La sourate At-Tur en Somali
وَالطُّورِ(1) (Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina. |
Iyo Kitaabka la dhigay, |
Oo ku qoran warqado la fidiyay. |
Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur). |
IYo saanqaafka la koryeelay (cirka). |
Iyo Baddii la kululeeyay. |
Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan). |
wax celinna ma jiro. |
Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi. |
Buuruhuna socon. |
Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay. |
Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari. |
Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi). |
Waatan Naartii aad beenin jirteen. |
Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn. |
Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen. |
Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo. |
فَاكِهِينَ بِمَا آتَاهُمْ رَبُّهُمْ وَوَقَاهُمْ رَبُّهُمْ عَذَابَ الْجَحِيمِ(18) Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo. |
(Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis. |
مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ سُرُرٍ مَّصْفُوفَةٍ ۖ وَزَوَّجْنَاهُم بِحُورٍ عِينٍ(20) Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn). |
Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani». |
وَأَمْدَدْنَاهُم بِفَاكِهَةٍ وَلَحْمٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ(22) waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin. |
يَتَنَازَعُونَ فِيهَا كَأْسًا لَّا لَغْوٌ فِيهَا وَلَا تَأْثِيمٌ(23) Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn. |
۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ غِلْمَانٌ لَّهُمْ كَأَنَّهُمْ لُؤْلُؤٌ مَّكْنُونٌ(24) Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray. |
Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin. |
Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada. |
Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama). |
إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلُ نَدْعُوهُ ۖ إِنَّهُ هُوَ الْبَرُّ الرَّحِيمُ(28) Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista. |
فَذَكِّرْ فَمَا أَنتَ بِنِعْمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٍ وَلَا مَجْنُونٍ(29) Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee. |
أَمْ يَقُولُونَ شَاعِرٌ نَّتَرَبَّصُ بِهِ رَيْبَ الْمَنُونِ(30) Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida. |
قُلْ تَرَبَّصُوا فَإِنِّي مَعَكُم مِّنَ الْمُتَرَبِّصِينَ(31) Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye. |
أَمْ تَأْمُرُهُمْ أَحْلَامُهُم بِهَٰذَا ۚ أَمْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ(32) Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay. |
Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin. |
Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi. |
أَمْ خُلِقُوا مِنْ غَيْرِ شَيْءٍ أَمْ هُمُ الْخَالِقُونَ(35) Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda). |
أَمْ خَلَقُوا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ ۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ(36) Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin. |
أَمْ عِندَهُمْ خَزَائِنُ رَبِّكَ أَمْ هُمُ الْمُصَيْطِرُونَ(37) Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka. |
أَمْ لَهُمْ سُلَّمٌ يَسْتَمِعُونَ فِيهِ ۖ فَلْيَأْتِ مُسْتَمِعُهُم بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ(38) Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad. |
Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal. |
أَمْ تَسْأَلُهُمْ أَجْرًا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍ مُّثْقَلُونَ(40) Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay. |
Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan. |
أَمْ يُرِيدُونَ كَيْدًا ۖ فَالَّذِينَ كَفَرُوا هُمُ الْمَكِيدُونَ(42) Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran. |
أَمْ لَهُمْ إِلَٰهٌ غَيْرُ اللَّهِ ۚ سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ(43) Mise Ilaah Eebe ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada». |
وَإِن يَرَوْا كِسْفًا مِّنَ السَّمَاءِ سَاقِطًا يَقُولُوا سَحَابٌ مَّرْكُومٌ(44) Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis). |
فَذَرْهُمْ حَتَّىٰ يُلَاقُوا يَوْمَهُمُ الَّذِي فِيهِ يُصْعَقُونَ(45) Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono. |
يَوْمَ لَا يُغْنِي عَنْهُمْ كَيْدُهُمْ شَيْئًا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ(46) Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin. |
وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا عَذَابًا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ(47) Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga. |
وَاصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا ۖ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ(48) Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici. |
Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate At-Tur : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate At-Tur complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide