La sourate Al-Inshiqaq en Somali
| Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada). |
| Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee. |
| Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada). |
| Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado. |
| Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa). |
يَا أَيُّهَا الْإِنسَانُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًا فَمُلَاقِيهِ(6) Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi. |
| Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee). |
| Waxaa la xisaabin xisaab fudud. |
| Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan. |
| Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune). |
| Wuxuu u yeedhan Halaag. |
| Wuxuuna gali Naarta Saciira. |
| Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii). |
| Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame). |
| Saas ma ahee Eebe waa arkaa. |
| Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca. |
| Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay. |
| Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo. |
| Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/ |
| Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa). |
| Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin. |
| Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa). |
| Eebana waa ogyahay waxay qarsan. |
| Ugu bishaaree caddibaad daran. |
إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ(25) Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Inshiqaq : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Inshiqaq complète en haute qualité.
Ahmed Al Ajmy
Bandar Balila
Khalid Al Jalil
Saad Al Ghamdi
Saud Al Shuraim
Abdul Basit
Abdul Rashid Sufi
Abdullah Basfar
Abdullah Al Juhani
Fares Abbad
Maher Al Muaiqly
Al Minshawi
Al Hosary
Mishari Al-afasi
Yasser Al Dosari
Donnez-nous une invitation valide




