Suurah Al-Hijr pdf — Soo Dejiso (Soomaali)
Suurah Al-Hijr pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Hijr Tarjumaad. Suurah Al-Hijr (Makki) 99 Aayad.
Related
- Suurah Al-Hijr TarjumaadSoomaali
- Suurah Al-Hijr mp3Maqal
- Quran Index Soomaali114
More Suurah PDF
Suurah Al-Hijr

ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘ
15:1
Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad.
ﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠ
15:2
Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii).
ﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩ
15:3
ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane,
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
15:4
Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno.
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
15:5
Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto.
ﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
15:6
Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay.
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌ
15:7
Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi.
ﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
15:8
Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas).
ﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞ
15:9
Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri.
ﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
15:10
waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore.
ﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯ
15:11
Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.
ﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
15:12
saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha.
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞ
15:13
mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey.
ﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨ
15:14
haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora
ﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱ
15:15
waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘ
15:16
waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi).
ﭙﭚﭛﭜﭝﭞ
15:17
waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis.
ﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦ
15:18
mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee.
ﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
15:19
dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman.
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
15:20
waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇ
15:21
waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee.
ﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔ
15:22
waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda).
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛ
15:23
annagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha).
ﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣ
15:24
waxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray.
ﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬ
15:25
Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah.
ﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
15:26
annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon.
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞ
15:27
Jaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl).
ﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫ
15:28
Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon.
ﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵ
15:29
Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud.
ﯶﯷﯸﯹﯺ
15:30
wayna Sujuudeen malaa'igtii dhammaan oo Kulansan.
ﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂ
15:31
Ibliis oo diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙ
15:32
Wuxuuna yidhi (Eebe) Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda.
ﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ
15:33
Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon.
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫ
15:34
Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu fogeeyaye.
ﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
15:35
Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada).
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
15:36
Wuxuuna yidhi Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka.
ﭺﭻﭼﭽﭾ
15:37
Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay.
ﭿﮀﮁﮂﮃ
15:38
Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh.
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
15:39
Wuxuuna yidhi Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana Dhumin dhammaan.
ﮏﮐﮑﮒﮓ
15:40
Addoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay).
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
15:41
Eebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin).
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥ
15:42
Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee.
ﮦﮧﮨﮩﮪ
15:43
Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan.
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
15:44
Waxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah).
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚ
15:45
kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri).
ﯛﯜﯝﯞ
15:46
waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo.
ﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
15:47
waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan.
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲ
15:48
kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo.
ﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺ
15:49
U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista ahay,
ﯻﯼﯽﯾﯿﰀ
15:50
iyo in Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun.
ﰁﰂﰃﰄﰅ
15:51
Ugana waran dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi Ibraahim.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚ
15:52
Markay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan.
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢ
15:53
ooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane.
ﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫ
15:54
Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan.
ﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳ
15:55
Waxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta.
ﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼ
15:56
Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee.
ﭽﭾﭿﮀﮁﮂ
15:57
Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉ
15:58
Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood.
ﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐ
15:59
Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood.
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗ
15:60
Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga).
ﮘﮙﮚﮛﮜﮝ
15:61
Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray.
ﮞﮟﮠﮡﮢ
15:62
Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin.
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
15:63
Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii).
ﮫﮬﮭﮮﮯ
15:64
Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa.
ﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟ
15:65
Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray.
ﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
15:66
Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii.
ﯪﯫﯬﯭﯮ
15:67
Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida).
ﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵ
15:68
Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina.
ﯶﯷﯸﯹﯺ
15:69
kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina.
ﯻﯼﯽﯾﯿﰀ
15:70
Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗ
15:71
wuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan).
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
15:72
Cimrigaagee iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin.
ﭞﭟﭠﭡ
15:73
Waxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa.
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪ
15:74
Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah.
ﭫﭬﭭﭮﭯﭰ
15:75
Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira).
ﭱﭲﭳﭴ
15:76
Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad).
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
15:77
Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay.
ﭻﭼﭽﭾﭿﮀ
15:78
Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb).
ﮁﮂﮃﮄﮅﮆ
15:79
Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno).
ﮇﮈﮉﮊﮋﮌ
15:80
Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax).
ﮍﮎﮏﮐﮑﮒ
15:81
Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada.
ﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
15:82
Waxaana ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina.
ﮚﮛﮜﮝ
15:83
Waxaana qabatay Qaylo Aroortii.
ﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
15:84
Waxna uma tarin waxay Kasbanayeen.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
15:85
Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way iman ee iska saamax saamixid quruxsan.
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜ
15:86
Eebahaabaa ah abuuraha cilmiga lehe.
ﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤ
15:87
waxaan ku siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn.
ﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
15:88
ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon una raarici (Jilei) garabkaaga (macaamiladooda) Mu'miniinta.
ﯵﯶﯷﯸﯹﯺ
15:89
waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun ahay u dige cad.
ﯻﯼﯽﯾﯿ
15:90
sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa).
ﭑﭒﭓﭔﭕ
15:91
ee kayeelay Quraanka Qaybo.
ﭖﭗﭘﭙ
15:92
Eebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood.
ﭚﭛﭜﭝ
15:93
waxay falayeen.
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤ
15:94
ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta.
ﭥﭦﭧﭨ
15:95
anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa.
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
15:96
ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
15:97
waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun).
ﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
15:98
ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda.
ﮂﮃﮄﮅﮆﮇ
15:99
Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu).
Quraanka Kariimka
Wednesday, September 9, 2026
Don't forget us in your sincere prayers







