La sourate An-Naziat en Somali
Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada). |
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta). |
Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin). |
Iyo tan u orotanta wanaagga. |
Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe). |
Maalinta ay gilgilan afuufka (hore). |
Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay). |
Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan. |
Araggeeduna wuu dullaysnaan. |
Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii). |
Markaan noqonno Lafo duugoobay. |
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah. |
Waa uun Hal Qaylo kaliya. |
Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman. |
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse. |
Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa. |
Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye. |
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid. |
Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid. |
Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn. |
Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon). |
Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda. |
Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay. |
Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare. |
Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba. |
Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi. |
Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay. |
Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna. |
Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay). |
Dhulkana markaas ka dib fidiyay. |
Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay. |
Buurahana sugay. |
Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan. |
Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu). |
Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen. |
Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki. |
Ruuxiise xadgudba. |
Nolosha Adduunyana doorta. |
Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo. |
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ(40) Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun). |
Wuxuu u dheelman Janno. |
Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan. |
Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. |
Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu. |
Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi. |
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوا إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَاهَا(46) Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka). |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate An-Naziat : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate An-Naziat complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide