La sourate Abasa en Somali
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu). |
Inuu u yimid kii Indhaha la'aa. |
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo. |
Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo. |
Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada). |
Ma; Adaa u bambixi. |
Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin. |
Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi. |
Oo Eeba ka yaabi. |
Miyaad ka shuqloomi. |
Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano. |
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan. |
Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh. |
Oo la kor yeelay lana Daahiriyay. |
Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta). |
كِرَامٍ بَرَرَةٍ(16) Sharafna leh oo baarri ah. |
Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa. |
Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas. |
Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay. |
Jidkana wuu u fudaydiyay. |
Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa. |
Markuu doonana wuu soo bixin. |
Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin. |
Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa. |
Inaan Roob ku soo shubno. |
Dhulkana markaas aan jeexno. |
Kana soo bixinno Midho. |
Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha) |
Iyo Zeytuun iyo Timir. |
Iyo Beerow waawayn. |
Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq. |
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu. |
Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka). |
Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis. |
Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis. |
Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii. |
Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa. |
Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi). |
Wayna Qosli oy bishaaraysan. |
Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli. |
Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin). |
Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun). |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Abasa : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Abasa complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide