La sourate Al-Qamar en Somali
Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay. |
وَإِن يَرَوْا آيَةً يُعْرِضُوا وَيَقُولُوا سِحْرٌ مُّسْتَمِرٌّ(2) Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran. |
وَكَذَّبُوا وَاتَّبَعُوا أَهْوَاءَهُمْ ۚ وَكُلُّ أَمْرٍ مُّسْتَقِرٌّ(3) Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado. |
Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano. |
Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi. |
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ ۘ يَوْمَ يَدْعُ الدَّاعِ إِلَىٰ شَيْءٍ نُّكُرٍ(6) Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran. |
خُشَّعًا أَبْصَارُهُمْ يَخْرُجُونَ مِنَ الْأَجْدَاثِ كَأَنَّهُمْ جَرَادٌ مُّنتَشِرٌ(7) Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay. |
مُّهْطِعِينَ إِلَى الدَّاعِ ۖ يَقُولُ الْكَافِرُونَ هَٰذَا يَوْمٌ عَسِرٌ(8) Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran. |
۞ كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ فَكَذَّبُوا عَبْدَنَا وَقَالُوا مَجْنُونٌ وَازْدُجِرَ(9) Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay». |
Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro. |
Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay. |
وَفَجَّرْنَا الْأَرْضَ عُيُونًا فَالْتَقَى الْمَاءُ عَلَىٰ أَمْرٍ قَدْ قُدِرَ(12) Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis. |
Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh. |
Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday. |
Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan). |
Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu. |
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ(17) Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. |
Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii. |
إِنَّا أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا صَرْصَرًا فِي يَوْمِ نَحْسٍ مُّسْتَمِرٍّ(19) Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah. |
تَنزِعُ النَّاسَ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ مُّنقَعِرٍ(20) Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay. |
Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. |
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ(22) Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. |
Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud. |
فَقَالُوا أَبَشَرًا مِّنَّا وَاحِدًا نَّتَّبِعُهُ إِنَّا إِذًا لَّفِي ضَلَالٍ وَسُعُرٍ(24) Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato. |
أَأُلْقِيَ الذِّكْرُ عَلَيْهِ مِن بَيْنِنَا بَلْ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٌ(25) Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah. |
Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah. |
إِنَّا مُرْسِلُو النَّاقَةِ فِتْنَةً لَّهُمْ فَارْتَقِبْهُمْ وَاصْطَبِرْ(27) Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir. |
وَنَبِّئْهُمْ أَنَّ الْمَاءَ قِسْمَةٌ بَيْنَهُمْ ۖ كُلُّ شِرْبٍ مُّحْتَضَرٌ(28) Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay. |
Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay. |
Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. |
إِنَّا أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ صَيْحَةً وَاحِدَةً فَكَانُوا كَهَشِيمِ الْمُحْتَظِرِ(31) Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay. |
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ(32) Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. |
Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii. |
إِنَّا أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ حَاصِبًا إِلَّا آلَ لُوطٍ ۖ نَّجَّيْنَاهُم بِسَحَرٍ(34) Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah. |
Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe). |
وَلَقَدْ أَنذَرَهُم بَطْشَتَنَا فَتَمَارَوْا بِالنُّذُرِ(36) Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas. |
وَلَقَدْ رَاوَدُوهُ عَن ضَيْفِهِ فَطَمَسْنَا أَعْيُنَهُمْ فَذُوقُوا عَذَابِي وَنُذُرِ(37) Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. |
Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan. |
Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. |
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ(40) Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. |
Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid. |
كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذْنَاهُمْ أَخْذَ عَزِيزٍ مُّقْتَدِرٍ(42) Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh. |
أَكُفَّارُكُمْ خَيْرٌ مِّنْ أُولَٰئِكُمْ أَمْ لَكُم بَرَاءَةٌ فِي الزُّبُرِ(43) Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta. |
Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay. |
Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin. |
بَلِ السَّاعَةُ مَوْعِدُهُمْ وَالسَّاعَةُ أَدْهَىٰ وَأَمَرُّ(46) Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh. |
Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin. |
يَوْمَ يُسْحَبُونَ فِي النَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمْ ذُوقُوا مَسَّ سَقَرَ(48) (Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara. |
Wax kasta waxaan ku abuurray qadar. |
Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi. |
وَلَقَدْ أَهْلَكْنَا أَشْيَاعَكُمْ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ(51) Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa. |
Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta. |
Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay. |
Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal. |
Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay). |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Qamar : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Qamar complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide