La sourate Al-Hijr en Somali
Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad. |
رُّبَمَا يَوَدُّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْ كَانُوا مُسْلِمِينَ(2) Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii). |
ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا وَيَتَمَتَّعُوا وَيُلْهِهِمُ الْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ(3) ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane, |
وَمَا أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ(4) Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno. |
مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ(5) Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto. |
وَقَالُوا يَا أَيُّهَا الَّذِي نُزِّلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ(6) Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay. |
لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِالْمَلَائِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ(7) Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi. |
مَا نُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ إِلَّا بِالْحَقِّ وَمَا كَانُوا إِذًا مُّنظَرِينَ(8) Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas). |
إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ(9) Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri. |
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِي شِيَعِ الْأَوَّلِينَ(10) waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore. |
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ(11) Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa. |
saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha. |
لَا يُؤْمِنُونَ بِهِ ۖ وَقَدْ خَلَتْ سُنَّةُ الْأَوَّلِينَ(13) mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey. |
وَلَوْ فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا مِّنَ السَّمَاءِ فَظَلُّوا فِيهِ يَعْرُجُونَ(14) haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora |
لَقَالُوا إِنَّمَا سُكِّرَتْ أَبْصَارُنَا بَلْ نَحْنُ قَوْمٌ مَّسْحُورُونَ(15) waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray. |
وَلَقَدْ جَعَلْنَا فِي السَّمَاءِ بُرُوجًا وَزَيَّنَّاهَا لِلنَّاظِرِينَ(16) waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi). |
waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis. |
إِلَّا مَنِ اسْتَرَقَ السَّمْعَ فَأَتْبَعَهُ شِهَابٌ مُّبِينٌ(18) mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee. |
dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman. |
وَجَعَلْنَا لَكُمْ فِيهَا مَعَايِشَ وَمَن لَّسْتُمْ لَهُ بِرَازِقِينَ(20) waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin. |
وَإِن مِّن شَيْءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَائِنُهُ وَمَا نُنَزِّلُهُ إِلَّا بِقَدَرٍ مَّعْلُومٍ(21) waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee. |
waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda). |
وَإِنَّا لَنَحْنُ نُحْيِي وَنُمِيتُ وَنَحْنُ الْوَارِثُونَ(23) annagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha). |
وَلَقَدْ عَلِمْنَا الْمُسْتَقْدِمِينَ مِنكُمْ وَلَقَدْ عَلِمْنَا الْمُسْتَأْخِرِينَ(24) waxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray. |
وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحْشُرُهُمْ ۚ إِنَّهُ حَكِيمٌ عَلِيمٌ(25) Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah. |
وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن صَلْصَالٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ(26) annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon. |
وَالْجَانَّ خَلَقْنَاهُ مِن قَبْلُ مِن نَّارِ السَّمُومِ(27) Jaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl). |
وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي خَالِقٌ بَشَرًا مِّن صَلْصَالٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ(28) Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon. |
فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ(29) Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud. |
wayna Sujuudeen malaa'igtii dhammaan oo Kulansan. |
Ibliis oo diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee. |
قَالَ يَا إِبْلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ السَّاجِدِينَ(32) Wuxuuna yidhi (Eebe) Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda. |
قَالَ لَمْ أَكُن لِّأَسْجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقْتَهُ مِن صَلْصَالٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ(33) Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon. |
Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu fogeeyaye. |
Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada). |
Wuxuuna yidhi Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka. |
Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay. |
Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh. |
قَالَ رَبِّ بِمَا أَغْوَيْتَنِي لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمْ فِي الْأَرْضِ وَلَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ(39) Wuxuuna yidhi Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana Dhumin dhammaan. |
Addoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay). |
Eebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin). |
إِنَّ عِبَادِي لَيْسَ لَكَ عَلَيْهِمْ سُلْطَانٌ إِلَّا مَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْغَاوِينَ(42) Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee. |
Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan. |
لَهَا سَبْعَةُ أَبْوَابٍ لِّكُلِّ بَابٍ مِّنْهُمْ جُزْءٌ مَّقْسُومٌ(44) Waxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah). |
kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri). |
waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo. |
وَنَزَعْنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنْ غِلٍّ إِخْوَانًا عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَابِلِينَ(47) waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan. |
لَا يَمَسُّهُمْ فِيهَا نَصَبٌ وَمَا هُم مِّنْهَا بِمُخْرَجِينَ(48) kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo. |
U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista ahay, |
iyo in Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun. |
Ugana waran dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi Ibraahim. |
إِذْ دَخَلُوا عَلَيْهِ فَقَالُوا سَلَامًا قَالَ إِنَّا مِنكُمْ وَجِلُونَ(52) Markay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan. |
قَالُوا لَا تَوْجَلْ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَامٍ عَلِيمٍ(53) ooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane. |
قَالَ أَبَشَّرْتُمُونِي عَلَىٰ أَن مَّسَّنِيَ الْكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ(54) Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan. |
قَالُوا بَشَّرْنَاكَ بِالْحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ الْقَانِطِينَ(55) Waxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta. |
قَالَ وَمَن يَقْنَطُ مِن رَّحْمَةِ رَبِّهِ إِلَّا الضَّالُّونَ(56) Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee. |
Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw. |
Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood. |
Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood. |
إِلَّا امْرَأَتَهُ قَدَّرْنَا ۙ إِنَّهَا لَمِنَ الْغَابِرِينَ(60) Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga). |
Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray. |
Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin. |
Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii). |
Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa. |
Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray. |
وَقَضَيْنَا إِلَيْهِ ذَٰلِكَ الْأَمْرَ أَنَّ دَابِرَ هَٰؤُلَاءِ مَقْطُوعٌ مُّصْبِحِينَ(66) Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii. |
Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida). |
Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina. |
kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina. |
Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna). |
wuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan). |
Cimrigaagee iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin. |
Waxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa. |
فَجَعَلْنَا عَالِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن سِجِّيلٍ(74) Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah. |
Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira). |
Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad). |
Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay. |
Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb). |
فَانتَقَمْنَا مِنْهُمْ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٍ مُّبِينٍ(79) Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno). |
Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax). |
Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada. |
Waxaana ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina. |
Waxaana qabatay Qaylo Aroortii. |
Waxna uma tarin waxay Kasbanayeen. |
Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way iman ee iska saamax saamixid quruxsan. |
Eebahaabaa ah abuuraha cilmiga lehe. |
وَلَقَدْ آتَيْنَاكَ سَبْعًا مِّنَ الْمَثَانِي وَالْقُرْآنَ الْعَظِيمَ(87) waxaan ku siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn. |
ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon una raarici (Jilei) garabkaaga (macaamiladooda) Mu'miniinta. |
waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun ahay u dige cad. |
sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa). |
ee kayeelay Quraanka Qaybo. |
Eebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood. |
waxay falayeen. |
ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta. |
anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa. |
الَّذِينَ يَجْعَلُونَ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ ۚ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ(96) ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca). |
وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدْرُكَ بِمَا يَقُولُونَ(97) waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun). |
ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda. |
Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu). |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Hijr : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Hijr complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide