Suurah Al-A'raaf
PDF —
206 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Al-A'raaf pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Al-A'raaf pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-A'raaf Tarjumaad. Al-A'raaf (Makki) 206 Aayad.



Suurah Al-A'raaf
206 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭑﭒ
(Waxay ku Tusin Muejisada Quraanka).
ﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠ
Kani waa Kitaab aannu kuu soo Dejinnay ee yeyna Laabtaada Dhibi (Cidhiidh) ahaan inaad ugu Digto, waana Waanada Mu'miniinta.
ﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰ
Raaca waxa Laydiinka soo Dejiyey Xagga Eebe, hana Raacina wax ka soo hadhay oo Awliyo ah (Gargaara ah) yaraana intaad Waantoobaysaan.
ﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
Badanaa Intaan Magaalo Halaagnay oo u Timid Ciqaabtanadii iyadoo Jiifta (Habeen) ama Qayluushan (Maalin).
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
Baryadoodu (Qayladooduna) markuu u Yimid halaagganagu ma ahayn waxaan ahayn inay Dhahaan annagaa daalimiin ahayn.
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏ
Waana Warsanaynaa kuwii loo Diray (Ummadihii waxay ku Jawaabeen) waana warsanaynaa kuwii la Diray (Rasuulladii inay Gaadhsiiyeen).
ﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗ
Waana uga Warramaynaa Ogaansho mana aanaan ka Maqnayn.
ﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
Miisaanku waa Xaq Maalintaas (Qiyaamada) Cidday Cuslaato Miisaankiisa (Fiican) Kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay.
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮ
Cidduu Fududaado Miisaankiisuna kuwaasuna waa kuwa Khasaariyey Naftooda Dulmigay ku Falayeen Aayaadkanaga Dartiis.
ﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜ
Waxaan idin Makaninay Dhulka waxaan idiinka Yeellay Meel lagu Noolaado, waxaase yar Intaad Shukriyeysaan.
ﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭ
Waan idin Abuurray (Nabi Aadan) waana idin Suuraynay, markaasaan ku midhi Malaa'igta u Sujuuda (Nabi) Aadam (Salaan) wayna Sujuudeen, Ibliise ma ahayn kuwa Sujuuda.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣ
Wuxuu Yidhi (Eebe) maxaa kaa reebay inaad Sujuuddo markaan ku faray, wuxuu Yidhi anaa ka Khayr roon, waxaad iga Abuurtay Dab isagana waxaad ka Abuurtay Dhoobo.
ﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱ
Wuxuu Yidhi (Eebe) ka Daga Xaggeeda (Jannada) Xaq uma lehid inaad isku Dhex Kibriside, Bax waxaad ka mid tahay kuwa Dullaysane.
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷ
Wuxuu Yidhi ii sug tan iyo Maalinta la soo Bixin.
ﭸﭹﭺﭻﭼ
Wuxuu Yidhi (Eebe) waxaad ka mid tahay kuwa la sugi.
ﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
Wuxuu Yidhi Ibaadiyeyntaada Darteed waxaan u Fadhiisan Jidkaaga Toosan (waan Dhumin).
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕ
Waxaana kaga iman hortooda, Gadaashooda, Midigta iyo Bidixda mana hekaysid badankooda oo Shugriyi.
ﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣ
Wuxuu Yidhi Eebe ka bax Xaggeeda adoo Caayan oo la Dheereeyey, Ciddii ku raacdana waxaa laga Buuxin Jahannamo Dhammaantiin.
ﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕ
Nabi Aadamow Dega Adiga iyo Haweenaydaadu Jannada, kana Cuna Meejaad Doontaan, hana u Dhawaanina Geedkan, ood Noqotaan Daalimiin.
ﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯ
Waxaana Waswaasiyey Shaydaan, inuu ka Muujiyo Xagooda wixii laga Asturay oo Cawradooda ah, wuxuuna Yidhi wuxuu idinka Reebay Eebe Geedkan inaydaan Noqonin Malaa'ig, ama aydaan waarin.
ﯰﯱﯲﯳﯴﯵ
Wuxuuna ugu Dhaartay inaan idiin ahay Naseex.
ﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔ
Wuuna soo Dejiyey Dhagar Darteed, markay Dhadhaniyeen Geedka waxaa u muuqday Xumaantooda waxayna ahaayeen kuwo isku Dhadhajiya Caleenta Jannada waxaana u Yeedhay Eebahood Miyaanan idinka reebin Geedan, oonan Idinku odhan Shaydaanku wuxuu idiin yahay Col Cad.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
Waxayna Dheheen Eebow waxaan Dulminay Naftanada Haddaadan noo Dambi Dhaafin oodan oo Naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo Khasaaray.
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫ
Wuxuu Yidhi Eebe ka dega Qaarkiin Qaarbuu Col u yahaye, waxaan Dhulka idiinku Sugan Nagaadi iyo Raaxo tan iyo Muddo.
ﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳ
Wuxxuna Yidhi Eebe Dhexdiisaad ku Noolaanaysaan Dhexdiisaana ku Dhimanaysaan Xaggiisaana laydinka soo Bixin.
ﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉ
Banii Aadamow waxaan idiin soo Dejinay Dhar Astura Xumaantiinna (Cawrada) iyo Labbis (Xarago) Dharka Dhawrsashada yaase Khayr roon, Kaasina waa Aayaadka Eebe inay Dadku wax Xusuustaan.
ﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
Banii Aadamow Yuusan idin Fidnayn Shaydaan siduu uga soo Bixiyey Labadiinii Waalid Jannada, isagoo ka siibi Dharkoodii inuu Tusiyo Xumaantooda (Cawrada) wuu idin Arkaa isaga iyo Colkiisu idinkuse ma aragtaan, waxaana uga Yeelay Shaydaanka Sokeeya kuwaan Rumeynin Xaqa.
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤ
Markay Falaan Xumaanna waxay Dhahaan waxaan ka Hellay Aabayaalkanno Eebaana na faray iyada, waxaad Dhahdaa Eebe ma faro Xumaan ma waxaad ku Dhahaysaan Eebe waxaydaan Ogayne.
ﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
Waxaad Dhahdaa wuxuu faraa Eebe Cadaaladda iyo inaad u Jeedisaan Wajigiinna (Xagiisa) Masaajidkasta Agtiisa, baryana idinkoo u kaliyeeli Diinta siduu idinku Billaabay Yaad ku soo Noqonaysaan.
ﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉ
Koox wuu Hanuuniyey, Kooxna waxaa ku sugnaaday korkooda Baadi, maxaayelay waxay ka Yeesheen Shayaadiinta Awliyo, waxayna u Malayn inay hanuunsanyihiin.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢ
Banii Aadamow qaata Quruxdiinna (Dharka) Masaajid kasta agtiisa, Cuna oo Cabbana hana xad gudbina Illeen Eebe ma Jeela kuwa xadgudubee.
ﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿ
Waxaadna Dhahdaa yaa Reebay Quruxdii Eebe u soo Bixiyey Addoomadiisa, iyo Wanaagga Rizqiga ag, waxaad Dhahdaa waxaa iska leh kuwa Rumeeyey Nolosha Adduunyo Dhexdeeda, Gaarna u tahay Maalinta Qiyaame, saasaana ugu Caddaynay Aayaadkanaga Ciddii wax Og.
ﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝ
Waxaad dhahdaa wuxuu uun Xarrimay Eebahay wax Xun kan Muuqda iyo ka Qarsoonba, iyo Dambiga, iyo Xad Gudub Xaq darro iyo inaad la wadaajisaan Eebe wuxuusan Xujo u soo Dejinin, iyo inaad ku Sheegtaan Eebe waxaydaan Ogayn «Xaqnimadiisa».
ﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
Ummadkasta waxaa u sugnaaday Ajal (Muddo) markay Timaaddo Ajashuna kama dibmaraan Saacad kamana hor maraan.
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞ
Banii Aadamow hadday idiin yimaadaan Rasuullo idinka mida oo idiinka warrama Aayaadkayga Ciddiise Dhawrsata oo Wanaag Fasha, Cabsi ma Saarra mana Walbahaaraan.
ﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫ
Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga oo iska Mibriya Xaggeeda kuwaasi waa Naarta Ehelkeeda wayna ku Waari.
ﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔ
Yaa ka Dulmi Badan Cid ku Abuuratay Eebe Been ama Beenisa Aayaadkiisa, kuwaasu waxay Heli qaybtoodii loo qoray, markay u Timaaddo Malaa'igtanada (Mawdka) oo Dili waxay ku Dhahaan Aaway waxaad Caabudayseen Eebe ka Sokow waxay Dhahaan way naga Dhumeen, waxayna ku marag Fureen Naftooda inay ahaayeen Gaalo.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼ
Wuxuu Yidhi Eebe la gala Naarta Umado hortiin Tegay oo Jinni iyo Insiba leh, markastooy Umadu Hasho waxay Laenadaa Walaasheed (Saaxiibkeed) markay isku haleelaan Dhammaantood Dhexdeedana waxay ku Dhahdaa Tan dambe wax (Raaeda) Tan hore la (Raaco) Eebow kuwanaa na Dhumiyey ee u Laablaab Cadaab, Eebe wuxuu Odhan mid kasta waa loo Laablaabi mase Ogidin.
ﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
Waxay ku Odhan Tan hore Tan Dambi wax Dheeraada naguma lihidin ee Dhadhamiya Cadaabka waxaad kasbanayseen Darteed.
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
Kuwa Beeniyey Aayadkanaga oo iska Kibriyey looma Furo Iridaha Samada mana Galaan Janada intuu ka Galo Riti Irbad Dulkeed Saasaana ku abaal marinaa Dambiilayaasha,
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰ
Waxay ku Mudan Jahannamo Gogol korkoodana waxaa ahaan Dabool, Saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta.
ﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
Kuwa Rumeeyey Xaqa oo Falay Caml Fiican, kuma Mashaqaynno Naf waxayna Karin, Kuwaasu waa Janada Ehelkeeda wayna ku Dhex waari.
ﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
Waxaana ka Siibnaa waxa ku Jira Laabtooda oo Xasada, waxaana Dareeri Hoostooda Wabiyadii, waxayna Dhahaan Mahad waxaa Mudan Eebaha Nagu Hanuuniyey kan (Wanaagga) Maanaan hanuuneen haddaan Eebe na hanuunin, waxay la Timid Rassuladii Eebaheen Xaq, waxaana loogu Dhawaaqay Tiinani waa Jannadii Laydin Dhaxalsiiyey Camalkiinna Dartiis.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
Waxay u Dhawaaqaan Ehelu Jannuhu Ehelu Naarka waan hellay wixii Eebe Noo Yaboohay si Dhab ah ee idinku ma Hesheen wuxuu idiin yahoohay Eebe si Dhab ah, waxayna Dhahaan haa waxaana ka dhawaaqa Dhexdooda mid Dhawaaqa Laenadda Eebe ha ku Dhaedo Daalimiinta.
ﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
Ah kuwa ka Celiya Dadka Jidka Eebe lana Doona Qallooca, Iyagoo Aakhiro ka Gaaloobay.
ﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐ
Dhexdoodana waxaa ahaan Xijaab Aeraafkana (Meel sare) waxaa ahaan Dad ku Garan Cid Kasta Calaamaddooda, wacayna u Dhawaaqaan Ehelu Jannaha iyagoo ku leh Nabadgalyo Korkiina ha ahaato, mayna galin Jannada wayse damci.
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟ
Markii loo Jeediyo Wajigooda Xagga Ehelu Naarka waxay Dhahaaan Eebow ha na yeelin la Jirka Daalimiinta.
ﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮ
Waxay u Dhawaaqayaan Dadka Acraafku Dad ay ku garan Calaamaddooda, waxayna ku Odhan waxba idiinma tarin badnaantiinii (Kulankiinnii) iyo Waxaad isku Kibrinayseen.
ﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠ
Ma kuwanaa kuwaad ku Dhaarateen inaan Eebe Gaadhsiinayn (Siinayn) Naxariis (Waxaana lagu Odhan) Gala Janada idinkoon Cabsi iyo Walbahaar midna Arkayn.
ﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶ
Waxay u Dhawaaqi Ehelu Naarku Ehelu Jannaha (Iyagoo dhihi) Noogu soo Deeqa Biyaha ama waxa Eebe idinku Arzaaqay, waxayna Dhahaan Eebe wuu ka Xarrimay Labadaas Gaalada.
ﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋ
Ee ah kuwa ka Yeeshay Diintooda Madadalo iyo Ciyaar, oyna Dhagartay Nolosha Adduunyo, Maanta wuu ku Dayn Naarta siday u Halmaameen la Kulanka Maalintan, iyo Diidooda Aayaadkanaga Dartiis.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛ
Dhab ahaan baannu ugula Nimid Kitaab Aannu Caddaynay Annagoo ku Cilmi leh, Isagoo Hanuun iyo Naxariis u ah Ciddi Rumayn.
ﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
Miyey sugi waxaan ahayn wuxuu Sheegi Quraanku, Maalintuu Yimaaddo wuxuu Sheegi Quraanku waxay Odhan kuwii Horay u Halmaamay (Kuna Camal falin) waxay la Timid Rasuuladii Eebe Xaq, ee majiraa Shufaco ha noo Shafeeceene, ama ma nala Celin inaan Fallo waxaan ahayn waxaan fali jirray, waxay Khasaariyeen Naftooda waxaana ka Dhumay waxay been abuuran jireen.
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨ
Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood kuna istawooday Carshiga, wuxuuna ku Daboolaa Habeenka Maalinta wuuna doonaa Habeenku si Deg dega Qorraxda, Dayaxa iyo Xidigahana waxaa loo Sakhiray Amarka Eebe, Eebaana Abuuridda iyo Amarkaba iska leh, waxaana waynaaday «oo Khayrbatay» Eebaha barbaariya Caalamka.
ﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓ
U Barya Eebihiin si Khashuue ah iyo Qarsoodi Ellen Eebe ma jeela kuwa Xad gudbee.
ﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤ
Hana fasaadinina Dhulka inta la Wanaajiyey ka dib, Baryana Eebe Cabsi iyo Doonidba Naxariista Eebana waxay u Dhawdahay kuwa Samaha Fala.
ﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄ
Eebe waa kan u dira Dabaysha Bishaaro Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa markay Xambaarto Daruur Culusna waxaan u Kaxaynaa Dhul Dhintay (Abaar) waxaana ku Dejinaa (Shubnaa) Biyaha, waxaana ku soo Bixinaa wixii Dhintay inaad Xussusataan.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤ
Dhulka Fiican wuxuu ku soo baxaa Doogiisu idinka Eebe, midka Xunna waxaan Dhib ahayn kuma soo baxo, saasaan ugu Caddaynaa Aayaadka Ciddii ku Shukrin Eebe.
ﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
Waxaan u Dirray Nabi Nuux Qoomkiisii, wuxuuna ku Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna Eebe ka soo hadhaye, anugu waxaan idiinka Cabsan Cadaab Maalin Wayn.
ﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
Waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ka mid ahayd waxaan kugu Aragnaa Baadi Cad.
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
Wuxuuna yidhi Qoomkayow Baadi kuma Sugni waxaanse ahay Rasuul Eebaha Caalamka.
ﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
Waxaana idiin Gaadhsiin Farriinta Eebahay waana idiin Naseexayn, waxaana ka Ogyahay Xagga Eebe waxaydaan Ogayn.
ﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨ
Ma waxaad la Yaabteen inuu u Yimaaddo Nin idinka mida Xuska Eebihiin si uu idiinku digo iyo inaad dhawrsataan laydiinna Naxariisto.
ﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙ
Wayse Beeniyeen waxaana ku korinay Nuux iyo intii la jirtay Doontii waxaana Maanshaynay kuwii Beeniyey Aayaadkanaga, Illeen waxay ahaayeen Qoom indhala, (Xaqa arkayn).
ﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
Waxaan u Dirray Caadna Walaalkood (Nabi) Huud wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna Eebe ka soo hadhay, Miyeydaan Dhawrsanayn.
ﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻ
Waxay Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ka mid a, Anagu waxaan kugu aragnaa Safaaho (Xumaan) waxaana kuu malaynaynaa Beenaalayaasha.
ﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆ
Wuxuuna yidhi Qoomkayow Safaaho (Xumaan) imahayso waxaanse ahay Rasuul Eebaha Caalamka.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘ
Waxaana idin gaadhsiin Farrinta Eebahay waxaana idiin ahay Nasteex Aamina.
ﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶ
Ma waxaad la Yaabteen inuu u Yimaaddo Xuska Eebihiin Nin idinka mid ah inuu iddin Digo, Xusuusta Markuu idinka yeelay Eebe kuwa u Hadhay (Dhulka) Qoomkii Nabi Nuux ka dib, idiinna kordhiyey Xoog, ee Xusuusta Niemada Eebe, waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane.
ﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
Waxay Dheheen ma waxaad noola timid inaan Caabudno Eebe Kaliya, oon ka Tagno Waxay Caabudayeen Aabayaalkanno, noo keen waxaad noogu Goodiyeysay Haddaad runle tahay.
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
wuxuu yidhi waxaa idinkaga Dhacaya Xagga Eebe Cadaab iyo Cadho ma waxaad igula Murmaysaan Magacyo ood Magacoowdeen idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo Dejinin Xujo, Suga anna waan idinla Sugiye.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
Markaasaan Korinay isaga iyo Intii la jirtay Naxariistanada Darteed, waxaana Goynay Cidhibta kuwa Beeniyey Aayaadkanaga, mana ayan rumayn (Xaqa).
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼ
Waxaan u Dirray Thamuudna Walaalkood Nabi Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe wax ka soo hadhay Eebe idiinma sugnee, waxaa idiinka timid Xagga Eebe Xujo (Cad) Tanna waa hashii Eebe, waxayna idiin tahay Calaamo, ee iska Daaya ha ka Cunto Dhulka Eebe hana ku taabanina Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab Daran.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫ
Xusuusta markuu idinka yeelay (Eebe) kuwo Baddalay Caad kadib idin Dajiyeyna Dhulka idinkoo ka Yeelay Dooxyaheeda Daaro, ood kana qoranaysaan Buuraheeda Guryo Xusuusta Niemooyinka hana Fasaadinina Dhulka.
ﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
Waxayna ku dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisa ka mida kuwii Tabarta yaraa oo Rumeeyey ma waxaad Ogtihiin in Saalax laga soo diray Xagga Eebe, waxayna dheheen Annagu waxa lagu diray waan rumaynay.
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍ
Waxayna dheheen kuwii iskibriyey annagu waxaad Rumeeyseen waan ka Gaaloownay.
ﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝ
Waxayna Dileen Hashii waxayna ka Madaxadaygeen amarkii Eebahood, waxayna dheheen Saalaxow noo keen waxaad noogu Goodiyeeyso haddaad tahay mid la soo Diray.
ﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
Waxaana qabtay Gariirkii waxayna ahaadeen kuwo, Guryahoodii ku Dhintay.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
Wuxuuna ka Jeedsaday «Nabi Saalax» caggooda wuxuuna yidhi waan idin Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana idiin naseexeeyey Mase Jeelidiin Nasteexa.
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
Xusuuso Nabi Luudh Markuu ku yidhi Qoomkiisii Ma waxaad la imaanaysaan Xumaanta uusan idiinka hormarin Ruux Caalamka ka mid ah.
ﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯ
Idinku waxaad u Tagaysaan Ragga Hunguriyeeyn Darteed Haweenka ka sokow, waxaadse tihiin qoom Xad Gudbay.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟ
Waxayna ahayd Jawaabtii qoomkiisa, ka Bixiya Luudh iyo inta Rumaysay Magaaladiinna waaba Dad isdaahirinaye.
ﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧ
Waana Korinay Luudh iyo Ehelkiisa Haweenaysiisii mooyee oo ka mid noqotay kuwa halaag ku hadhay.
ﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱ
Waxaana ku soo Daadinay Roob (Naareed) bal day siday Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha.
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛ
Madyanna waxaan u Diray Walaalkood Nabi Shucayb wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna Eebe ka soo hadhaye, waxaa idiinka Timid Xagga Eebe Xujee Dhammaystirana Miisidda iyo Miisaanka, hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda, hana Fasaadinina Dhulka wanaajin kadib, saasaa idiin khayr roon haddaad Mu'miniin tihiin.
ﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗ
Hana Fadhiisanina Jid kasta idinkoo Goodin oo ka Celin Dadka Jidka Eebe Ciddii Rumaysa idinkoo Qalooe la dooni, xusuustana markaad yareydeen oo Eebe idin badiyey, dayana siday Noqotay Cidhibtii Fasaadiyaasha.
ﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
Haddayse Koox idinka mida Rumaysay waxa laygu soo Diray Kooxna ayna Rumeynin Samra (Suga) inta Eebe ka kala Xugmin Dhexdeenna Isagaa Xaakim Khayr Roon ah.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨ
Waxay dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisii ah waxaannu kaa Bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku Rumeeyey Magaaladanada ama waxaad ku soo Noqon Diintanada, wuxuuna yidhi oo haddaan Necebnahayna.
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗ
Waxaan ku Been abuuranay Eebe hadaan ku noqonno Diintiinna inta Eebe naga Koriyey ka dib, Nagumana habboona inaan ku Noqonno in Eebe Doono Mooyee, Illeen Eebaa Cilmigiisu waasac yahaye, waxaana talo Saarannay Eebe, Eebow Nagu kala Xukun Dhexdanada Xaq adaa Xaakim Khayr Roon ahe.
ﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisii ka mida haddaad Raacdaan Shucayb waad Khasaarteen.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫ
Waxaase qabtay Gariir waxayna ahaayeen kuwo Guryahoodii ku Dhintay (Iyagoo lagdan).
ﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
Kuwii Beeniyey Shucayb waxaad Mooddaa inayna ku Nagaanin Magaaladaas Dhexdeeda, kuwii Beeniyey Shucaybna iyaga umbaa Khasaaray.
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
Markaasuu isaga Jeedsaday oo yidhi Qoomkayow waan idin Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana idiin Naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari Qoom Gaala ah.
ﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺ
Magaalo Kasta oon Nabi u dirraba waxaan ku Qabanay EhelkeedaCudurro iyo Dhibaato inay Khushuueaan (oo Baryaan Eebe).
ﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍ
Markaasaan u Baddallaa meejii Xumaan (Dhibka) Wanaag (Khayr) intay ka Bataan oy Dhahaan waxaa taabtay Aabayaalkaanno Dhibaato iyo Farax, Markaasaan ku Qbannaa kado Iyagoon Ogayn.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣ
Hadday Dadka Magaalooyinku Rumeeyaan (Xaqa) oo Dhawrsadaan waxaan ku Furi lahayn korkooda (Sii dayn lahayn) Barakada Samada iyo Dhulka, wayse Beeniyeen (Xaqii) Waana qabanay waxay kasbanayeen Dartiis.
ﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭ
Miyey ka aamin Noqdeen Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanaga Habeenkii iyagoo Hurda.
ﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷ
Miyeyse ka aamin yihiin Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanagu Barqinkii iyagoo Ciyaari.
ﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
Ma waxay ka aamin Noqdeen Dhibka Eebe, cid khasaartay yaa ka aamin Noqota Ciqaabta iyo Dhibka Eebe.
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘ
Miyeyna u Caddaanin kuwa Dhaxlaya Dhulka Ehelkiisa (Halaagiisa) ka dib haddaan doono Waan qaban lahayn Dambigooda Dartiis, oon Dabooli lahayn Quluubtooda oyna wax Maqlin.
ﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓ
Taasi waa Magaalooyinkii waxaana kaaga qisoonaynaa warkoodii, waxayna ula timid Rasuuladii Xujooyin mana ayan Rumayn Beenintooda darteed horay, saasuuna u Daabacaa Eebe quluubta Gaalada.
ﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞ
Kamaanaan helin badankooda Ballan, waxaanse ka hellay badankood iyagoo Faasiqiina.
ﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰ
Markaasaan la Bixinay Nabi Muuse Aayaadkanaga Xagga Fircoon iyo Qoomkiisii wayna Dulmiyeen (Diideen) ee day Siday Noqotay Cidhibtii Mufsidiinta.
ﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹ
Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Fircoonow Anagu Rasuul Eebaha Caalamkaan ahay.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤ
Waxaana Dhab ah inaan Eebe ka Sheegayn waxaan Xaq ahayn, waxaana idiin la mid Xujo Eebihiin ee u daa Banii Israa'iil la Jirkayga.
ﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰ
Wuxuuna yidhi (Fircoon) haddaad la Timid Aayad keen haddaad Run Sheegi.
ﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷ
Markaasuu Tuuray Ushiisii markaasay soo Baxday iyadoo Mas Cad ah.
ﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾ
Wuxuuna Siibay Gacantiisii markaasay soo Baxday iyadoo u Cad Dadka Eegi.
ﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
Waxay dheheen Madaxdii qoomkii Fircoon ka mida kani waa sixirroow aad u yaqaanna.
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑ
wuxuuna Dooni inuu idinka Bixiyo Dhulkiinnaa ee Maxaad Faraysaan.
ﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
waxayna Dheheen dib u Dhig (Xaalkiisa) iyo Walaalkiis una dir Magaalooyinka kuwo soo kulmiya.
ﮚﮛﮜﮝﮞ
oo kuu Keena Sixir badane kasta aadna u yaqaanna.
ﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
Waxayna u Yimaaddeen Sixirlayaashii Fircoon waxayna Dheheen Ujuuro maleenahay haddaan annagu Adkaanno.
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰ
Wuxuuna yidhi haa, waxaadna noqonaysaan kuwa la soo Dhaweeyo.
ﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜ
Waxayna dheheen Muusow, ama Tuur ama aan tuurro.
ﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
Wuxuuna yidhi Tuura, markay Tuureenna waxay Sixreen Indhaha Dadka wayna Cabsi galiyeen waxayna la yimaadeen Sixir wayn.
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse Tuur Ushaada, waxayna soo Baxday inay Cunto waxay Dhoobdhoobeen.
ﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾ
Waxaana Sugnaaday Xaqii waxaana Buray waxay Falayeen.
ﯿﰀﰁﰂﰃ
Waxaana lagaga Adkaaday Gaaladii halkaas, waxayna noqdeen iyagoo Dullaysan.
ﰄﰅﰆﰇ
Waxaana loo riday Sixirlayaashii Sujuud.
ﭑﭒﭓﭔﭕ
Waxayna Dheheen waxaan Rumeynay Eebaha Caalamka.
ﭖﭗﭘﭙ
Eebaha Muuse iyo Haaruun.
ﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
Wuxuuna yidhi Fircoon Miyaad rumeyseen Muuse, Idan ka hor, Arrintani waa Dhagar aad ku Dhagarteen Magaalada si aad uga Bixisaan Xaggeeda Dadkeeda, waad ogaan doontaan.
ﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸ
Waxaan u gooyn Gaemihiinna iyo Lugahiinna isdhaaf waana idin Wadhi Dhamaantiin.
ﭹﭺﭻﭼﭽﭾ
Waxayna Dheheen Xagga Eebahanaa u Noqonaynaa.
ﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐ
Waxaad nagu nacayso oon ahayn inaan Rumaynay Aayaadka Eebahanno ma jiro, markay noo Timid, Eebow samir naga Buuxi na dilna anagoo Muslimiina.
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧ
Waxay Dheheen Madaxdii oo Qoonkii Fircoona ma ku Dayn Muuse iyo Qoomkiisa inay Fasaadiyaan Dhulka inuu ku daayo adiyo Cibaadadaada (iyo lLaahyadaada). wuxuuna yidhi waxaannu Dili Wiilashooda waxaannu dayn Gabdhahooda anagaana ka sarrayna oo Dullayn.
ﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
Muusana wuxuu ku yidhi Qoomkiisa Kaalmaysta Eebe, samrana Dhulka Eebaa iska leh wuxuuna dhaxalsiin Cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, Cidhibta (Fiicanna) waxaa iska leh kuwa Dhawrsada.
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳ
Waxayna ku dhaheen waa nala Dhihay ka hor Imaatinkaaga iyo ka dib Imaatinkaaga, wuxuuna (Nabi Muuse) ku Yidhi waxay u Dhawdahay in Eebihiin halaago Cadawgiinna oo Dhulka idinku reebo si uu u Eego waxaad Fashaan.
ﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾ
Waxaan ku qabanay Fircoon Ehelkiisii Abaar iyo Nusqaan Midhaha inay wax Xusuustaan.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩ
Hadduu Wanaag u Yimaaddo waxay Dhahaan anaa leh tan (Mudan), hadday Dhibaato ku Dhacdana waxay aharaystaan Muuse iyo inta la jirta, Baaskoodu wuxu uun jiraa Eebe Agtiisa, badankooduse ma Oga.
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶ
Waxayna dheheen wax kasta oo aayad ah ood noola timaaddo inaad nagu Sixirlo anagu kuma rumaynayno.
ﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
Markaasaan ku Dirray Daad, Ayax, injir iyo: Rah iyo Dhiig aayaad Cad iyagoo ah, wayna. iskibriyeen waxayna ahaayeen Qoom Dambiilayaal ah.
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
Markuu ku Dhacay korkooda Cadaabku waxay dheheen Muusow noo Bari Eebahaa wuxuu kugula Ballamay, haddaad naga fayddo Cadaabka waannu ku Rumayn, waxaana la diri (u dayn) la jirkaaga Banii Israa'iil.
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨ
Markaan ka faydnay Cadaabkii lan iyo Muddo ay Gaadhayaan yey ahaadeen kuwo Buriya (Ballankii).
ﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕ
Waan ka aarsannay Gaaladii waxaana ku Maanshaynay Badda Illeen waxay beeniyeen Aayaadkanaga, wayna Halmaameen.
ﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵ
Waxaana Dhaxalsiinnay Qoomkii ahaa kuwa lagu Dullaysto Bariga Dhulka iyo Galbeedkiis (Masar iyo Shaam) een barakaynay Dhexdiisa, wayna u Dhammaatay Kalimada (Yaboohii) Eebahaa ee wanagsanaa Banuu Israa'iil samirkoodii Dartiis. waxaana Baabi'inay wuxuu Samaynayey Fircoon iyo Qoomkiisii iyo waxay Dhisayeeen.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪ
Waxaana Tallaabinay Banuu Israa'iil baddii waxayna u Yimaadeen Qoom ku Nagi Sanamyadoodii markaasay dheheen Muusow Nooyeel Ilaah siday iyaba Ilaahyo u yeesheen wuxuuna ku Yidhi idinku waxaad tihiin Qoom Jaahiliina.
ﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵ
Kuwaas waa lagu Halaagi waxay ku suganyihiin waana Baadhil waxay fali.
ﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿ
Wuxuu yidhi ma wax Eebe ka soo hadhay yaan Ilaahnimo idiinka doonaa isagoo Caalamkan (Jooga) idinka Fadilay.
ﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
Xusuusta markaan idinka Korinay Fircoon Dadkiisii iyagoo idin dhadhansiiyey Cadaab Xun, oo laynayey Wiilashiinna daynayeyna Gabdhihiinna, Arrintaasna waxaa ku Sugan Ibtilo Eebihiin Xaggiisa ka ahaatay oo wayn.
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭ
waxaan u yaboohnay Nabi Muuse Soddan habeen waxaana ku dhamaystirray Toban, wuxuuna ku dhamaaday Ballankii Eebihiis Afartan Habeen, wuxuuna ku yidhi Nabi Muuse Walaalkiis Haaruun iiga dambee Qoomkayga Wanaakina hana raacin Jidka Mufsidiinta.
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻ
Markuu u Yimid Nabi Muuse Ballankanagii oo la hadlay Eebihiis wuxuu yidhi Eebow i tus aan ku arkee, wuxuuna yidhi Eebe ima arkaysid ee day Buurta Hadday Meejeeda ku sugnaato markaasaad i arki, markuu Eebc u Daahiray Buurtii wuxuu ka yeelay Burbur waxaana dhacay Nabi Muuse suuxdin Darteed, markuu miyirsadayna wuxuu Yidhi (Eebow adaa) Nasahan waan kuu Toobad keenay waxaan ahay Mu'minunta kan ugu horreeya (Waqtigan) inaan Adduunka lagugu (arkayn).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟ
Wiixuu Yidhi Eebe Muusow waxaan kaa doortay Dadka (Sabankan) Diriddayda iyo lahadalkayga Dartiis ee qaado waxaan ku siiyey ahowoa kuwa Mahdiya.
ﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵ
Waxaan ugu qurray alwaaxda wax kastoo wacdi iyo Caddayna, ee ku qaado Niyadadag farna Qoomkaaga may qaalaan, ha qaataan Teeda Fiicane Waxaan idin tusin Guryihii Faasiqiinta.
ﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛ
Waxaan ka lilaa Aayaadkayga kuwa isku Kibriya Dhulka Xaq darro, hadday arkaan Aayaad kasta ma Rumeeyaan hadday arkaan Jidka Hanuunka kama Yeeshaan Waddo, hadday Arkaan Waddada Baadidana waxay ka yccshaan Jid, waxaana ugu Waran inay Beeniyeen Aayaadkanaga oy ahaayeeo kuwo Halmaamay.
ﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
Kuwa Beeniyeen Aayaadkanaga iyo la Kulankanaga Aakhiro waxaa Buray Camalyaalkooda Miyaase laga abaal mariyaa waxay Camal falayeen Mooyee.
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤ
Waxay ka Yeesheen qoomkii Nabi Muuse Gadaashiis Jawhartoodii Dibi Cod leh, miyeyna arkaynin inuusan lahadlaynin kuna Toosinaynin Jid, way Yeesheen iyagoo Daalimiin ah.
ﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
Markii Gacmahooda lagu Riday (Nidaamoodeen) oy arkeen inay Dhumeen waxay Dhaheen Hadduusan noo Naxariisan Eebahanno oosan noo Dambi Dhaafin waxaan Noqonaynaa kuwo Khasaara.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
Markuu ku soo Noqday Nabi Muse qoomkiisii isagoo Cadhaysan oo Walbahaarsan wuxuu yidhi waxaa Xun Waxaad iiga dambeysccn Gadaashay, ma waxaad Dadajisateen Amarkii Eebihiin wuxuuna Tuuray Alwaaxdii wuxuuna Qabtay Madaxa Walaalkiis Isagoo Xaggiisa u Jiidi, wuxuuna Yidhi Ina Hooyoow qoomku way i tabaryaraysteen waxayna u dhawaadeen inay i Dilaan ee ha igaga farxin Colka hana iga yeehn la Jirka Qoomka Daalimiinta ah.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
Wuxuuna yidhi Nabi Muuse Eebow u Dambi Dhaaf ani iyo Walaalkay nana gali Naxariistaada adaa Naxariis badane ahe.
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
Kuwa Yeeshay Dibi waxaa Gaadhi Cadho Lebahood iyo Dulli Nolosha adduunyo saasaana ku Abaal marinaa Been abuurtayaasha.
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨ
Kuwa Falay Xumaan Markaas Toobad keenay intaas ka dib oo Rumeeyey Xaqa Eebahaa intaas ka dib waa Dambi Dhaafe Naxariista.
ﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚ
Markay Cadhadu ka Xasishay Nabi Muuse wuxuu Qaatay Alwaaxdii waxaana ku qorraa hanuun iyo Naxariis u ah kuwa Eebahood ka Cabsan.
ﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉ
Wuxuu ka Doortay Nabi Muuse Qoomkiisa Toddobaatan Nin Ballankanaga Dartiis, markay qabatay Gariirku wuxuu Yidhi Eebow haddaad Doonto waad halaagi lahayd horay iyaga iyo Anigaba, ma waxaad noo halaagi waxay faleen Sufaho naga mida, waa Imtixaankaaga Ciddaad doontana waad Dhumisaa kaad dontana waad hanuunisaa adaa Wali noo ah ee noo Dambi Dhaaf noona Naxariiso adaa Dambi Dhaafe Khayr roon ahe.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳ
Noona qor adduunyadan Wanaag iyo Aakhiraba waannu kuu noqonaye, wuxuu Yidhi Cadaabkaygu wuxuu ku dhici Ciddaan Doono, Naxariistayduna waxay u Waasac Noqotay wax kasta, waxaana u qori kuwa Dhawrsada oo Bixiya Zakada iyo Kuwa Aayaadkaygana Rumeeya.
ﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠ
ee ah kuwa Raaca Rasuulka Nabiga ah ec Umiga ah ee ah kay ka heleyeen Isagoo ku qoran agtooda Tawreed iyo Injiil Farana wanaagga kana reeba Xumaanta una Baneeya Wanaagga (Xalaasha) kana Xarrima Xumaanta (Xaaraanta) kana dejiya Culayskii iyo Xadhkihii korkooda ahaa, kuwa Rumeeyey Nabigaas oo Qaddariyey oo u Gargaaray oo Raacay Nuurka lagu soo Dejiyey kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay.
ﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣ
Waxaad Dhahdaa Dadow anugu waxaan ahay Rasuulkii Eebe ee Xaggiinna Dhammaan, waana Eebaha iska leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro isagaa wax nooleeya, waxna Dila ee Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa Nabiga ah ee Umiga ah ee Rumeeyey Eebe iyo Malaa'igtiisa Raacana inaad hanuuntaan.
ﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
Waxaa ka mida Qoomkii Nabi Muuse Umad ku Hanuimsanayd Xaqa kiina Caddaalad falayaay.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂ
Waxaana u kala gaynay Laba iyo Toban Farac oo Ummadood, waxaana u Waxyoonay Nabi Muuse markay Waraab warsadeen Qoomkiisu inuu ku garaaco Ushiisa Dhagaxa waxaana ka soo burqatay laba iyo toban ilood cid kastana waxay Ogaatay Meejcy ka Cabbi lahayd, waxaana ku hadhaynay Daruuro, waxaana ku soo Dejinay Manni (Macaan) iyo Cunno, waxaana ku nidhi ka Cuna wanaagaan idinku Arzuqay, mana ayan na dulmiyin waxaysc Dulmiyccn Naftooda.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘ
Markii lagu yidhi dega Magaaladaa kana Cuna Meejaad doontaan Dhehana Eebow noo Dambi dhaaf, kana gala Albaabka idinkoo Sujuudsan aan idiin Dhaafno Dambigiince unu siyaadinno samafalayaashee.
ﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
Waxayse ku badaleen kuwii dulmi falay oo ka mida hadal ka duwan kii loo yidhi (Fala) waxaana ku Dirray Cadaab Samada kaga Yimid dulmigoodii Dartiis.
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨ
Warso (Yuhuud) Magaaladii Badda ku Dhawayd (Dadkeedii) markay Xadgudbayeen Sabtida, oo Kalluunkoodu u Imanayey Maalinta Sabtida ah isagoo Muuqda, Maalintaan Sabti ahaynna uma Timaaddo, saasaana ugu Imtixaanaa Faasiqni' madooda Darteed.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ
Ka Warran markay Tidhi Umad ka mida maxaad u Wacdiyeysaan qoom Eebe halaagi ama u Cadaabi si daran, waxayna dhaheen waa Eebe u Cudur daarasho, iyo inay Dhawrsadaan inay u Dhawyihiin.
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸ
Markay Halmaameen wixii lagu waaniyey waxaan korinay kuwii Xumaanta Reebayey waxaana ku qabanay kuwii Dulmiga falay Cadaab Xun Faasiqnimadooda Darteed.
ﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
Markay ku Madax adaygeen wixii laga reebay yaan ku nidhi Noqda Daanyeer Dullaysan.
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
Xusuusta markuu Eebe Ogeysiiyey inuu u soo Bixiyaa Yuhuud tan iyo Qiyaamaha cid Dhadhansiisa Cadaab Xun, Eebahaana Ciqaabtiisu way Deg degtaa, waana Dambi Dhaafe Naxariista.
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
Waxaana ku kala gaynay Dhulka iyagoo Umada ah, kuwo suuban iyo kuwo kalaba waxaana ku imtixaannay wanaag iyo Dhibba inay Noqdaan.
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
Waxaana Baddelay kuwo Xun oo Dhaxlay Kitaabkii qaadanina Muuqa Adduunyadan Dhaw, iyagoo Dhihi waa naloo dhaafi hadduu u Yimaaddo muuqaal la midana way qaataan, miyaan laga qaadin Ballankii Kitaabka inayan Eebe waxaan Xaq ahayn ku sheegin oyna Akhriyin waxa Dhaxdiisa ah, Daarta Aakhiro yaana u Khayr roon kuwa dhawrsada ee miyeeydan wax kasayn.
ﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂ
Kuwa Qabsada Kitaabka oo Ooga Salaadda annagu ma dayacno ajriga kuwa wax Suubiya (Samo fala).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ
(Ka warran) markaan ku koryeelay Buurtii, sidii isagoo hadhayn, una maleeyeen inuu ku Dhici, kuna nidhi ku qaata waxaan idin siinay Niyad Adag, kuna waana qaata waxa ku sugan si aad u dhawrsataan.
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂ
(Xusuuso) markuu Eebahaa ka qabtay Dadka Dhabarkooda Faracoodii uuna marag uga Yeelay Naftooda, kuna Yidhi Miyaanaan Eebihiin ahayn, oy dhaheenna inaad Eebahanno tahay yaan Marag Kacnay, inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame annagu Waan halmaansanayn kan.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
Ama aydaan Dhihin waxaa wax la wadaajiyey (Edbe) Aabbayaalkanagii mar hore annaguna waxaan nahay farac ka Dambeeyey ee miyaad noo halaagi waxay faleen Xumo falayaal.
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
Saasaanu Caddaynaa Aayaadka iyo inay u Noqdaan Xaqa.
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧ
Ku Akhri korkooda kii warkiisii aan Siinay Aayaadkanaga oo ka Siibtay Shaydaanna uu Raacay (Isaga) Noqdayna kuwa Baadida ah.
ﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪ
Haddan Doonno waannu koryeeli lahayn, hasayeeshee wuxuu u iishay Dhulka (Adduunyo Jacayl) wuxuuna Raacay Hawadiisa, wuxuuna la mid yahay Eey haddaad Erido wuu lalmin Carrabka, haddaad Deysana wuu lalmin, saasna waa Masalka Qoomka Beeniyey Aayaadkanaga ee uga warran Qisooyin inay Waantoomaan.
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
Waxaa Tusaale u Xun Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, Naftoodana waxay ahaayeen kuwo Dulmiya.
ﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀ
Ciddii Eebe hanuuniya umbaa hanuuni, Cidduu Dhumiyana waa uun kuwa Khasaaray.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
Waxaan u Abuuray Jahannamo wax badan oo Jinni iyo Insiba leh, waxayna Leeyihiin Quluub ayna wax ku Kasayn, waxayna Leeyihiin Indho ayna wax ku Arkayn, waxayna Leeyihiin Dhago ayna wax ku Maqlayn, Kuwaasina waa Xoolo oo kale, waana ka sii Dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa Halmaansan.
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen.
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
Waxaa ka mida waxaan Abuuray Ummad ku Hanuunsan Xaqa, Kuna socon.
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔ
Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga waxaannu ka qaban meel ayna Ogayn.
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛ
Waana Sugi Kaydkaygu «Awooddayduna» waa darantahay.
ﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩ
Miyeyna Fikirin inaan Saaxiibkooda (Nabiga) Waalli hayn, waxaan dige Cad ahayna uuna ahayn.
ﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
Miyeyna Dayin Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa Eebe abuuray oo wax ah, iyo inay Mudantahay inay Dhawdahay Ajashoodu, Hadalkayse Quraanka ka dib Rumayn.
ﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮ
Cidduu Dhumiyo Eebe wax Hanuunin ma lch, wuxuuna kaga tegi Xad gudubkooda iyagoo ku Wareersan.
ﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕﰖﰗﰘﰙﰚ
Waxay ku Warsan Saacadda (Qiyaame) markay Sugnaan, waxaad Dhahdaa Ogaanshaheedu waa Eebahay Agtiisa, waqtigeeda wax Muujin kara oon Eebe ahayn ma jiro, waxay ku Cuslaatay Samooyinka iyo Dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma Timaaddo, waxay ku warsan Saacadda sidii adoo og, waxaad dhahdaa Ogaanshaheedu waa uun Eebe Agtiisa Dadka Badankiisase ma oga (Xaalkaas).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
Waxaad Dhahdaa uma hanto Naftayda Nacfi iyo Dhib midna, wuxuu Eebe doono mooyee, haddaan ahay mid og waxa maqan waxaan badsan lahaa Khayrka imana taabteen Xumaani, anigu waxaan uun ahay u dige una Bishaareeye Qoomkii Rumayn (Xaqa).
ﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐ
Eebe waa kan idinka abuuray Naf kaliya, kana yeelay Xaggeeda Haweenaydiisii inuu Weheshado markay Kulmeenna waxay qaadday uur Fudud Saasayna ahayd Markay Cuslaatayna waxay Baryeen Eebahood haddaad Na siiso (Ilmo) Suubban waxaan noqonaynaa kuwa Shugriya.
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞ
Markuu siiyey mid Suubban waxay u Yeeleen wax la wadaaga wuxuu Eebe siiyey, Eebaa ka sarreeya waxay la Waddajiyeen.
ﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
Ma waxay la wadaajin waxaan wax Abuuran iyagana la Abuuro.
ﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮ
OOn Karaynna gargaar naftoodana aan u gargaarayn.
ﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝ
Haddaad ugu Yeedho Hanuunkana idima raacaan waana isku mid haddaad u Yeedhaan iyo haddaad ka Aamustaanba.
ﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭ
Kuwaad caabudaysan (U yeedheysaan) Eebe ka Sokow waa Addoomo idinkoo kala ah, bal u Yeedha oo haydin Yeeleen (Aqbaleen) haddaad Run sheegaysaan.
ﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌ
Ma waxay Leeyihiin lugo ay ku Socdaan, mise waxay Leeyihiin Gacmo ay wax ku qabtaan mise waxay Leeyihiin indho ay wax ku arkaan, mise waxay leeyihiin Dhago ay wax ku Maqlaan, waxaad Dahdaa u Yeedha Shurakadiinna ina Dhagra hana i sugina.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛ
Waligaygu waa Ilaaha soo Dejiyey Kitaabka isagaana u Gargaara kuwa Suuban.
ﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦ
Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow ma karaan Gargaarkiinna Naftoodana uma Gargaarayaan.
ﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴ
Hadday ugu Yeedhaan Hanuunkana ma Maqlaan waxaadna aragtaa iyagoo ku soo Eegi oon waxba Arkayn.
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼ
Qaado waxa Fudud Farna Wanaagga kana Jeedso Jaahiliinta.
ﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
Hadduu ku Waswaasiyo Shaydaan waswaasiye ka Magangal Eebe isagaa Maqle oge ahe.
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕ
Kuwa Dhawrsaday hadduu Taabto Shar Shaydaan way Xusuustaan (Waantoomaan) wayna Arkaan Xaqa (Toonsaadaan).
ﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝ
Walaalaha Shaydaankuse waxay ku Kaalmeeyan Baadida kamana Daalaan.
ﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘ
Haddaydaan ula Imaanin Aayad waxay Dhahaan Maxaad u soo dooran wayday, waxaad dhahdaa waxaan uun Raaci wixii layga waxyooday Xagga Eebahay Kaasina waa Xujooyin Xagga Eebihiin ka ahaatay iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn (Xaqa).
ﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡ
Markii la Akhriyo Quraanka Dhagaysta una Dhag raariciyana in laydiin Naxariisto.
ﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲ
U Xus Eebaha Naftahaa Naftaada Khushuuc (Baryo) iyo Cabsi, iyo Qaylo la'aan hadal, Aroor iyo Galabba, hana Noqon kuwa Halmaama (Xuska Eebe).
ﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿ
Kuwa Eebe agtiisa ah iskama Kibriyaan Cibaadadiisa wayna u Tasbiixsadaan (Nasahaan) Isagayna u Sujuudaan.

Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers