Suurah Al-Inshiqaaq pdf — Soo Dejiso (Soomaali)
Suurah Al-Inshiqaaq pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Inshiqaaq Tarjumaad. Suurah Al-Inshiqaaq (Makki) 25 Aayad.
Related
- Suurah Al-Inshiqaaq TarjumaadSoomaali
- Suurah Al-Inshiqaaq mp3Maqal
- Quran Index Soomaali114
More Suurah PDF
Suurah Al-Inshiqaaq

ﭣﭤﭥﭦ
84:1
Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada).
ﭧﭨﭩﭪ
84:2
Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.
ﭫﭬﭭﭮ
84:3
Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada).
ﭯﭰﭱﭲﭳ
84:4
Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.
ﭴﭵﭶﭷ
84:5
Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa).
ﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀ
84:6
Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi.
ﮁﮂﮃﮄﮅﮆ
84:7
Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee).
ﮇﮈﮉﮊﮋ
84:8
Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
ﮌﮍﮎﮏﮐ
84:9
Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan.
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗ
84:10
Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune).
ﮘﮙﮚﮛ
84:11
Wuxuu u yeedhan Halaag.
ﮜﮝﮞ
84:12
Wuxuuna gali Naarta Saciira.
ﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
84:13
Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii).
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
84:14
Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame).
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓ
84:15
Saas ma ahee Eebe waa arkaa.
ﯔﯕﯖﯗ
84:16
Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca.
ﯘﯙﯚﯛ
84:17
Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay.
ﯜﯝﯞﯟ
84:18
Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo.
ﯠﯡﯢﯣﯤ
84:19
Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/
ﯥﯦﯧﯨﯩ
84:20
Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa).
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱ
84:21
Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.
ﯲﯳﯴﯵﯶ
84:22
Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa).
ﯷﯸﯹﯺﯻ
84:23
Eebana waa ogyahay waxay qarsan.
ﯼﯽﯾﯿ
84:24
Ugu bishaaree caddibaad daran.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚ
84:25
Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin.
Quraanka Kariimka
Wednesday, September 9, 2026
Don't forget us in your sincere prayers







