La sourate Ad-Dukhaan en Somali
حم(1) Waannu sheegnay iyadoo kale. |
Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka). |
إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةٍ مُّبَارَكَةٍ ۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ(3) Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi. |
Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh. |
Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo). |
رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ(6) Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og. |
رَبِّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ(7) Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan. |
لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحْيِي وَيُمِيتُ ۖ رَبُّكُمْ وَرَبُّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ(8) Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey. |
Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari. |
فَارْتَقِبْ يَوْمَ تَأْتِي السَّمَاءُ بِدُخَانٍ مُّبِينٍ(10) Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan). |
Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran. |
Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine. |
أَنَّىٰ لَهُمُ الذِّكْرَىٰ وَقَدْ جَاءَهُمْ رَسُولٌ مُّبِينٌ(13) Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda». |
Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan. |
إِنَّا كَاشِفُو الْعَذَابِ قَلِيلًا ۚ إِنَّكُمْ عَائِدُونَ(15) Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta. |
يَوْمَ نَبْطِشُ الْبَطْشَةَ الْكُبْرَىٰ إِنَّا مُنتَقِمُونَ(16) Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan. |
۞ وَلَقَدْ فَتَنَّا قَبْلَهُمْ قَوْمَ فِرْعَوْنَ وَجَاءَهُمْ رَسُولٌ كَرِيمٌ(17) Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh. |
أَنْ أَدُّوا إِلَيَّ عِبَادَ اللَّهِ ۖ إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ(18) Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah. |
وَأَن لَّا تَعْلُوا عَلَى اللَّهِ ۖ إِنِّي آتِيكُم بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ(19) Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade. |
Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan. |
Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya). |
wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah. |
guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye. |
وَاتْرُكِ الْبَحْرَ رَهْوًا ۖ إِنَّهُمْ جُندٌ مُّغْرَقُونَ(24) kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne. |
imisey ka tageen Beero iyo Ilo. |
iyo Tallaal iyo meel sharaf leh. |
iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen. |
xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale. |
فَمَا بَكَتْ عَلَيْهِمُ السَّمَاءُ وَالْأَرْضُ وَمَا كَانُوا مُنظَرِينَ(29) uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin. |
وَلَقَدْ نَجَّيْنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ مِنَ الْعَذَابِ الْمُهِينِ(30) waana ka korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya. |
مِن فِرْعَوْنَ ۚ إِنَّهُ كَانَ عَالِيًا مِّنَ الْمُسْرِفِينَ(31) (Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah. |
وَلَقَدِ اخْتَرْنَاهُمْ عَلَىٰ عِلْمٍ عَلَى الْعَالَمِينَ(32) waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og. |
وَآتَيْنَاهُم مِّنَ الْآيَاتِ مَا فِيهِ بَلَاءٌ مُّبِينٌ(33) waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay. |
kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi. |
إِنْ هِيَ إِلَّا مَوْتَتُنَا الْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُنشَرِينَ(35) arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin. |
noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan. |
miyagaa khayr roon mise qoomkii Tubax iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal. |
وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَاعِبِينَ(38) Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar. |
مَا خَلَقْنَاهُمَا إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ(39) mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga. |
maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan. |
يَوْمَ لَا يُغْنِي مَوْلًى عَن مَّوْلًى شَيْئًا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ(41) waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn. |
إِلَّا مَن رَّحِمَ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ هُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ(42) cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waz adkaade naxariistee. |
Geedka Zaquumka ah. |
waa cunnada dambi badanaha. |
waana Laami oo kale kuna kari Caloosha. |
sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale. |
(waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda. |
markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul. |
(waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe. |
kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka). |
kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah. |
Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan). |
waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili. |
saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn. |
waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah. |
لَا يَذُوقُونَ فِيهَا الْمَوْتَ إِلَّا الْمَوْتَةَ الْأُولَىٰ ۖ وَوَقَاهُمْ عَذَابَ الْجَحِيمِ(56) mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo. |
فَضْلًا مِّن رَّبِّكَ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ(57) waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn. |
فَإِنَّمَا يَسَّرْنَاهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ(58) waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan. |
ee sug iyaguna way sugiye. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Ad-Dukhaan : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Ad-Dukhaan complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide