجِلَةَ وَيَذَرُونَ وَرَاءَهُمْ يَوْمًا ثَقِيلًا(27) Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada). |
نَّحْنُ خَلَقْنَاهُمْ وَشَدَدْنَا أَسْرَهُمْ ۖ وَإِذَا شِئْنَا بَدَّلْنَا أَمْثَالَهُمْ تَبْدِيلًا(28) Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah. |
إِنَّ هَٰذِهِ تَذْكِرَةٌ ۖ فَمَن شَاءَ اتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِ سَبِيلًا(29) Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo. |
وَمَا تَشَاءُونَ إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ ۚ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا(30) Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan. |
يُدْخِلُ مَن يَشَاءُ فِي رَحْمَتِهِ ۚ وَالظَّالِمِينَ أَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا(31) Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Insan : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Insan complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide