La sourate Al-Maarij en Somali
Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo). |
Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro. |
Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba. |
تَعْرُجُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ إِلَيْهِ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ(4) Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano. |
Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan. |
Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay. |
Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay. |
Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale. |
Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale. |
Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin. |
يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ الْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِي مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍ بِبَنِيهِ(11) Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa. |
Haweenaydiisa, Walaalkiis. |
iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey. |
iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo. |
Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli). |
Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka). |
Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday. |
Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin). |
Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan. |
Haddii dhib taabto wuu argagaxaa. |
Hadduu khayr helana wuu reebaa. |
Marka laga reebo Muslimiinta tukata. |
Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima. |
Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya. |
Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan. |
Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta). |
Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood. |
Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro. |
Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino. |
إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ(30) 30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo. |
فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ(31) Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay. |
Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya. |
Kuwa maraggooda si fiican u furay. |
Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra). |
Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo. |
Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin). |
Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga. |
أَيَطْمَعُ كُلُّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ(38) Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima. |
Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin. |
فَلَا أُقْسِمُ بِرَبِّ الْمَشَارِقِ وَالْمَغَارِبِ إِنَّا لَقَادِرُونَ(40) Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa. |
عَلَىٰ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ(41) Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan. |
فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا وَيَلْعَبُوا حَتَّىٰ يُلَاقُوا يَوْمَهُمُ الَّذِي يُوعَدُونَ(42) Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey. |
يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ الْأَجْدَاثِ سِرَاعًا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍ يُوفِضُونَ(43) Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda). |
خَاشِعَةً أَبْصَارُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۚ ذَٰلِكَ الْيَوْمُ الَّذِي كَانُوا يُوعَدُونَ(44) Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda). |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Maarij : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Maarij complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide