Cuma suresi çevirisi Somalice
Waxaa Eebe nasihi (weynayn) waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, Ilaahay waa xaakin Xumaan ka daahirane ah aadkade falsame ah. |
Eebe waa kan u soo bixiyey kuwaan wax aqoon Rasuul ka mid ah oo ku akhriya korkooda Aayaadkiisa «quraankana» bara iyo Sunnada (Nabiga) waxayna horey u ahaayeen kuwo haadi cad ku sugan. |
وَآخَرِينَ مِنْهُمْ لَمَّا يَلْحَقُوا بِهِمْ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ(3) (Waxaa kale oo Eebe Nabigu u diray) kuwo kale oon weli la kulmin kuwaas, Eebena waa Adkaade falsame ah. |
ذَٰلِكَ فَضْلُ اللَّهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَاءُ ۚ وَاللَّهُ ذُو الْفَضْلِ الْعَظِيمِ(4) Arrintaasuna (Islaamka iyo Nabiga la soo diray) waa deeq Ilaah, wuxuuna siin ruuxuu doono Eebana waa deeq iyo fadli weyne. |
Kuwii la faray inay Kitaabka Tawreed (ilaaliyaan) kuna Camal falaan (qaa Yuhuudda) haddana an ku camal falin, waxay la mid yihiin Dameerxambaarsan Kutub badan, waxaana xun masalka kuwaas beeniyey Aayadaha Eebe, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwo daalimiin ah. |
Waxaad dhahdaa (Nabiga) kuwa Yuhuuda ahow haddaad sheegateen inaad tihiin Awliyo Eebe dadka kale ka sokow, geeri jeelaada haddaad run sheegaysaan. |
وَلَا يَتَمَنَّوْنَهُ أَبَدًا بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ ۚ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِالظَّالِمِينَ(7) Geerina ma jeelaanayaan weligood waxay hormarsadeen (oo gaf ah) dartiis, Eebana waa ogyahay kuwa daalimiinta ah. |
Waxaad ku dhahdaa geerida aad ka cararaysaan way idinla kulmi, markaasaa laydiin eelin Ilaah og waxa maqan iyo wax joogaba, markaasuu idinka warrami (idinka jaasin) waxaad camal falayseen. |
Kuwa xaqa rumeeyow marka laysugu yeedho Salaadda Maalinta Jimcaha ah aada xusidda Eebe, wax gadashadana ka taga, saasa idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og. |
Markase Salaadda la dhammeeyo Dhulka ku kala faafa, dalbana (doona) khayrka Eebe, Ilaahayna xusa in badan waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaan. |
Markay arkaan tijaaro (Ganacsi) ama Ciyaar (wax lagu shuqloomo) way aadaan, waxayna kaa tagaan Nabiyow adoo taagan (Khudbo akhrin) waxaad dhahdaa waxa Eebe agtiisa ah yaa ka khayr badan Ciyaar iyo Ganacsiba, Ilaahay waa kan ugu khayr badan inta wax arsaaqda. |
Somalice diğer sureler:
En ünlü okuyucuların sesiyle Cuma Suresi indirin:
Surah Al-Jumuah mp3: yüksek kalitede dinlemek ve indirmek için okuyucuyu seçerek
Ahmed El Agamy
Saad Al Ghamdi
Saud Al Shuraim
Abdul Basit
Abdullah Basfar
Abdullah Al Juhani
Ali Al Hudhaifi
Fares Abbad
Maher Al Muaiqly
Muhammad Jibril
Al Minshawi
Al Hosary
Mishari Al-afasi
Nasser Al Qatami
Yasser Al Dosari
Bizim için dua et, teşekkürler