La sourate Al-Fajr en Somali
وَالْفَجْرِ(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga. |
Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo). |
Iyo Tirada siman iyo tan is dheer. |
Iyo Habeenku markuu tagayu. |
Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh. |
Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad. |
Ee ahaa Irama xooggana lahaa. |
Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka. |
Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga. |
lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa. |
kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka. |
12 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka. |
Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran. |
Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta). |
Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani). |
وَأَمَّا إِذَا مَا ابْتَلَاهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُ فَيَقُولُ رَبِّي أَهَانَنِ(16) Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay. |
Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka. |
Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo. |
Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro. |
Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran. |
Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo. |
Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan. |
وَجِيءَ يَوْمَئِذٍ بِجَهَنَّمَ ۚ يَوْمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ الْإِنسَانُ وَأَنَّىٰ لَهُ الذِّكْرَىٰ(23) Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari. |
Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado. |
Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro. |
Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro. |
Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey. |
U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday. |
dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan). |
Galna Jannadayda. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Fajr : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Fajr complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide