📖 0/604 bog la akhriyay
📄 20
Al-Baqarah

Al-Baqarah

2:127
وَإِذۡ يَرۡفَعُ إِبۡرَٰهِـۧمُ ٱلۡقَوَاعِدَ مِنَ ٱلۡبَيۡتِ وَإِسۡمَٰعِيلُ رَبَّنَا تَقَبَّلۡ مِنَّآۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ١٢٧
xusuuso markuu kor yelay Nabi Ibraahim Tiirarka Kaebada iyo Nabi Ismaaeiil iyagoo leh Eebow naga aqbal adaa waxna maqla waxna oge,
2:128
رَبَّنَا وَٱجۡعَلۡنَا مُسۡلِمَيۡنِ لَكَ وَمِن ذُرِّيَّتِنَآ أُمَّةً مُّسۡلِمَةً لَّكَ وَأَرِنَا مَنَاسِكَنَا وَتُبۡ عَلَيۡنَآۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ ١٢٨
Eebow naga yeel kuwa kuu hogaansama, Faraeanagana ka yeel Umad kuu hogaansama nana tusi eamalkannaga (Xajka) nagana toobad aqbal adaa toobad aqbalbadane. Wanaaghabadane ahe.
2:129
رَبَّنَا وَٱبۡعَثۡ فِيهِمۡ رَسُولًا مِّنۡهُمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِكَ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَيُزَكِّيهِمۡۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ١٢٩
Eebow u soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya aayaadkaaga barana Kitaabka (Quraanka) iyo xigmada (sunada Nabiga) oo nadiifiya adigaa adkaade, Falsame ahe.
2:130
وَمَن يَرۡغَبُ عَن مِّلَّةِ إِبۡرَٰهِـۧمَ إِلَّا مَن سَفِهَ نَفۡسَهُۥۚ وَلَقَدِ ٱصۡطَفَيۡنَٰهُ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ١٣٠
Yaa naea diinta Nabi Ibraahim ruux xumeeyey naftiisa mooyee, waana doorannay Nabi Ibraahim, adduunyada, aakhirana wuxuu ka midnoqon kuwa suusuuban.
2:131
إِذۡ قَالَ لَهُۥ رَبُّهُۥٓ أَسۡلِمۡۖ قَالَ أَسۡلَمۡتُ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٣١
xusuuso markuu Eebe ka yidhi hogaansan oo uu yidhi waan u hogaansamay Eebaha Caalamka,
2:132
وَوَصَّىٰ بِهَآ إِبۡرَٰهِـۧمُ بَنِيهِ وَيَعۡقُوبُ يَٰبَنِيَّ إِنَّ ٱللَّهَ ٱصۡطَفَىٰ لَكُمُ ٱلدِّينَ فَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنتُم مُّسۡلِمُونَ ١٣٢
wuxuu u dardaarmay arintaas (Nabi) Ibraahim Caruurtiisa, Nabi Yacquubna wuu u dardaarmay, wuxuuna yidhi Carrurtaydiiyey Eebe wuxuu idiindoortay Diinta ee ha dhimanina idinkoon Muslim ahayn.
2:133
أَمۡ كُنتُمۡ شُهَدَآءَ إِذۡ حَضَرَ يَعۡقُوبَ ٱلۡمَوۡتُ إِذۡ قَالَ لِبَنِيهِ مَا تَعۡبُدُونَ مِنۢ بَعۡدِيۖ قَالُواْ نَعۡبُدُ إِلَٰهَكَ وَإِلَٰهَ ءَابَآئِكَ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ إِلَٰهًا وَٰحِدًا وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ ١٣٣
miyaad joogten (Yuhuuday) marka Geeridu u timid (Nabi) Yacquub markuu ku yidhi Caruurtiisa maxaad caabudaysaan Gadaashay, ayna dheheen waxaan caabudaynaa Eebahaaga iyo Eebaha Aabayowgaa Ibraahim, Ismaeiil iyo Isxaaq Eebe kaliya, isagaana u hogaansamaynaa.
2:134
تِلۡكَ أُمَّةٌ قَدۡ خَلَتۡۖ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَلَكُم مَّا كَسَبۡتُمۡۖ وَلَا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ١٣٤
taasina waa ummad taktay, waxayna Mudatay waxay kasbatay, idinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen, laydina warsan maayo waxay Camalfalayeen.
العربيةEnglishBahasa IndonesiaTürkçeРусскийفارسیFrançaisاردوবাংলাDeutschEspañol中文हिन्दीPortuguêsItalianoภาษาไทยPolskiNederlandsShqipKiswahiliO'zbekதமிழ்MelayuBosanskiSoomaaliAzərbaycanکوردی한국어日本語SvenskaDanskNorskپښتوമലയാളംසිංහලTamazightHausaአማርኛБългарскиТоҷикӣҚазақшаFilipinoسنڌيYorùbáFulfuldeТатарчаئۇيغۇرچەКыргызчаਪੰਜਾਬੀJawaతెలుగుမြန်မာગુજરાતીOromoमराठीTiếng ViệtMalagasyНохчийнWolofދިވެހިಕನ್ನಡУкраїнськаΕλληνικάქართულიខ្មែរدریQafar afMaranaoनेपाली
Quraanka Kariimka
Wednesday, August 19, 2026
Don't forget us in your sincere prayers







