Suurah Ash-Shu'araa pdf — Soo Dejiso (Soomaali)
Suurah Ash-Shu'araa pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Ash-Shu'araa Tarjumaad. Suurah Ash-Shu'araa (Makki) 227 Aayad.
Related
- Suurah Ash-Shu'araa TarjumaadSoomaali
- Suurah Ash-Shu'araa mp3Maqal
- Quran Index Soomaali114
More Suurah PDF
Suurah Ash-Shu'araa

ﭑﭒ
26:1
Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay.
ﭓﭔﭕﭖﭗ
26:2
Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad.
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞ
26:3
Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa.
ﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪ
26:4
Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo.
ﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶ
26:5
Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada.
ﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿ
26:6
Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen.
ﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
26:7
Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican.
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕ
26:8
Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa).
ﮖﮗﮘﮙﮚﮛ
26:9
Eebahaana Waa Adkaade Naxariista.
ﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
26:10
(Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
26:11
Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan.
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱ
26:12
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan.
ﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
26:13
Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun.
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
26:14
Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan.
ﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
26:15
Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina.
ﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
26:16
ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka.
ﯵﯶﯷﯸﯹﯺ
26:17
Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga.
ﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅ
26:18
Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin.
ﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍ
26:19
Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗ
26:20
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn.
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣ
26:21
Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul).
ﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬ
26:22
Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil.
ﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
26:23
Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka.
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽ
26:24
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan).
ﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
26:25
Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan.
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉ
26:26
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore.
ﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑ
26:27
Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay.
ﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
26:28
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan.
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥ
26:29
Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan.
ﮦﮧﮨﮩﮪﮫ
26:30
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna.
ﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
26:31
Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi.
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
26:32
Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda.
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
26:33
Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi.
ﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪ
26:34
Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer.
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳ
26:35
Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan.
ﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻ
26:36
Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya.
ﯼﯽﯾﯿﰀ
26:37
Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer.
ﰁﰂﰃﰄﰅﰆ
26:38
Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan.
ﰇﰈﰉﰊﰋﰌ
26:39
Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘ
26:40
Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan.
ﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ
26:41
Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno.
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬ
26:42
Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow.
ﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴ
26:43
Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan.
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾ
26:44
Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan.
ﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇ
26:45
Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen.
ﮈﮉﮊﮋ
26:46
waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed.
ﮌﮍﮎﮏﮐ
26:47
Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka.
ﮑﮒﮓﮔ
26:48
Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun.
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬ
26:49
Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin.
ﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
26:50
Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa.
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
26:51
waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa).
ﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
26:52
Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye.
ﯭﯮﯯﯰﯱﯲ
26:53
Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya.
ﯳﯴﯵﯶﯷ
26:54
Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar.
ﯸﯹﯺﯻ
26:55
Wayna Na cadho Galiyeen.
ﯼﯽﯾﯿ
26:56
Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon.
ﰀﰁﰂﰃﰄ
26:57
Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo.
ﰅﰆﰇﰈ
26:58
Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican.
ﰉﰊﰋﰌﰍﰎ
26:59
Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil.
ﰏﰐﰑ
26:60
Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙ
26:61
Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay.
ﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
26:62
Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin.
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰ
26:63
Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale.
ﭱﭲﭳﭴ
26:64
Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon).
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
26:65
Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan.
ﭻﭼﭽﭾ
26:66
Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale.
ﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
26:67
Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn.
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
26:68
Eebahaana waa Adkaade Naxariista,
ﮏﮐﮑﮒﮓ
26:69
Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim.
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
26:70
Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan.
ﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡ
26:71
Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada.
ﮢﮣﮤﮥﮦﮧ
26:72
Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan.
ﮨﮩﮪﮫﮬ
26:73
Mase idin Anfaci ama idin Dhibi.
ﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
26:74
Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali.
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚ
26:75
Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan.
ﯛﯜﯝﯞ
26:76
Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey.
ﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥ
26:77
Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee.
ﯦﯧﯨﯩﯪ
26:78
Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin.
ﯫﯬﯭﯮﯯ
26:79
Kan I Quudin ee I Waraabin.
ﯰﯱﯲﯳﯴ
26:80
Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya.
ﯵﯶﯷﯸﯹ
26:81
Waana kan I dili Ina Noolayn.
ﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂ
26:82
Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta.
ﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉ
26:83
Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗ
26:84
Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe.
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
26:85
Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo.
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤ
26:86
Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.
ﭥﭦﭧﭨﭩ
26:87
Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka).
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰ
26:88
Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna.
ﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷ
26:89
Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan).
ﭸﭹﭺﭻ
26:90
Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah).
ﭼﭽﭾﭿ
26:91
Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay.
ﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆ
26:92
Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen.
ﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
26:93
Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan.
ﮏﮐﮑﮒﮓ
26:94
Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay.
ﮔﮕﮖﮗ
26:95
Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan.
ﮘﮙﮚﮛﮜ
26:96
Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi.
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣ
26:97
Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad.
ﮤﮥﮦﮧﮨ
26:98
Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka.
ﮩﮪﮫﮬﮭ
26:99
Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro.
ﮮﮯﮰﮱﯓ
26:100
Mana Lihin wax Noo Shafeeca.
ﯔﯕﯖﯗ
26:101
Iyo Saaxiib Dhaw.
ﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟ
26:102
Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin.
ﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
26:103
Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa).
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯ
26:104
Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
ﯰﯱﯲﯳﯴ
26:105
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii.
ﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼ
26:106
Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn.
ﯽﯾﯿﰀﰁ
26:107
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
ﰂﰃﰄﰅ
26:108
Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
ﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒ
26:109
Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
ﰓﰔﰕﰖ
26:110
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
ﰗﰘﰙﰚﰛﰜﰝ
26:111
Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗ
26:112
Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali.
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠ
26:113
Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan.
ﭡﭢﭣﭤﭥ
26:114
Anuguna ma Eryayo Mu'miniinta.
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫ
26:115
Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi.
ﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴ
26:116
Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo.
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
26:117
Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen.
ﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
26:118
Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah.
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
26:119
Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday.
ﮌﮍﮎﮏﮐ
26:120
Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii).
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
26:121
Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
ﮛﮜﮝﮞﮟﮠ
26:122
Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
ﮡﮢﮣﮤ
26:123
Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬ
26:124
Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn.
ﮭﮮﮯﮰﮱ
26:125
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
ﯓﯔﯕﯖ
26:126
Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca.
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣ
26:127
Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
ﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
26:128
Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari.
ﯪﯫﯬﯭﯮ
26:129
Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed.
ﯯﯰﯱﯲﯳ
26:130
Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran.
ﯴﯵﯶﯷ
26:131
ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca.
ﯸﯹﯺﯻﯼﯽ
26:132
Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin.
ﯾﯿﰀﰁ
26:133
Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur.
ﰂﰃﰄ
26:134
Iyo Beero iyo Ilo.
ﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋ
26:135
Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn.
ﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕ
26:136
Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
26:137
Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn.
ﭗﭘﭙﭚ
26:138
Nalamana Cadaabayo.
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧ
26:139
Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
ﭨﭩﭪﭫﭬﭭ
26:140
Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
ﭮﭯﭰﭱ
26:141
Waxay Beenisay Thamuud suulladii.
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
26:142
Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan.
ﭺﭻﭼﭽﭾ
26:143
Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
ﭿﮀﮁﮂ
26:144
ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏ
26:145
Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
ﮐﮑﮒﮓﮔﮕ
26:146
Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina.
ﮖﮗﮘﮙ
26:147
Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda).
ﮚﮛﮜﮝﮞ
26:148
Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay.
ﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
26:149
Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan.
ﮥﮦﮧﮨ
26:150
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
ﮩﮪﮫﮬﮭ
26:151
Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha.
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕ
26:152
ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn.
ﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
26:153
Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray.
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧ
26:154
Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi.
ﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱ
26:155
Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan.
ﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹ
26:156
Ee ha ku Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn.
ﯺﯻﯼﯽ
26:157
Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya.
ﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
26:158
Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa).
ﰋﰌﰍﰎﰏﰐ
26:159
Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
ﭑﭒﭓﭔﭕ
26:160
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii.
ﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
26:161
Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn.
ﭞﭟﭠﭡﭢ
26:162
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
ﭣﭤﭥﭦ
26:163
ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
ﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳ
26:164
Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
ﭴﭵﭶﭷﭸ
26:165
Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka.
ﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅ
26:166
Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba.
ﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
26:167
Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo.
ﮏﮐﮑﮒﮓﮔ
26:168
Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay.
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
26:169
Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan.
ﮛﮜﮝﮞ
26:170
Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan.
ﮟﮠﮡﮢﮣ
26:171
Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii).
ﮤﮥﮦﮧ
26:172
Markaasaan Halaagnay Intii kale.
ﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯ
26:173
Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay.
ﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚ
26:174
Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn.
ﯛﯜﯝﯞﯟﯠ
26:175
Eebhaana waa Adkaade Naxariista.
ﯡﯢﯣﯤﯥ
26:176
Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii.
ﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
26:177
Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn.
ﯭﯮﯯﯰﯱ
26:178
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
ﯲﯳﯴﯵ
26:179
ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
ﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂ
26:180
Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
ﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
26:181
Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya.
ﰋﰌﰍﰎ
26:182
Una Miisama Cadaalad Toosan.
ﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕﰖﰗﰘ
26:183
Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
26:184
Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey.
ﭗﭘﭙﭚﭛﭜ
26:185
Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray.
ﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦ
26:186
Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah.
ﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰ
26:187
ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi.
ﭱﭲﭳﭴﭵﭶ
26:188
Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan.
ﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂ
26:189
Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌ
26:190
Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn.
ﮍﮎﮏﮐﮑﮒ
26:191
Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
ﮓﮔﮕﮖﮗ
26:192
Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka.
ﮘﮙﮚﮛﮜ
26:193
Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil).
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
26:194
Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga.
ﮣﮤﮥﮦ
26:195
Af Carabi ahoo Cad.
ﮧﮨﮩﮪﮫ
26:196
Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore.
ﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
26:197
Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil/
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜ
26:198
Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis.
ﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣ
26:199
oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen.
ﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
26:200
Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha.
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱ
26:201
Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran.
ﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
26:202
Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn.
ﯸﯹﯺﯻﯼ
26:203
Oy Dhahaan ma nala Sugi.
ﯽﯾﯿ
26:204
Ma Cadaabkanagay Dadajisan.
ﰀﰁﰂﰃﰄ
26:205
Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin.
ﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
26:206
Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗ
26:207
Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey.
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟ
26:208
Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto.
ﭠﭡﭢﭣﭤ
26:209
Waano Darteed, mana nihin Daalimiin.
ﭥﭦﭧﭨﭩ
26:210
Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu.
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
26:211
Kumana Habboona mana Karaan.
ﭰﭱﭲﭳﭴ
26:212
Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin.
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾ
26:213
Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo.
ﭿﮀﮁﮂ
26:214
Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉ
26:215
Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah.
ﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑ
26:216
Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan.
ﮒﮓﮔﮕﮖ
26:217
Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista.
ﮗﮘﮙﮚﮛ
26:218
Ee ku Arka Markaad Kici.
ﮜﮝﮞﮟ
26:219
Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan.
ﮠﮡﮢﮣﮤ
26:220
Eebana waa Maqle Og.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫ
26:221
Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu.
ﮬﮭﮮﮯﮰﮱ
26:222
Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan.
ﯓﯔﯕﯖﯗ
26:223
Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal.
ﯘﯙﯚﯛ
26:224
Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah.
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣ
26:225
Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin.
ﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
26:226
Oyna Sheegi waxayna Falayn.
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾ
26:227
Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).
Quraanka Kariimka
Wednesday, September 9, 2026
Don't forget us in your sincere prayers







