Necm suresi çevirisi Somalice

  1. Suresi mp3
  2. Başka bir sure
  3. Somalice
Kuranı Kerim türkçe meali | Kur'an çevirileri | Somalice dili | Necm Suresi | النجم - Ayet sayısı 62 - Moshaf'taki surenin numarası: 53 - surenin ingilizce anlamı: The Star.

وَالنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ(1)

 Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto.

مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ(2)

 Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan.

وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَىٰ(3)

 Kumana hadlo hawadiisa.

إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَىٰ(4)

 quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha.

عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَىٰ(5)

 Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil).

ذُو مِرَّةٍ فَاسْتَوَىٰ(6)

 Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay.

وَهُوَ بِالْأُفُقِ الْأَعْلَىٰ(7)

 Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil).

ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ(8)

 Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga).

فَكَانَ قَابَ قَوْسَيْنِ أَوْ أَدْنَىٰ(9)

 Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw.

فَأَوْحَىٰ إِلَىٰ عَبْدِهِ مَا أَوْحَىٰ(10)

 Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.

مَا كَذَبَ الْفُؤَادُ مَا رَأَىٰ(11)

 Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu).

أَفَتُمَارُونَهُ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ(12)

 Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay.

وَلَقَدْ رَآهُ نَزْلَةً أُخْرَىٰ(13)

 Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale.

عِندَ سِدْرَةِ الْمُنتَهَىٰ(14)

 Sidratul-Muntaha agteeda.

عِندَهَا جَنَّةُ الْمَأْوَىٰ(15)

 Agteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa.

إِذْ يَغْشَى السِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ(16)

 (Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola.

مَا زَاغَ الْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ(17)

 Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin.

لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ آيَاتِ رَبِّهِ الْكُبْرَىٰ(18)

 Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn.

أَفَرَأَيْتُمُ اللَّاتَ وَالْعُزَّىٰ(19)

 Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza.

وَمَنَاةَ الثَّالِثَةَ الْأُخْرَىٰ(20)

 Iya Manaatadii saddexaad ee kale.

أَلَكُمُ الذَّكَرُ وَلَهُ الْأُنثَىٰ(21)

 Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga.

تِلْكَ إِذًا قِسْمَةٌ ضِيزَىٰ(22)

 Taasi waa qayb dulan ah.

إِنْ هِيَ إِلَّا أَسْمَاءٌ سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَاؤُكُم مَّا أَنزَلَ اللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَانٍ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَمَا تَهْوَى الْأَنفُسُ ۖ وَلَقَدْ جَاءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ الْهُدَىٰ(23)

 Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun.

أَمْ لِلْإِنسَانِ مَا تَمَنَّىٰ(24)

 Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan.

فَلِلَّهِ الْآخِرَةُ وَالْأُولَىٰ(25)

 Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh.

۞ وَكَم مِّن مَّلَكٍ فِي السَّمَاوَاتِ لَا تُغْنِي شَفَاعَتُهُمْ شَيْئًا إِلَّا مِن بَعْدِ أَن يَأْذَنَ اللَّهُ لِمَن يَشَاءُ وَيَرْضَىٰ(26)

 Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo.

إِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ لَيُسَمُّونَ الْمَلَائِكَةَ تَسْمِيَةَ الْأُنثَىٰ(27)

 Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig.

وَمَا لَهُم بِهِ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ ۖ وَإِنَّ الظَّنَّ لَا يُغْنِي مِنَ الْحَقِّ شَيْئًا(28)

 Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro.

فَأَعْرِضْ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكْرِنَا وَلَمْ يُرِدْ إِلَّا الْحَيَاةَ الدُّنْيَا(29)

 Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn.

ذَٰلِكَ مَبْلَغُهُم مِّنَ الْعِلْمِ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اهْتَدَىٰ(30)

 Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.

وَلِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ لِيَجْزِيَ الَّذِينَ أَسَاءُوا بِمَا عَمِلُوا وَيَجْزِيَ الَّذِينَ أَحْسَنُوا بِالْحُسْنَى(31)

 Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag.

الَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَائِرَ الْإِثْمِ وَالْفَوَاحِشَ إِلَّا اللَّمَمَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ وَاسِعُ الْمَغْفِرَةِ ۚ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌ فِي بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ ۖ فَلَا تُزَكُّوا أَنفُسَكُمْ ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اتَّقَىٰ(32)

 Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane.

أَفَرَأَيْتَ الَّذِي تَوَلَّىٰ(33)

 Ka warrama midka xaqa ka jeedsaday.

وَأَعْطَىٰ قَلِيلًا وَأَكْدَىٰ(34)

 Oo wax ar bixiyay inta kalana reebtay.

أَعِندَهُ عِلْمُ الْغَيْبِ فَهُوَ يَرَىٰ(35)

 Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa.

أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ(36)

 Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse).

وَإِبْرَاهِيمَ الَّذِي وَفَّىٰ(37)

 Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray).

أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ(38)

 Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin.

وَأَن لَّيْسَ لِلْإِنسَانِ إِلَّا مَا سَعَىٰ(39)

 Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin.

وَأَنَّ سَعْيَهُ سَوْفَ يُرَىٰ(40)

 Camalkiisana la arki doono.

ثُمَّ يُجْزَاهُ الْجَزَاءَ الْأَوْفَىٰ(41)

 Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda.

وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ الْمُنتَهَىٰ(42)

 Eebaa xaggiisana loo ahaan.

وَأَنَّهُ هُوَ أَضْحَكَ وَأَبْكَىٰ(43)

 Eebe waakan wax ka qosliya kana oohiya.

وَأَنَّهُ هُوَ أَمَاتَ وَأَحْيَا(44)

 Isagaana wax dila waxna nooleeya.

وَأَنَّهُ خَلَقَ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ(45)

 Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba.

مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ(46)

 Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday.

وَأَنَّ عَلَيْهِ النَّشْأَةَ الْأُخْرَىٰ(47)

 Isagaana ahaysiin soo celinta kale.

وَأَنَّهُ هُوَ أَغْنَىٰ وَأَقْنَىٰ(48)

 Eebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya.

وَأَنَّهُ هُوَ رَبُّ الشِّعْرَىٰ(49)

 Waana Eebaha xiddigga Shicra.

وَأَنَّهُ أَهْلَكَ عَادًا الْأُولَىٰ(50)

 Eebe isagaa halaagay Caadkii hore.

وَثَمُودَ فَمَا أَبْقَىٰ(51)

 Iyo Thamuudba waxna kama reebin.

وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا هُمْ أَظْلَمَ وَأَطْغَىٰ(52)

 (Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan.

وَالْمُؤْتَفِكَةَ أَهْوَىٰ(53)

 Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe).

فَغَشَّاهَا مَا غَشَّىٰ(54)

 Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah).

فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ(55)

 Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow.

هَٰذَا نَذِيرٌ مِّنَ النُّذُرِ الْأُولَىٰ(56)

 Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore.

أَزِفَتِ الْآزِفَةُ(57)

 Wayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame.

لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ اللَّهِ كَاشِفَةٌ(58)

 Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici).

أَفَمِنْ هَٰذَا الْحَدِيثِ تَعْجَبُونَ(59)

 Ma quraankanaad la yaabantihiin.

وَتَضْحَكُونَ وَلَا تَبْكُونَ(60)

 Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed).

وَأَنتُمْ سَامِدُونَ(61)

 Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn).

فَاسْجُدُوا لِلَّهِ وَاعْبُدُوا ۩(62)

 Ee dadow Eebe u sujuuda caabudana.


Somalice diğer sureler:

Bakara suresi Âl-i İmrân Nisâ suresi
Mâide suresi Yûsuf suresi İbrâhîm suresi
Hicr suresi Kehf suresi Meryem suresi
Hac suresi Kasas suresi Ankebût suresi
As-Sajdah Yâsîn suresi Duhân suresi
fetih suresi Hucurât suresi Kâf suresi
Necm suresi Rahmân suresi vakıa suresi
Haşr suresi Mülk suresi Hâkka suresi
İnşikâk suresi Alâ suresi Gâşiye suresi

En ünlü okuyucuların sesiyle Necm Suresi indirin:

Surah An-Najm mp3: yüksek kalitede dinlemek ve indirmek için okuyucuyu seçerek
Necm Suresi Ahmed El Agamy
Ahmed El Agamy
Necm Suresi Saad Al Ghamdi
Saad Al Ghamdi
Necm Suresi Saud Al Shuraim
Saud Al Shuraim
Necm Suresi Abdul Basit Abdul Samad
Abdul Basit
Necm Suresi Abdullah Basfar
Abdullah Basfar
Necm Suresi Abdullah Awwad Al Juhani
Abdullah Al Juhani
Necm Suresi Ali Al Hudhaifi
Ali Al Hudhaifi
Necm Suresi Fares Abbad
Fares Abbad
Necm Suresi Maher Al Muaiqly
Maher Al Muaiqly
Necm Suresi Muhammad Jibril
Muhammad Jibril
Necm Suresi Muhammad Siddiq Al Minshawi
Al Minshawi
Necm Suresi Al Hosary
Al Hosary
Necm Suresi Al-afasi
Mishari Al-afasi
Necm Suresi Nasser Al Qatami
Nasser Al Qatami
Necm Suresi Yasser Al Dosari
Yasser Al Dosari


Wednesday, July 17, 2024

Bizim için dua et, teşekkürler