Suurah Al-Furqaan
PDF —
77 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Al-Furqaan pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Al-Furqaan pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Furqaan Tarjumaad. Al-Furqaan (Makki) 77 Aayad.



Suurah Al-Furqaan
77 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝ
Waxaa Khayr Batay (oo wayn) Eebaha ku soo Dejiyey Quraanka Addoonkiisii (Nabiga) inuu u ahaado Caalamka u Dige.
ﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱ
Eebaha uu u Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, Yeelaninna Ilmo una Sugnaanin Shariig (la Wadaage) Xukunka, Abuurayna wax kasta, oo u ahaysiiyey si Qiyaasan.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧ
Waxay ka Yeesheen Eebe ka Sokow Ilaahyo oon Abuurayn waxba Iyagana la Abuuri una hananayn Naftooda Dhib iyo Nacfi (Midna) oonan hananayn Geeri iyo Nolol iyo soo Bixin (midna).
ﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
Waxay Dheheen Gaaladii kani (quraanku) ma aha waxaan Been Abuur ahayn, uu la Yimid, Uguna Kaalmeeyeen Qoom kale, waxay la Yimaadeen Dulmi iyo Been (Daran).
ﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
Waxay Dheheen waa Warkii Dadkii Hore oos ka Qoray Iyadaana loo Yeedhiyaa Aroor iyo Galabba.
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑ
Waxaad Dhahdaa waxaa soo Dejiyey Eebaha Og waxa ku Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka Waana Dambi Dhaafe Naxariista.
ﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
Waxay dheheen Gaaladii Muxuu leeyahay Rasuulkani oos u Cuni Cunto una Socon Suuqa, maa loo Soo Dejiyo Malag oo ahaado mid la Diga.
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
Ama maa loo Tuuro (Dejiyo) Kansi ama u ahaato Beer uu wax ka Cuno Xageeda, waxayna Dheheen Daalimiintu ma Raacaysaan waxaan Nin Sixran ahayn.
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠ
Bal day siday kuugu Yeeleen Tusaale oy u Dhumeen una Karin (Qaadidda) Jidka (Xaqa).
ﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲ
Waxaa Khayr Badan Eebaha Hadduu Doono kuu Yeeli wax ka Khayrroon Taas, Jannooyinna (Kuu yeeli) oy Socolo Dhexdeeda Wabiyaal Kuuna Yeeli Daaro (Janno).
ﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼ
Waxayse Beeniyeen Saacadda (Qiyaame) waxaana u Darabnay Ciddii Beenisa Saacadda Naarta Saciira.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚ
Markay ka Aragto Meel Fog waxay ka Maqlaan Cadho iyo Guux.
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤ
Marka lagu Tuuro Dhexdeeda Meel Cidhiidhi ah Iyagoo isku Xidhan waxay u Yeedhaan Halaag, iyo (Khasaare).
ﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭ
(Waxaana la Dhihi) Howyeedhanina Maanta Halaag Kaliya ee u Yeedha Halaag Badan.
ﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼ
Waxaad Dhahdaa Ma Taasaa Khayrroon mise Jannada Waaridda ee ah Middii loo Yaboohay kuwa Dhawrsada, waxayna u Ahaatay Kuwaas (Dhawrsada) Abaal Marin iyo Noqosho.
ﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
Waxayna ka Helayaan Dhexdeeda waxay Doonaan wayna ku Waari, Arrintaasuna waa Yabooh Isaaray Eebaha oo Sugan.
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
Xusuusta Maalintaan Kulminayno Gaalada iyo waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oos ku Dhihi Ma idinkaa Dhumiyey Addoomadaydaas, Mise Iyahgaa ka Dhumay Jidka.
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯ
Waxayna Odhun Waad Nastahantahay Naguma Habboona Inaan Yeelanno Adi ka Sokow Awliyo (Gargaare), waadse u Raaxaysay iyaga iyo Aabayaalkood Intay ka Halmaamaan Waxyiga, waxayna Noqdeen kuwa Halaagsamay.
ﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡ
Way Idinku Beeniyeen waxaad Sheegaysaan mana Kartaan Furasho iyo Gargaar midna, Ciddii wax Dulmida oo Idinka midah Waxaannu Dhadhansiin Cadaab Wayn.
ﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸ
Manaan Dirin Rasuul kaa Horeeyey oon Cunayn Cunnada Soconaynna Suuqa, waxaana uga Yeellay Qaarkiin Qaarka kale Fidmo (Ibtilo) ee ma Samraysaan, Eebahaana waa Arke.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦ
Waxay Dheheen Kuwaan Rajaynayn la kulankanaga naloogu soo Dejinwaayey Malaa'ig, ama maan Aragno Eebahanno, way Iskibriyeen (isula waynaadeen) Naftooda wayna Madax Adaygeen Madax Adayg Wayn.
ﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱ
Maalintay Arki Malaa'igta (Geerida) ma Bishaaraystaan Maalintaas Dambiila Yaashu, waxayna Odhan Xijaab oodan iyo Reebnaan yaa ah (Wanaag iyo Isla kulan majiro).
