La sourate Al-Mutaffifin en Somali
Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya. |
Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta). |
Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya. |
Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin. |
Maalin wayn darteed (Qiyaamada). |
Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka. |
Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin. |
Ma taqaannaa Sijiin. |
Waa Kitaab calaamaysan. |
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa). |
Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta. |
Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah. |
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ آيَاتُنَا قَالَ أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ(13) Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore. |
كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا يَكْسِبُونَ(14) Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah. |
كَلَّا إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ(15) Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi. |
Markaasna ay gali Jaxiimo. |
Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka. |
Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin. |
Cilliyiin ma taqaannaa. |
Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro. |
Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw. |
Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno). |
(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan. |
Wajigooda waanad ka garan Nicmada. |
Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan). |
خِتَامُهُ مِسْكٌ ۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ الْمُتَنَافِسُونَ(26) Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu. |
Waxaana lagu dheehi Cabbitaan. |
Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw. |
إِنَّ الَّذِينَ أَجْرَمُوا كَانُوا مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا يَضْحَكُونَ(29) Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay. |
Haday maraanna way xaqirijireen. |
وَإِذَا انقَلَبُوا إِلَىٰ أَهْلِهِمُ انقَلَبُوا فَكِهِينَ(31) Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan). |
Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin. |
Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta. |
فَالْيَوْمَ الَّذِينَ آمَنُوا مِنَ الْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ(34) Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada. |
Sariiro korkood yayna wax daawan. |
Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay). |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Mutaffifin : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Mutaffifin complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide