Suurah Taa-Haa pdf — Soo Dejiso (Soomaali)
Suurah Taa-Haa pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Taa-Haa Tarjumaad. Suurah Taa-Haa (Makki) 135 Aayad.
Related
- Suurah Taa-Haa TarjumaadSoomaali
- Suurah Taa-Haa mp3Maqal
- Quran Index Soomaali114
More Suurah PDF
Suurah Taa-Haa

ﭵﭶ
20:1
Dhaahaa (Nabiyow) micna kalana
ﭷﭸﭹﭺﭻﭼ
20:2
maanaan dejin korkaaga Quraanka inaad ku Dhibbooto.
ﭽﭾﭿﮀﮁ
20:3
waase waanada Ciddii cabsan.
ﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
20:4
waana soo dejinta Eebaha Abuuray Dhulka iyo Samooyinka sare.
ﮉﮊﮋﮌﮍ
20:5
Eebaha Raxmaana Carshiguu ku Istawooday (si u cunanta).
ﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
20:6
waxaana u sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan iyo waxa u dhaxeeya iyo waxa ka hooseeya Dhulka.
ﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
20:7
haddaad kor u Qaaddo Hadalka Eebe waa ogyahay waxa qarsoon iyo waxa la qariyey.
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬ
20:8
Eebe Ilaah kale ma jiro isaga mooye, waxaana u sugnaaday Magacyo Fiican.
ﮭﮮﮯﮰﮱ
20:9
ma ku soo Gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
ﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥ
20:10
markuu arkay Dab oo u yidhi Ehelkiisa Nagaada (suga) Anigu waxaan Arkaa Dabe, waxaana u dhawahay inaan idiinka keeno Dhuxul ama aan ka helo Dabka korkiisa Cid wax tusisa.
ﯦﯧﯨﯩﯪ
20:11
markuu yimid (Muuse) Dabkii waxa loogu Dhawaaqay Muusow.
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
20:12
anigu waxan ahay Eebahaa ee Siib Kabahaaga Adigu waxaad ku sugantahay Toggii Daahirnaa ee Dhuwa.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
20:13
anaana ku doortay ee maqal waxa laguu waxyoon.
ﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢ
20:14
Anigu waxaan ahay Alle Ilaah (kalana) ma jiro Ani mooyee ina Caabuda, Oogna Salaadda Xuskayga.
ﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭ
20:15
Saacadda (Qiyaame) way imaan waxaana u Dhawayahy inaan Qariyo in laga Abaal mariyo Naf kasta waxay Camal Fashay.
ﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸ
20:16
ee Yuusan kaa lilin Xaggeeda Ruuxaan Rumeyn Saacadda, raacayna Hawadiisa (Xun) ood Halaagsanto.
ﭹﭺﭻﭼﭽ
20:17
waa maxay Taas midigtaada ku Jirta Muusow (ogaal waydiin).
ﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
20:18
wuxuu yidhi iyada waa Ushaydii waa Cuskadaa Korkeeda waxna waan ugu Lulaa Adhigayga Dana kalana waa iigu sugnaadeen.
ﮌﮍﮎﮏ
20:19
wuxuu yidhi (Eebe) Tuur Usha Muusow.
ﮐﮑﮒﮓﮔﮕ
20:20
wuuna Tuuray waayna soo baxday Mas Ordi.
ﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞ
20:21
wuxuuna yidhi (Eebe) Qaad hana Cabsanin waxaannu ku celin Xaalkeedii Horce.
ﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
20:22
U Dum Gacantaada Garabkaaga waxay soo Bixi iyadoo Cad Xumaan la'aan, waana Calaamad kale.
ﮫﮬﮭﮮﮯ
20:23
Inaan ku tusinno Aayaadkanaga wey.
ﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
20:24
ee Aad xagga Fircoon wuu Xadgudbaye (Kibray).
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜ
20:25
wuxuu yidhi (Muuse Eebow ii waasici Laabta.
ﯝﯞﯟﯠ
20:26
iina Sahal (fududee) Amarkayga.
ﯡﯢﯣﯤﯥ
20:27
Furna Guntinta Carrabkayga.
ﯦﯧﯨ
20:28
ha Kaseen Hadalkeygee.
ﯩﯪﯫﯬﯭﯮ
20:29
Iina yeel Wasiir Ehelkeyga ah.
ﯯﯰﯱ
20:30
Haaruun Walaalkay.
ﯲﯳﯴﯵ
20:31
Kuna adkee «Xooji» Tabartayda (Dhabarkayga).
ﯶﯷﯸﯹ
20:32
Lana wadaaji Amarkayga.
ﯺﯻﯼﯽ
20:33
Inaan kugu Tasbiixsanno wax badan.
ﯾﯿﰀ
20:34
oon ku Xusno wax badan.
ﰁﰂﰃﰄﰅ
20:35
Adugu waxaad tahay mid na Arkee.
ﰆﰇﰈﰉﰊﰋ
20:36
Wuxuu yidhi (Eebe) waa lagu siiyey Warsigaagii Muusow.
ﰌﰍﰎﰏﰐﰑ
20:37
Waana kugu Mannaysannay Wanaag (ku siinay) korkaaga markale.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗ
20:38
markaan u waxyoonay Hooyadaa (ku ilhaamay) wixii lagu ilhaameeye.
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
20:39
ku Tuur Muuse Taabud, kuna tuur Taabuudka Hirka Badda, Hirkuna ha ku rido Xeebta, waxaa qaadan Colkayga iyo Colkiisa (Fircoon), waxaana kugu tuuray Jeceylkeyga korkaaga iyo in lagu barbaariyo Ilaalintayda.
ﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕ
20:40
(waxaan kugu Mannaysanay) markay Socotay Walaashaa oy lahayd maydin tusiyaa Ruux idiin Dhaqaalayn waxaana Kugu eelinay Hooyadaa si ay u qabowdo isheedu, oyna Murugoon, waxaadna Dishay Naf waana kaa korinay walbahaar, waana ku Imtixaanay Imtixaan, waxaadna ku nagaatay Sanooyin Ehelkii Madyan, markaasaad ku timid Qaddar (Eebe) Muusow.
ﮖﮗﮘ
20:41
waxaana kuu doortay Naftayda.
ﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡ
20:42
ee La taga Adiga iyo Walaalkaa Aayaadkayga hana ka daalina Xuskayga.
ﮢﮣﮤﮥﮦﮧ
20:43
Aad Xagga Fircoon wuu Xadgudbaye.
ﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰ
20:44
una dhaha Hadal Jilicsan bal inuu waxa xusuusto ama Cabsado.
ﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜ
20:45
waxay dheheen Eebow waxaannu ka Cabsan inuu nagu degdego ama nagu xadgudbo.
ﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥ
20:46
wuxuu yidhi (Eebe) ha Cabsanina anaa idinla jira waana Maqli oon Arkaa.
ﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽ
20:47
ee u Taga (Fircoon) una dhaha annagu waxaan nahay Rasuulladii Eebahaa ee Dir (u daa) Banii Israa'iil hanala jireene, hana Cadaabin (Ciqaabin) waxaan kuula nimid Aayad xagga Eebahaa, nabadgalyana ha ahaato Tuuxii raaca Hanuunka.
ﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈ
20:48
Annaga waxaa Naloo Waxyooday in Cadaab u Sugnaaday Ruuxii Beeniya (Xaqa) oo Jeedsada.
ﰉﰊﰋﰌﰍ
20:49
Wuxuu Yidhi (Fircoon) waayo Eebihiin Muusow.
ﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕﰖﰗ
20:50
Wuxuu yidhi (Muuse) Eebahanno waa kan Siiya wax kasta Abuurkiisa oo Toosiyey.
