La sourate At-Takwir en Somali
| Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada). |
| Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow). |
| Buurahana la kexeeyo (La rujiyo). |
| Geelii rimmanaana la halleeyo. |
| Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed). |
| Badahana la kululeeyo. |
| Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo. |
| Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado. |
| Maxaa dambi ah oo loo dilay. |
| Kutubta (camalkana) la fidiyo. |
| Samadana la rujiyo. |
| Naarta Jaxiimana la huriyo. |
| Jannadana la dhaweeyo. |
| Waxay ogaan nafu waxay camal fashay. |
| Waxaan ku dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii). |
| Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma. |
| Iyo Habecnku markuu jeedsado. |
| Iyo subaxu markuu soo qaabilo. |
| Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah. |
| Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh. |
| Laguna addeeco halkaas aaminna ah. |
| Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan. |
| Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka). |
| Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan. |
| Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay. |
| Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan. |
| Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano). |
| Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay). |
وَمَا تَشَاءُونَ إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ(29) Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate At-Takwir : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate At-Takwir complète en haute qualité.
Ahmed Al Ajmy
Bandar Balila
Khalid Al Jalil
Saad Al Ghamdi
Saud Al Shuraim
Abdul Basit
Abdul Rashid Sufi
Abdullah Basfar
Abdullah Al Juhani
Fares Abbad
Maher Al Muaiqly
Al Minshawi
Al Hosary
Mishari Al-afasi
Yasser Al Dosari
Donnez-nous une invitation valide




