Suurah Al-Ghaashiyah pdf — Soo Dejiso (Soomaali)
Suurah Al-Ghaashiyah pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Ghaashiyah Tarjumaad. Suurah Al-Ghaashiyah (Makki) 26 Aayad.
Related
More Suurah PDF
Suurah Al-Ghaashiyah

ﭽﭾﭿﮀﮁ
88:1
Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.
ﮂﮃﮄﮅ
88:2
Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.
ﮆﮇﮈ
88:3
Waxayna qaban Shaqo dhib ah.
ﮉﮊﮋﮌ
88:4
Waxayna gali Naar kulul.
ﮍﮎﮏﮐﮑ
88:5
Waxaana laga waraabin il kulayl daran.
ﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘ
88:6
Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).
ﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟ
88:7
Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin.
ﮠﮡﮢﮣ
88:8
Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta).
ﮤﮥﮦ
88:9
Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
ﮧﮨﮩﮪ
88:10
Janno sarana way gali.
ﮫﮬﮭﮮﮯ
88:11
Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.
ﮰﮱﯓﯔ
88:12
Waxaana ah dhexdeed il socota.
ﯕﯖﯗﯘ
88:13
iyo Sariiro la koryeelay.
ﯙﯚﯛ
88:14
Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).
ﯜﯝﯞ
88:15
Iyo Barkimooyin la safay.
ﯟﯠﯡ
88:16
Iyo gogol la fidiyay.
ﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨ
88:17
Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.
ﯩﯪﯫﯬﯭ
88:18
Iyo sida Samada loo koryeelay.
ﯮﯯﯰﯱﯲ
88:19
Iyo sida Ruuraha loo taagay,
ﯳﯴﯵﯶﯷ
88:20
Iyo sida dhulka loo fidiyay.
ﯸﯹﯺﯻﯼ
88:21
Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).
ﯽﯾﯿﰀ
88:22
Mana tihid mid xoog ku leh (qasab).
ﭑﭒﭓﭔﭕ
88:23
Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).
ﭖﭗﭘﭙﭚ
88:24
Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.
ﭛﭜﭝﭞ
88:25
Xagganagayna u soo noqon (khalqigu).
ﭟﭠﭡﭢﭣ
88:26
Annagaana xisaabin.
Quraanka Kariimka
Wednesday, September 9, 2026
Don't forget us in your sincere prayers







