PDF —
30 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah As-Sajdah pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah As-Sajdah pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah As-Sajdah Tarjumaad. Suurah As-Sajdah (Makki) 30 Aayad.

← LuqmaanSuurah As-Sajdah Al-Ahzaab →


30 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭑﭒ
32:1 waxay ku tusin mugjisada Quraanka
ﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛ
32:2 soo dajinta Quraanka shaki kuma jiro, wuxuuna ka soodagay Eebaha Calaamka xaggiisa.
ﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
32:3 mise waxay dhihi waxaa been abuurtay (Nabiga) saas ma aha ee waa xaq Quraanku Eebahaa xaggiisa ka yimid si aad ugu digtid qoom uusan u imaanin dige kaa horeeya, si ay u hanuunaan,
ﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊ
32:4 Eebe waa ka ku abuuray Samooyinka, iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya Lix maalmood dhexdeed, markaasna ku istawooday Carshiga «si u cunanta» idiinmana sugnaanin Eebe ka sokow wali (gargaare) iyo shafecee midna, ee miyeydaan wax xusuusanayn.
ﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
32:5 amarka Eebaa ka maamula Samada xagga Dhulka markaasaa amarkaasi xagga Eebe u koraa Maalin qadarkeedu yahay Kun sano oo waxaad tirinaysaana.
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣ
32:6 kaasina waa Eebaha og wax maqan iyo waxa joogaba, ee adkaada ee Naxariista.
ﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯ
32:7 Eebaa wanaajiyey abuuridda wax kasta, wuxuuna ka billaabay abuuridda Dadka Dhoobo, (Nabigii Aadam ahaa).
ﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙ
32:8 markaas kayeelay faraciisii mid ka soo taxma Biyo taharyar.
ﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪ
32:9 markaas ekeeyey oo ruuxdiisa ku afuufay idiinna yeelay maqal, Aragyaal iyo quluuba, waxyar baadse Eebe ku mahdisaan.
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺ
32:10 waxay dhaheen Gaaladii ma markaan ku dhexluno dhulka (geeriyoonno) yaa abuurid cusub nala abuuri, saas ma aha ee iyagu la kulanka Eebahood bay ka gaaloobeen.
ﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇ
32:11 waxaad dhahdaa waxaa idin oofsan (dili) Malaga mowdka laydiin wakiishay markaasaa xagga Eebihiin laydiin celin.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
32:12 haddaad arki lahayd marka dambiilayaashu madaxa hoos u dhigi (qiyaamada) Eebahood agtiisa (iyagoo dhihi) Eebahanow waan aragnay waana maqalay ee naceli si aan camalfiican u fallo waan yaqiininaye (waxaad arki lahayd wax yaableh).
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
32:13 haddaan doono waxaan siin lahayn (ku toosin lahayn) Nafkasta hanuunkeeda hase yeeshee waxaa hormaray Hadalkaygii in laga buuxin Jahannamo Jinno iyo Insi dhammaan.
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂ
32:14 ee dhadhamiya halmaanshihiinii la kulanka Maalintiinnan (qiyame) annaguna waan idinka tagaynaa (maanta) ee dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinii dartiis.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
32:15 waxaa uun rumayn aayaadkanaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna tasbiixsada mahadda Eebahood iyagoon is kibrinayn (isla waynayn).
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟ
32:16 waxayna ka dheeraataa dhinacyadoodu jiifka iyagoo baryi Eebahood cabsi iyo rajaynba waxaan ku arzuqnayna wax ka bixiya.
ﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭ
32:17 ma oga Nafu waxa loo qariyay kuwaas oo Indho ku qaboowsadaan abaal marin waxay camalfalayeen dartiis.
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘ
32:18 ruux Mu'min ah mala midbaa mid faasiq ah, ma eka.
ﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥ
32:19 kuwa rumeeyay (xaqa) oo camal fiican falay waxay mudan Jannooyinka Ma'wa martiqaad waxay xamal falayeen dartiis.
ﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼ
32:20 kuwase faasiqoobay waxay ku hoyan Naar, markay doonaan inay ka baxaanna waa lagu celin dhexdeeda waxaana lagu dhihi dhadhamiya Cadaabka Naartii aad beenin jirteen.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚ
32:21 waxaana dhadhansiinaynaa cadaab hoose cadaab wayn kasokow inay noqdaan darteed.
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩ
32:22 yaa ka dulmi badan ruux lagu waaniyay aayaadka Eebihiis oo ka jeedsaday xaggeeda, anaguna dambiilayaasha waan ka aarsanaynaa.
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
32:23 dhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabkii (Tawreed) ee hashakiyin lakulankiisa waxaana ka yeelay Kitaabkaas hanuunka Banii Israa'iil.
ﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅ
32:24 waxaana ka yeelay qaarka mid ah imaamyo ku hanuuniya amarkanaga markay samreen, waxayna ahaayeen kuwa aayaadkanaga yaqiiniya.
ﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑ
32:25 Eebahaabaana kala bixin dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay ahaayeen kuwo isku diidan.
ﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
32:26 myayna ku hanuunin kuwaasi intaan halaagnay hortood oo quruun ah oy socon guryahoodii, taasina waxaa ku sugan calaamado ee miyayna wax maqlaynin.
ﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚ
32:27 miyeyna arkeyn inaan u soo kaxayno Biyaha Dhul abaar ah oon markaas ku soobixino Beero ay wax ka cunaan Xoolahooda iyo Naftooduba miyeyna wax arkaynin.
ﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
32:28 waxay dhihi waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan.
ﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮ
32:29 waxaad dhahdaa maalinta kala xukunka Gaalada ma anfaco Iimaankoodu lamaga sugo.
ﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
32:30 Ee isaga jeedso oo sug iyana ha sugeene.

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers