La sourate Nuh en Somali
Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed. |
Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda» |
ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca. |
Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin. |
Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar. |
Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn. |
Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan. |
si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa» |
ثُمَّ إِنِّي أَعْلَنتُ لَهُمْ وَأَسْرَرْتُ لَهُمْ إِسْرَارًا(9) Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray. |
فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إِنَّهُ كَانَ غَفَّارًا(10) Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance. |
Cirkana Roob badan ha idinka keenee. |
وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَارًا(12) Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal. |
Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen. |
Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan. |
أَلَمْ تَرَوْا كَيْفَ خَلَقَ اللَّهُ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا(15) Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran. |
وَجَعَلَ الْقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ الشَّمْسَ سِرَاجًا(16) Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad. |
Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka. |
Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona. |
Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol. |
Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn. |
(Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin. |
Dhagar waynna way Dhakreen. |
Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri. |
وَقَدْ أَضَلُّوا كَثِيرًا ۖ وَلَا تَزِدِ الظَّالِمِينَ إِلَّا ضَلَالًا(24) Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn. |
Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare, |
وَقَالَ نُوحٌ رَّبِّ لَا تَذَرْ عَلَى الْأَرْضِ مِنَ الْكَافِرِينَ دَيَّارًا(26) Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna. |
إِنَّكَ إِن تَذَرْهُمْ يُضِلُّوا عِبَادَكَ وَلَا يَلِدُوا إِلَّا فَاجِرًا كَفَّارًا(27) Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn. |
Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Nuh : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Nuh complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide