La sourate Al-Haqqah en Somali
الْحَاقَّةُ(1) Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan). |
Xaaqo maxay tahay. |
inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada. |
Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada. |
Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran. |
Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow. |
oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay). |
wax ka hadhay miyaad aragtaa. |
وَجَاءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُ وَالْمُؤْتَفِكَاتُ بِالْخَاطِئَةِ(9) Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi). |
فَعَصَوْا رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً(10) Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay. |
إِنَّا لَمَّا طَغَى الْمَاءُ حَمَلْنَاكُمْ فِي الْجَارِيَةِ(11) Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii. |
لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَا أُذُنٌ وَاعِيَةٌ(12) si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha. |
Marka Suurka la afuufo hal mar. |
وَحُمِلَتِ الْأَرْضُ وَالْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَاحِدَةً(14) Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar. |
Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa. |
Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan. |
وَالْمَلَكُ عَلَىٰ أَرْجَائِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَانِيَةٌ(17) Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag. |
Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro. |
فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ فَيَقُولُ هَاؤُمُ اقْرَءُوا كِتَابِيَهْ(19) Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga. |
Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda. |
wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay. |
Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa. |
Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran). |
كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا أَسْلَفْتُمْ فِي الْأَيَّامِ الْخَالِيَةِ(24) Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii). |
وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِشِمَالِهِ فَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُوتَ كِتَابِيَهْ(25) Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga. |
Xisaabtaydana maanan ogaanin. |
Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday. |
Xoolahaygi wax iima tarin. |
Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii). |
Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira. |
Naarta Jahannamada geliya. |
ثُمَّ فِي سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَاسْلُكُوهُ(32) Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah. |
maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn. |
aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo. |
Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib. |
Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka». |
Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada). |
Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah). |
iyo waxaydaan arkayninba. |
ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh. |
Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa). |
Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan. |
(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka. |
Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed). |
Waxaanu ku qaban gacan adag. |
Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha. |
Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro. |
Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada. |
Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka). |
Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame). |
Qur'aanka waa run dhab ah. |
Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Haqqah : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Haqqah complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide