La sourate Al-Qalam en Somali
Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka). |
Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid. |
Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go'ayn. |
Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn. |
Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan. |
kinna waalan (ama la caddibo). |
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ(7) Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan. |
Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda). |
Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan. |
Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan. |
oo Xanlow ah, isku diraa ah. |
Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah. |
Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah). |
inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay). |
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ آيَاتُنَا قَالَ أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ(15) Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii. |
wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka. |
Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan. |
Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo. |
فَطَافَ عَلَيْهَا طَائِفٌ مِّن رَّبِّكَ وَهُمْ نَائِمُونَ(19) Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda. |
Waxayna noqotay wax la shafay oo kale. |
wayna isu dhawaaqeen Subaxdii. |
iyagoo leh kallaha oo beerta goosta. |
wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi. |
inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin. |
Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo). |
Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay. |
haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey. |
قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ(28) Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya. |
Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay. |
Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali. |
Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay. |
عَسَىٰ رَبُّنَا أَن يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِّنْهَا إِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا رَاغِبُونَ(32) Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh. |
كَذَٰلِكَ الْعَذَابُ ۖ وَلَعَذَابُ الْآخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ(33) Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin. |
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّاتِ النَّعِيمِ(34) Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada». |
Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha. |
Seed u dhihi kartaan saas. |
Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan. |
oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan. |
Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan. |
Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas. |
أَمْ لَهُمْ شُرَكَاءُ فَلْيَأْتُوا بِشُرَكَائِهِمْ إِن كَانُوا صَادِقِينَ(41) mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi. |
يَوْمَ يُكْشَفُ عَن سَاقٍ وَيُدْعَوْنَ إِلَى السُّجُودِ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ(42) Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud. |
Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba. |
فَذَرْنِي وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا الْحَدِيثِ ۖ سَنَسْتَدْرِجُهُم مِّنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ(44) Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn. |
Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay. |
أَمْ تَسْأَلُهُمْ أَجْرًا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍ مُّثْقَلُونَ(46) Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey. |
Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori. |
فَاصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ الْحُوتِ إِذْ نَادَىٰ وَهُوَ مَكْظُومٌ(48) Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan. |
لَّوْلَا أَن تَدَارَكَهُ نِعْمَةٌ مِّن رَّبِّهِ لَنُبِذَ بِالْعَرَاءِ وَهُوَ مَذْمُومٌ(49) Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay. |
Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan. |
Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu). |
Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Qalam : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Qalam complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide