La sourate Al-Mursalat en Somali
Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro. |
iyo Dabaysha sida daran u dhabata. |
Iyo Dabaysha roobka kicisa. |
Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa. |
iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa. |
Si Dadka loo waaniyo looguna digo. |
Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici. |
Markase xiddiguhu Nuurku ka tago. |
Oo samadu Dildillaacdo. |
Oo Buuraha la Rujiyo. |
Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii). |
Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed. |
In dadka la kala Bixiyo Dartiis. |
Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa. |
Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. |
Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore. |
Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe. |
Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha. |
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. |
Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar. |
Markaasna yeellay meel ilaashan. |
Tan iyo Muddo la yaqaanno. |
Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican. |
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. |
Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade. |
Nolol iyo Geeriba. |
وَجَعَلْنَا فِيهَا رَوَاسِيَ شَامِخَاتٍ وَأَسْقَيْنَاكُم مَّاءً فُرَاتًا(27) Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan. |
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. |
Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen. |
Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah. |
Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn. |
Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar. |
Ama aad Mooddo geel madaw ah. |
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. |
Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku. |
Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan. |
Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. |
Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba. |
Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra. |
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. |
Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo; |
(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan. |
Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis. |
Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala. |
Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya. |
(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale; |
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. |
Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan. |
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. |
Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Mursalat : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Mursalat complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide