La sourate An-Naba en Somali
Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu). |
Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka). |
Ay isku diiddanaayeen. |
Saas ma aha ee way ogaan donaan. |
Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca). |
Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin. |
Buurahana Rukummo (ka yeelin). |
Miyannaan idinka Abuurina Noocyo. |
Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin. |
Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin. |
Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin. |
Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh. |
Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda). |
Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan. |
Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq. |
Iyo Beero kulansan (badan). |
Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an. |
Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo. |
Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo. |
Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed. |
Naarta Jahannamana waxay u darbantahay. |
(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan. |
Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin. |
Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna. |
Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka). |
جَزَاءً وِفَاقًا(26) Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii. |
Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab. |
Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga. |
Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab. |
Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee. |
Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan. |
Beero iyo Cinabyana way heli. |
Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg. |
Waxayna heli Cabbid wanaagsan. |
Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna. |
Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan. |
رَّبِّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا الرَّحْمَٰنِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًا(37) Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada). |
Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla. |
ذَٰلِكَ الْيَوْمُ الْحَقُّ ۖ فَمَن شَاءَ اتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِ مَآبًا(39) Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto. |
Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate An-Naba : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate An-Naba complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide