Suurah Al-Waaqi'ah pdf — Soo Dejiso (Soomaali)
Suurah Al-Waaqi'ah pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Waaqi'ah Tarjumaad. Suurah Al-Waaqi'ah (Makki) 96 Aayad.
Related
- Suurah Al-Waaqi'ah TarjumaadSoomaali
- Suurah Al-Waaqi'ah mp3Maqal
- Quran Index Soomaali114
More Suurah PDF
Suurah Al-Waaqi'ah

ﮃﮄﮅﮆ
56:1
Markay Qiyaamadu dhacdo.
ﮇﮈﮉﮊ
56:2
Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
ﮋﮌﮍ
56:3
Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
ﮎﮏﮐﮑﮒ
56:4
Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.
ﮓﮔﮕﮖ
56:5
Buurahana la riqdo.
ﮗﮘﮙﮚ
56:6
Oy noqoto boodh Firdhisan.
ﮛﮜﮝﮞ
56:7
Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).
ﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
56:8
Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
56:9
Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.
ﮫﮬﮭ
56:10
Iyo kuwii aad u hormaray.
ﮮﮯﮰ
56:11
Waa kuwa Eebe dhaweeyay.
ﮱﯓﯔﯕ
56:12
Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.
ﯖﯗﯘﯙ
56:13
Waana Koox ka mid ah kuwii hore.
ﯚﯛﯜﯝ
56:14
Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
ﯞﯟﯠﯡ
56:15
Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
ﯢﯣﯤﯥ
56:16
Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.
ﭑﭒﭓﭔﭕ
56:17
Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
ﭖﭗﭘﭙﭚﭛ
56:18
Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.
ﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
56:19
Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
ﭢﭣﭤﭥ
56:20
Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.
ﭦﭧﭨﭩﭪ
56:21
Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.
ﭫﭬﭭ
56:22
Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.
ﭮﭯﭰﭱ
56:23
Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.
ﭲﭳﭴﭵﭶ
56:24
Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).
ﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽ
56:25
Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
ﭾﭿﮀﮁﮂ
56:26
Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
56:27
Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.
ﮉﮊﮋﮌ
56:28
Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.
ﮍﮎﮏ
56:29
Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa.
ﮐﮑﮒ
56:30
Iyo Hoos joogta ah.
ﮓﮔﮕ
56:31
Iyo Biyo socda (goor walba).
ﮖﮗﮘ
56:32
Iyo Faakiha badan.
ﮙﮚﮛﮜﮝ
56:33
Oon la goynaynin lana reebaynin.
ﮞﮟﮠ
56:34
Iyo Gogol la koryeelay.
ﮡﮢﮣﮤ
56:35
Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada).
ﮥﮦﮧ
56:36
Kana dhigi kuwa aan la taaban.
ﮨﮩﮪ
56:37
Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.
ﮫﮬﮭ
56:38
Liwa Midigta yaa muta (arrintaas).
ﮮﮯﮰﮱ
56:39
Waana Koox kuwii hore ka mid ah.
ﯓﯔﯕﯖ
56:40
Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜ
56:41
Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.
ﯝﯞﯟﯠ
56:42
Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.
ﯡﯢﯣﯤ
56:43
Iyo hoos madow oo wax guba.
ﯥﯦﯧﯨﯩ
56:44
Aan qaboobayn aragna fiicnayn.
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯ
56:45
Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).
ﯰﯱﯲﯳﯴﯵ
56:46
Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn.
ﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿ
56:47
Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.
ﰀﰁﰂ
56:48
Ama Aabayaalkannagii horeeyay.
ﰃﰄﰅﰆﰇ
56:49
Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.
ﰈﰉﰊﰋﰌﰍ
56:50
Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
56:51
Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.
ﭗﭘﭙﭚﭛﭜ
56:52
Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun.
ﭝﭞﭟﭠ
56:53
Aad kana buuxinaysaan Caloosha.
ﭡﭢﭣﭤﭥ
56:54
Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.
ﭦﭧﭨﭩ
56:55
Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.
ﭪﭫﭬﭭﭮ
56:56
Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).
ﭯﭰﭱﭲﭳ
56:57
(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).
ﭴﭵﭶﭷ
56:58
Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».
ﭸﭹﭺﭻﭼﭽ
56:59
Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,
ﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅ
56:60
Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.
ﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏ
56:61
Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.
ﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
56:62
Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.
ﮗﮘﮙﮚ
56:63
Ka warrama waxaad beereysaan.
ﮛﮜﮝﮞﮟﮠ
56:64
Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.
ﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧ
56:65
Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).
ﮨﮩﮪ
56:66
(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.
ﮫﮬﮭﮮ
56:67
Mase waa nala hoojiyay.
ﮯﮰﮱﯓﯔ
56:68
Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜ
56:69
Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.
ﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣ
56:70
Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe).
ﯤﯥﯦﯧﯨ
56:71
Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.
ﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯ
56:72
Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.
ﯰﯱﯲﯳﯴﯵ
56:73
Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).
ﯶﯷﯸﯹﯺ
56:74
Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
ﯻﯼﯽﯾﯿﰀ
56:75
(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).
ﰁﰂﰃﰄﰅﰆ
56:76
Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.
ﭑﭒﭓﭔ
56:77
Quraanku waa shay sharaf leh.
ﭕﭖﭗﭘ
56:78
Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.
ﭙﭚﭛﭜﭝ
56:79
Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn.
ﭞﭟﭠﭡﭢ
56:80
Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.
ﭣﭤﭥﭦﭧ
56:81
Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan.
ﭨﭩﭪﭫﭬ
56:82
Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa).
ﭭﭮﭯﭰﭱ
56:83
Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.
ﭲﭳﭴﭵ
56:84
Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).
ﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽ
56:85
Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.
ﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
56:86
Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.
ﮄﮅﮆﮇﮈ
56:87
Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
56:88
Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.
ﮏﮐﮑﮒﮓ
56:89
Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
56:90
Hadduu yahay kuwa Midigta marina.
ﮛﮜﮝﮞﮟﮠ
56:91
Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag).
ﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧ
56:92
Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.
ﮨﮩﮪﮫ
56:93
Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.
ﮬﮭﮮ
56:94
Iyo galidda Naarta Jaxiimo.
ﮯﮰﮱﯓﯔﯕ
56:95
Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.
ﯖﯗﯘﯙﯚ
56:96
Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
Quraanka Kariimka
Wednesday, September 9, 2026
Don't forget us in your sincere prayers