ﰘﰙﰚﰛﰜﰝ
20:51
Wuxuu yidhi (Fircoon) Sidee Yahay Xaalkii Quruumihii hore.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
20:52
Wuxuu Yidhi (Muuse) Cilmigoodu waa Eebe Agtiis Kitaab aan ka dhumeyn Eebe uuna Halmaameyn.
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱ
20:53
Waa Eebaha ka yeelay Dhulka Gogol, oo idinka bixiyey Dhexdeeda Waddooyin oo idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Noocyo Doog ah oo kala Tagsan.
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼ
20:54
ee Cuna oo Daajiya Xoolihiinna, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Caqliga leh.
ﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆ
20:55
Xaggeedaan (Dhulka) idinka Abuuray, Dhexdeedana idinku Celin, Xaggeedaana Laydinka soo Bixin Mar Kale.
ﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍ
20:56
Waxaan Dhab ahaan u Tusinay (Fircoon) Aayaadkanaga Dhamaan, wuuna Beeniyey oo Diiday.
ﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕ
20:57
Wuxuu yidhi (Fircoon) Ma waxaad noola timid Inaad nagaga Bixiso Dhulkanaga Sixirkaaga Muusow.
ﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
20:58
Waxaannu kuula imaanaynaa Sixir la mid ah ee mooyeel Dhexdeenna Balaan aynaan Baajinayn anaga iyo Adigu, Meel eg (La yaqaan).
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭ
20:59
Wuxuu yidhi (Nabi Muuse) Ballankeennu waa Maalinta Quruxda (Kulankooda) waana in la soo kulmiyo Dadka Barqin.
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕ
20:60
Wuuna jeedsaday Fircoon wuxuuna kulmiyey Dhagartiisii wuuna yimid.
ﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦ
20:61
Wuxuu ku yidhi Muuse Magaciin be ha ku Abuuranina Eebaha korkiisa Been oos idinku Halaago Cadaab, waxaana Khasaaray Ruuxii Been Abuurta.
ﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
20:62
Waxayna ku Doodeen amarkooda dhexdooda wayna faqeen.
ﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺ
20:63
Waxayna dheheen Labadani waa Saaxirro waxayna dooni inay Idinkaga Bixiyaan Dhulkiinna Sixirkooda oy la tagaan Dariiqadiinna (Sharaftiinna) Fiican.
ﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆ
20:64
ee Kulmiya Dhagar (tiinna) Imaadana idinkoo Saf ah waxaa Liibaanay Maanta Ciddii Sarreysee.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜ
20:65
waxay dheheen Muusow ama Tuur Usha ama aan anagu ahaanno kuwa hor tuura.
ﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪ
20:66
wuxuu yidhi (Muuse) bal Tuura waxaana soo baxay xadhkahoodii iyo Ulahoodii oo loogu ekeysiiyey sixirkoodii inay ordi.
ﭫﭬﭭﭮﭯﭰ
20:67
wuxuuna ka kasay naftiisa Cabsi Muuse.
ﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷ
20:68
waxaana nidhi ha Cabsan adigu adaa Sarreyne.
ﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊ
20:69
Tuur waxa midigtaada ku jira ha gurato waxay sameeyeene, waxay uun sameeyeen Dhagar sixir, mana Liibaano Sixirrow meejuu yimaaddo.
ﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
20:70
waxaa la riday Saaxiriintii iyagoo Sujuudi, waxayna dheheen waxaan rumeynay Eebaha Haaruun iyo Muuse.
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰ
20:71
wuxuuna yidhi (Fircoon) miyaad u rumeyseen ka hor idankayga isagu waa kan idinku wayn ee idin baray Sixirka waxaaan goyn Gacmihiinna iyo Lugihiinna si isdhaaf ah waxaana idinku (daldali) wadhi Jirrid Timir, waxaadna ogaanaysaan midkanaga daran cadaab hadhidna badan.
ﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧ
20:72
waxay dhaheen ka dooran meyno waxa noo yimid oo xujo ah iyo Eebaha na abuuray, ee xukmi waxaad xukumi, waxaad uun xukumi nolosha adduunyo.
ﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
20:73
annagu waxaan rumeeynay Eebahanno inuu noo dhaafo gafafkanaga iyo waxaad nagu qasabtay (fircoon) oo Sixira Eebaa Khayrroon oo hadhi.
ﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅ
20:74
ruuxii u yimaadda Eebihiis (aakharo) isagoo dambiile ah waxaa u sugnaaday jahannamo kumana dhinto dhexdeeda kumana noolaado.
ﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐ
20:75
ruuxiise u yimaadda isagoo Mu'min ah oo falay camal fiican kuwaas waxaa u sugnaaday Jannooyinka sare.
ﰑﰒﰓﰔﰕﰖﰗﰘﰙﰚﰛﰜﰝﰞ
20:76
Jannooyinka nagaadiga (yey gali) ooy socoto dhexdeeda Wabiyaal iyagoo kuwaari dhexdeeda, taasina waa abaalmarinta Ciddii nadiif noqota.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣ
20:77
waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse guuri Addoomahayga uguna yeel waddo Badda oo ingagan hana ka cabsan haleel, hana cabsan (Badda).
ﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬ
20:78
waxaana raacay Fircoon (oo wata) Colkiisii waxaana ka daboolay hirka Xaggiisa wax daboolay.
ﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
20:79
wuxuuna dhumiyey Fircoon Qoomkiisii mana hanuunin.
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
20:80
Banii Israa'iilow waxaan idinka korinay Cadawgiinna, waxaana idinkula yaboohtanay (ballari) dhinieii buurta ee midig, waxaana ku soo dejinay kor kiinna Macaan iyo Shimbir.
ﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔ
20:81
ka cuna wanaaggaan idinku Arsuqay hana ku xadgudbina dhexdiisa, oo idinku dhaco cadhadaydu, ruuxay ku dhaedo cadhadaydu dhabbuu u Hoobtay (halaagmay).
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞ
20:82
anigu waan u dhaafid badanahay ruuxii Toobad keena oo rumeeya oo fala wanaaga oo hanuuna.
ﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥ
20:83
maxaa kaa soo dedejiyey Qoomkaagii Muusow.
ﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯ
20:84
wuxuu yidhi (Muuse) iyagu waa kuwan raadkaygay ku soo joogaan, waana kuu soo dag degay Eebow inaad iga raalli noqoto.
ﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚ
20:85
wuxuu yidhi (Eebe) Annagu waxaan imtixaannay qoomkaagii gadaashaa waxaana dhumiyey Saamiri.
ﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
20:86
markaasuu u noqday (Nabi Muuse) qoomkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaarsan wuxuuna yidhi qoomkayow miyuuna idiin yaboohiin Eebihiin yabooh wanaagsan, ma waxaa idinku dheeraaday korkiinna ballankii mise waxaad doonteen inay idinku dhaedo Cadhada Eebe ood u baajiseen ballankaygii.
ﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇ
20:87
waxay dheheen maanaan u baajin ballankaaga awooddanada waxaase nala saaray culaysyo Alaab oo ah waxa qoomku isku qurxinjireen waana tuurray siduu u tuuray Saamiri.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
20:88
wuxuuna u soo bixiyey dibi muuqal ah oo ood leh, waxayna dhaheen kani waa Ilaahiin iyo Ilaahii Muuse wuuna halmaamay.
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪ
20:89
miyeyna arkay inuusan u soo Celinayn Hadal una hananayn dhib iyo Nacfi (midna).
ﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼ
20:90
wuxuunau yidhi Haaruun mar hore qoomkayow waa uun laydinku fidmeeyey, Eebihiinna waa Raxmaan ee i raaca, adeecana amarkayga.
ﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆ
20:91
waxay dhaheen kama tagayno korkiisa inaan ku nagaanno intuu nooga soo noqon muuse.
ﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
20:92
wuxuu yidhi (muuse) Haaruunow maxaa kuu diiday markaad aragtay inay dhumeen.
ﮏﮐﮑﮒﮓﮔ
20:93
inaadan raacin ma waxaad caasiday Amarkeygii.
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨ
20:94
wuxuu yidhi (Haaruun) ina hooyow hayqabanin Gadhka iyo madaxa, anigu waxaan ka cabsaday inaad dhahdo waxaad kala gaysay Banii israa'iil dhexdooda oodan maqlin hadalkayga.
ﮩﮪﮫﮬﮭ
20:95
wuxuu yidhi (muuse) xaalkaagu muxuu yahay Saamiriyow.
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟ
20:96
wuxuuna yidhi waxaan arkay waxayna arkin, waxaana qaatay wax ka mid ah raad rasuul (malaga) waana tuuray saasayna ii qurxisay naftaydu.
ﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿ
20:97
wuxuu yidhi (Muuse) tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad dhahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn, day ilaahaagii aad ahayd mid ku kor nagi (caabudi) waanu gubi markaas waxaana ku firdhin mowjadda (badda) firdhin.
ﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍ
20:98
Eebihiin waa uun Ilaahiinna ah kaan Eebe jirin isaga mooyee, wuuna u waasac noqday wax kasta ogaansho.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟ
20:99
saasaan kuugu qisoon (sheegi) warkii hor maray, waxaana kaa siinay agtanada quraan.
ﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨ
20:100
ciddii ka jeedsata xaggiisa waxay xambaari maalinta qiyaame culays (dambi).
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱ
20:101
iyagoo ku waari (ciqaabta) dhexdeeda waxaana u xumaaday iyaga maalinta qiyaame rar.
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
20:102
waa maalinta la afuufi suurka, oon soona kulmineyno dambiilayaasha maalintaas iyagoo indho cawlan.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂ
20:103
wayna is warsan (xansan) dhexdooda maydaan ku nagaanin (adduunyada) Toban mooyee (maahmood)
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏ
20:104
anagaa og waxay dhihi, markuu dhihi kooda ugu jid leh maydaan nagaanin maalin mooyee.
ﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗ
20:105
waxay ku warsan Buuraha waxaad dhahdaa waxaa burburin Eebahay burburin.
ﮘﮙﮚﮛ
20:106
wuxuuna ka yeeli meel siman oo ebar ah.
ﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
20:107
ku arki maysid qallooc iyo taag midna.
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱ
20:108
maalintaas waxay raaci dhawaaqaha, kamana leexdaan waxayna u xasishay Cododku Eebaha Raxmaana mana maqashid shanqadh mooyee.
ﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟ
20:109
maalintaas ma anfacdo shafeeco cid Eebaha Raxmaana idmo oo ka raalli noqday hadalkiisa mooyee.
ﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪ
20:110
Wuxuu ogyahay Eebe waxa hortaada ah iyo waxa ka dambeeya mana ku koobayaan Eebe ogaansho.
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶ
20:111
waxay u khuduucday Wajiyadu Eebaha nool ee wax maamula, waxaana khasaaray ruuxii xambaara dulmi.
ﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂ
20:112
ruuxii fala wanaag isagoo rumeeyey kama Cabsado dulmi iyo nusqaamin midna.
ﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑ
20:113
saasaanu kugu soo dejinnay Quraan Carabi ah uguna caddaynay ((celcelinay) dhexdiisa Gooddi inay dhawrsadaan darteed ama u timaado xusuus (waano).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤ
20:114
waxaa sarreeya Eebaha xaakimka xaqa ah, hana ku degdein quraanka ka hor dhamayn waxyigiisa xaggaaga, waxaadna dhahdaa Eebow ii kordhi Cilmi.
ﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰ
20:115
dhab ahaan yaan ula Ballantannay Aadan mar hore wuuna halmaamay kama aanaan helin niyo Adag.
ﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
20:116
xusuuso markaan ku nidhi Malaa'igta u Sujuuda Aadam wayna Sujuudeen Ibliis mooyee oo diiday.
ﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇ
20:117
waxaana nidhi Aadamow kani (Ibliis) waa Colkaaga iyo colka Haweeneydaada ee yuusan idinka bixinin janada ood dhibbooto.
ﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏ
20:118
waxaa kuu sugnaaday inaadan ku gaajoon dhexdeeda kuna arradin.
ﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
20:119
waxaana kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda kuna Qorroxoobin.
ﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
20:120
waxaase waswaasiyey shaydaan wuxuuna yidhi Aadamow ma ku tusiyaa Geedda waaridda iyo xukun aan gaboobayn.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
20:121
wayna cuneen xaggeeda waxaana u muuqday Cawradoodii, waxayna noqdeen kuwa isku dhejiya korkooda caleenta jannadam wuu caasiyey Aadan Eebihiis wuuna leexday.
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝ
20:122
waxaase doortay Eebihiis wuuna ka Toobadaqbalay oo hanuuniyey.
ﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲ
20:123
wuxuu yidhi (Eebe) ka hoobta Jannada dhammaantiin qaarkiin qaar colbuu u yahaye, hadduu xaggayga idiinka yimaaddo hanuun ruuxii raaca hanuunkeyga ma dhumo (adduunka) mana xumaado (aakhiro).
ﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿ
20:124
ruuxisa ka jeedsada xuskeyga (Quraanka) waxaa u sugnaaday nolol cidhiidhi ah, waxaana soo kulminaynaa maalinta qiyaame isagoo arag La'.
ﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈ
20:125
wuxuuna dhihi Eebow maxaad ii soo kulmisay (keentay) anoo arag la' oona ahaa arke (adduunkii).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚ
20:126
wuxuu yidhaa (Eebe) waa saas waxaa kuu timid aayadahanaga waadna halmaantay saasaana maanta lagaaga tagi (sida halmaan).
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨ
20:127
saasaan ku abaal marinaa ciddii xadgudubta oon rumayn aayaadka Eebihiis cadaabka aakhiraana daran oo hadhid badan.
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
20:128
miyuuna u caddayn Gaalada intaan halaagnay hortood quruumo iyagoo ku socda guryahooda, taasna calaamaa ugu sugan kuwa caqliga leh.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅ
20:129
haddayna jirin kalimad u hor martay Eebahaa iyo muddo maga caaban wuxuu ahaan lahaa cadaabku mid ku soo deg dega.
ﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛ
20:130
ee ku samir waxay sheegi kuna tasbiixso adoo mahadda Eebahaa ku dheehan ka hor qorrax soo bax iyo ka hor dhicidda, saacadaha habeenkiina tasbiixso (Tuko) iyo darfaha maalinta inaad raalli noqoto.
ﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯ
20:131
hawtaagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay nooc ka mid ah oo quraxda nolashaa adduun si aan ugu fidnayno, rizqiga Eebahaa yaase khayrroon oo hadhid badan.
ﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠ
20:132
far ehelkaaga salaadda kuna samir korkeeda ku warsanmayno rizqiye annagaa ku arzuqi cidhibta (fiicana) waxaa iska leh dhawrsashada.
ﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯ
20:133
waxay dheheen gaaladii muu noola yimaaddo aayad xagga Eebihiis ka timid, miyuuna u imaanin Maraggii wixii ku sugnaa Kutubihii hore.
ﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃ
20:134
haddaan ku halaagno Cadaab Rasuulka (iyo Quraanka) ka hor waxay dhihilahaayeen Eebahannow maxaad noogu diri wayday rasuul oon raacno aayaadkaaga ka hor dullowganaga iyo khasaarahanaga.
ﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐ
20:135
waxaad dhahdaa (Nabiyow) dhammaan way sugi ee suga, waxaad ogaan doontaan cidda jidka toosan iyo cidda hanuunsane.
Quraanka Kariimka
Wednesday, September 9, 2026
Don't forget us in your sincere prayers







