La sourate Al-Ghashiyah en Somali
| Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii. |
| Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan. |
| Waxayna qaban Shaqo dhib ah. |
| Waxayna gali Naar kulul. |
| Waxaana laga waraabin il kulayl daran. |
| Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta). |
| Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin. |
| Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta). |
| Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii. |
| Janno sarana way gali. |
| Kumana maqasho Jannada hadal macna darro. |
| Waxaana ah dhexdeed il socota. |
| iyo Sariiro la koryeelay. |
| Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha). |
| Iyo Barkimooyin la safay. |
| Iyo gogol la fidiyay. |
| Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray. |
| Iyo sida Samada loo koryeelay. |
| Iyo sida Ruuraha loo taagay, |
| Iyo sida dhulka loo fidiyay. |
| Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow). |
| Mana tihid mid xoog ku leh (qasab). |
| Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa). |
| Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn. |
| Xagganagayna u soo noqon (khalqigu). |
| Annagaana xisaabin. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Ghashiyah : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Ghashiyah complète en haute qualité.
Ahmed Al Ajmy
Bandar Balila
Khalid Al Jalil
Saad Al Ghamdi
Saud Al Shuraim
Abdul Basit
Abdul Rashid Sufi
Abdullah Basfar
Abdullah Al Juhani
Fares Abbad
Maher Al Muaiqly
Al Minshawi
Al Hosary
Mishari Al-afasi
Yasser Al Dosari
Donnez-nous une invitation valide