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
Waannu u soo Hormarinay waxay Faleen oo Camal ah Waxaana ka yeelay Dhalanteed la Firdhiyey.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
Ehelu Jannaha yaa Maalintaas Khayr Roon Sugnaansho iyo Wanaag badan Qayluushi (Hurdo).
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
Xusuuso Maalintay Samadu la Dillaaci Daruuraha, lana soo Dejin Malaa'igta soo Dejin.
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
Xukunka Maalintaas ee Xaqa ah waxaa iska leh Eebaha Raxmaana, Waana Maalin Gaalada ku Daran.
ﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
Xusuusana Maalintuu Qaniini Daalimku Gacantiisa (Faraha) Isagoo Dhihi Shalleytee maan Yeesho la Jirka Rasuulka Jid (maan Rumeeyo).
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩ
Halaag iyo Shalleytee Maxaan hebel Saaciib uga Yeeshay.
ﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗ
Wuxuu iga Leexiyey Quraanka intuu ii yimid ka Dib, Shaydaanna Dadka Wuxuu u Yahay Dayace (Mee Xun kaga tage).
ﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡ
Wuxuu Yidhi Rasuulkuna Eebow Qoomkaygii waxay ka Yeesheen Quraankan mid laga Tagay (Ma Maqlaan).
ﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮ
Saasaan ugu Yeellay Nabi kasta Col Dambiilayaal ah, Eebana ku Filan Hanuuniye iyo Gargaare.
ﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀ
Waxay Dheheen kuwii gaaloobay maa lagu Soo Dejiyo Nabiga Quraanka Mar kaliya (Isagoo dhan) saasaan Yeellay, inaan ku Sugno Qalbigaaga, waana kugu Akhriyeynaa Akhrin (Fiican).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙ
Wixii Tusaale ah oy Kuula Yimaadaanna waxaannu Kuugula imaan Xaq iyo Fasiraadda u Fiican.
ﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ
Kuwa lagu soo Kulmin Wajigooda (Naarta) Jahannamo kuwaasu waa kuwa u Xun meel uguna Dhumid Badan Jid.
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
Waxaana Siinay Nabi Muuse Kitaabkii Waxaana ka Yeellay la Jirkiisa Walaalkiis Haaruun Wasiir.
ﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
Waxaana Nidhi Aada Qoomkii beeniyey Aayaadkanaga Waana baabi'inay (Halaagnay) baabi'in, (Halaagnay).
ﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
(Xusuuso) Qoomkii Nabi Nuux, Markay Beeniyeen Rasuulladii Yaan Maan-Sheynay Ugana Yeellay Dadka Calaamad, Waxaana u Darabnay Daalimiinta Cadaab Daran.
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑ
Caadna waan Halaagnay iyo Thamuud, iyo Rasi (Ceelkii) Ehelkiisii, iyo Quruumo Intaas u Dhaxeeyey oo Badan.
ﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
Dhammaan waxaan u Yeellay Tusaale Dhammaanna waan Halaagnay Halaag.
ﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭ
Way Tageen Gaaladu Magaaladii lagu soo Daadiyey Roob Xun (Dhagax Cadaab) Miyeyna Arkeyn, waxayse Ahaayeen kuwaan Rajaynayn (ka yaabayn) soo kulmin.
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚ
Hadday ku Arkaan Gaaladu waxay kaa yeeshaan Jees Jees, iyagoo (Dhihi) ma kanaa kan Eebe Soo Bixiyey Isagoo Rasuul ah.
ﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭ
Wuxuu U dhawaaday inuu Naga dhumiyo Ilaahyadanada Haddaanaan ku Samrin, (ku adkaysan) waxay Ogaadaan Markay Arkaan Cadaabka Cidda Dhunsan.
ﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
Ka Warran Ruux ka Yeeshay Ilaahiisa Hawadiisa (Suu Jecelyahay) Ma adaa Wakiil (Ilaaliye) ka Noqon.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
Mise waxaad u Malayn in Badankood wax Maqli ama wax kasi, ma aha waxaan Xoolo oo kale ahayn, Iyagaabase ka Sii Dhunsan.
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
Miyeydaan Ogayn sida Eebe u Fidiyo hadhka, hadduu Doonana wuxuu ka Yeeli lahaa Mid Xasillan (Taagan) markaasaan ugu Yeellay Qorraxda korkiisa Daliil (Xujo).
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸ
Markaasaan u Soo qabanaa Xagganaga Qabasho Yar.
ﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
Eebe waa kan Idinka Yeelay Habeenka Astur, Hurdadana Raaxo, kana yeelay Maalinta soo Kulan (Dhaqdhaqaaq).
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
Eebe (Sareeye) waa kan u Dira Dabaysha Bishaaro Darteed Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa, Waxaana ka soo Dejinay Samada Biyo wax Daahiriya.
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞ
Inaan ku Nooleyno Magaalo Dhimatay oon kuna Waraabino waxaan Abuuray, Xoolo iyo Dad Badan.
ﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨ
Waana ku kala Duwnay «Badinay» Dhexdooda, inay Xusuustaan, Wuuna Diiday Dadka Badidiis waxaan Gaalnimo Badan ahayn.
ﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰ
Haddaan Doonno waxaan ka Bixin Lahayn Magaalo Kasta Dige (Nabi).
ﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙ
ee ha Adeecin Gaalaga kulana Jahaad Quraanka Jahaad Weyn.
ﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪ
Eebe wuu isku daraa Labada Badood, Kaasi waa Macaan Daran, kaasna waa Khadhaadh Daran (Afku Diido) yeelayna Dhexdooda Soohdin iyo Xaajis Awdan.
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸ
Eebana waa kan ka Abuuray Biyaha Dad kana Yeelay Qaraabo iyo Soddognimo, Eebahaana wuu karaa (Wuxuu Doono).
ﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈ
Waxayna Caabudi Gaaladu Eebe ka Sokow waxaan Anfacayn Dhibayna Gaalna wuxuu ahaaday mid ka soo hor Jeeda Eebihiis.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
Maa naan kuu Dirin inaad Bishaareeye Dige ah (Noqoto Mooyee).
ﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ
Waxaad Dhahdaa Idinkama warsado (Xaqa Gaadhsiintiisa) UJuuro Ruuxiise dooni inuu ka Yeesho Eebehiis Xaggiisa Waddo (Khayr ha falo).
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴ
Talo Saaro Eebaha Nool een Dhimanayn una Tasbiixso adoo Mahdin, Eebaana ku Filaan Dambiga Addomadiisa Ogaanshihiisa.
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇ
Waana Eebaha ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka iyo Waxa u Dhexeeya Lix Maalmood, kuna Istawooday Carshiga (Si u Cununta), ee Warso Cid wax Og.
ﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
Marka la Dhaho u Sujuuda (Eebaha) Raxmaan ah waxay Dhahaan Muxuu Yahay Raxmaan, ma waxaan u Sujuudeynaa waxaad na Farayso, wuxuuna u Kordhiyey Carar.
ﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
Waxaa Khayr Badnaaday Eebaha Yeela Samada Burjiyo Yeelayna Dhexdeeda Siraaj (Qorrax) iyo dayax ifi.
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰ
Eebana waa Ilaah uga Yeelay Habeenka iyo Maalinta Isbaddel Ciddii Doonta inuu wax Xusuusto ama Doono inuu Mahdiyo.
ﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞ
Addoomada Eebaha Raxmaana waa kuwa u Socda Dhulka Xasillooni, markay la Hadlaan (Af Xumeeyaan) Jaahilliinna Yidhaahda Nabadgalyo.
ﯟﯠﯡﯢﯣﯤ
ee ah Kuwa ku Barya (Habeenkii) Iyagoo u Sujuudi oo u Istaagi (Cibaado) Eebe.
ﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱ
ee Ah kuwa Dhihi Ilaahow naga Iil Cadaabka Jahannamo, Cadaabkeedu waa joogtee.
ﯲﯳﯴﯵﯶ
Iyaduna waxay u Xuntahay ku Sugnaansho iyo ku Nagaadi.
ﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂ
Ee ah kuwa Markay wax Bixiyaan aan Xad gudbin Cidhiidhyinna, oo intaas Dhexdeeda ku Tolosnaada.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨ
Ee ah kuwaan Caabudayn Eebe La Jirkiisa Ilaah kale, oona Dilayn Naftuu Eebe Xarrimay Dilkeeda Xaq Mooyee oon Zinaysanayn, Ciddii Saas fashana waxay la Kulmi Dambi.
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱ
Waxaana loo Laab laabi Cadaabka Maalinta Qiyaame wuuna ku Waari Dhexdiisa Isagoo Dullaysan.
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
Ciddii Toobad keenta oo Rumaysa oo Fasha Camal Fiican Mooyee, oo kuwaas waxaa loogu Badali Xumaantooda Wanaag, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista.
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍ
Ruuxii Toobad keena oo Fala Wanaag wuxuu u Noqon Eebe Noqosho.
ﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗ
(Kuwa Fiican) waa kuwaan Furayn Been, Markay Maqlaan Hadal Xunna Mara iyagoo Wanaagsan (Ka Jeedsada).
ﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
Waana kuwa marka lagu Waaniyo Aayaadka Eebahooda aaan Dhicin Dhago iyo Indho La'aan.
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰ
waana kuwa Dhihi Eebow nagasii (naga tusi) Haweenkanaga iyo Caruurtanada wax Ishu ku Qabowsato, noogana yeel kuwa Dhawrsada Imaam.
ﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
Kuwaas waxaa lagu Abaal marin Fooqa (Janno) Samirkooddi Dartiis waxayna kula Kulmi dhexdeeda Salaan iyo soo Dhawayn.
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
Wayna ku waari Dhexdeeda waxaana u Wanaagsan Janada ku Sugnaan iyo Nagaadiba.
ﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰ
Waxaadna Dhahdaa Idiinma Aabo Yeeleen Eebahay Haddaydaan Baryeyn (Illeen) waad beeniseen (Xaqee) wuxuuna ahaan mid idin Laasima Beeninta «Ciqaabta».

Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers