La sourate Adh-Dhariyat en Somali
Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa). |
Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka). |
iyo doonnida sida fudud u socota. |
Iyo Malaa'igta amarka qaybisa. |
Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run. |
Abaalmarintuna waa sugantahay. |
Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh. |
Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan. |
Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay. |
Waxaana la nacladay Beenalayaasha. |
Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan. |
waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada). |
Waana maalinta naarta lagu gubi. |
ذُوقُوا فِتْنَتَكُمْ هَٰذَا الَّذِي كُنتُم بِهِ تَسْتَعْجِلُونَ(14) Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen. |
Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo. |
آخِذِينَ مَا آتَاهُمْ رَبُّهُمْ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَبْلَ ذَٰلِكَ مُحْسِنِينَ(16) Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala. |
Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda. |
Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen. |
Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan. |
Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin. |
Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho). |
Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi. |
فَوَرَبِّ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ إِنَّهُ لَحَقٌّ مِّثْلَ مَا أَنَّكُمْ تَنطِقُونَ(23) Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale. |
Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd. |
إِذْ دَخَلُوا عَلَيْهِ فَقَالُوا سَلَامًا ۖ قَالَ سَلَامٌ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ(25) Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin. |
Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay). |
Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen. |
فَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةً ۖ قَالُوا لَا تَخَفْ ۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَامٍ عَلِيمٍ(28) Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan, |
فَأَقْبَلَتِ امْرَأَتُهُ فِي صَرَّةٍ فَصَكَّتْ وَجْهَهَا وَقَالَتْ عَجُوزٌ عَقِيمٌ(29) Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali). |
قَالُوا كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ ۖ إِنَّهُ هُوَ الْحَكِيمُ الْعَلِيمُ(30) waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi |
(Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray. |
Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah. |
Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul). |
Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay. |
Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray. |
فَمَا وَجَدْنَا فِيهَا غَيْرَ بَيْتٍ مِّنَ الْمُسْلِمِينَ(36) kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn. |
وَتَرَكْنَا فِيهَا آيَةً لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ الْعَذَابَ الْأَلِيمَ(37) Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran. |
وَفِي مُوسَىٰ إِذْ أَرْسَلْنَاهُ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ(38) (Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad. |
Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay. |
فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٌ(40) Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay. |
وَفِي عَادٍ إِذْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ الرِّيحَ الْعَقِيمَ(41) Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta. |
مَا تَذَرُ مِن شَيْءٍ أَتَتْ عَلَيْهِ إِلَّا جَعَلَتْهُ كَالرَّمِيمِ(42) Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran. |
وَفِي ثَمُودَ إِذْ قِيلَ لَهُمْ تَمَتَّعُوا حَتَّىٰ حِينٍ(43) Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti. |
فَعَتَوْا عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ فَأَخَذَتْهُمُ الصَّاعِقَةُ وَهُمْ يَنظُرُونَ(44) Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi. |
فَمَا اسْتَطَاعُوا مِن قِيَامٍ وَمَا كَانُوا مُنتَصِرِينَ(45) Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin. |
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ(46) (Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah, |
وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ(47) Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay. |
Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe). |
وَمِن كُلِّ شَيْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ(49) Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan. |
فَفِرُّوا إِلَى اللَّهِ ۖ إِنِّي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ(50) Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda). |
وَلَا تَجْعَلُوا مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ ۖ إِنِّي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ(51) Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;. |
كَذَٰلِكَ مَا أَتَى الَّذِينَ مِن قَبْلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُوا سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ(52) Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay. |
Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay. |
Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa). |
Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee. |
Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin. |
مَا أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍ وَمَا أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ(57) Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan. |
إِنَّ اللَّهَ هُوَ الرَّزَّاقُ ذُو الْقُوَّةِ الْمَتِينُ(58) Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane. |
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا ذَنُوبًا مِّثْلَ ذَنُوبِ أَصْحَابِهِمْ فَلَا يَسْتَعْجِلُونِ(59) 59 Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin. |
فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا مِن يَوْمِهِمُ الَّذِي يُوعَدُونَ(60) Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Adh-Dhariyat : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Adh-Dhariyat complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide