Surah As-Saff Carabi iyo Soomaali

Ku akhri Surah-da As-Saff tarjumaad Soomaali ah oo dhamaystiran, xarfaha iyo cod-akhriska. Tarjumaad aayad kasta. (14 Aayad — مدنية). As-Saff Maqal, As-Saff Tarjumaad, As-Saff mp3, As-Saff pdf.

Akhri oo Maqal Surah-da As-Saff

🎧 Aayad
M Mishary Rashid Alafasy
M Mahmoud Khalil Al-Husary
A Abdurrahman As-Sudais
M Mohamed Siddiq Al-Minshawi
A Abdul Basit Abdul Samad
A Ali Al-Hudhaify
A Ahmed ibn Ali al-Ajamy
A Abu Bakr Ash-Shaatree
M Muhammad Ayyoub
A Abdullah Basfar
A Abdullah Al-Juhani
M Maher Al Muaiqly
x1
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۖ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ ۝١
📖 Tarjumaad Aayad 1
Waxaa Ilaahay nasaha (weyneeya) waxa Cirka iyo Dhulka ku sugan, Eebana waa adkaade falsan.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفْعَلُونَ ۝٢
📖 Tarjumaad Aayad 2
dadka xaqa rumeeyayow maxaad u sheegaysaan wax aydaan falaynin.
كَبُرَ مَقْتًا عِندَ اللَّهِ أَن تَقُولُوا مَا لَا تَفْعَلُونَ ۝٣
📖 Tarjumaad Aayad 3
Waxaa Cadho weyn Eebe agtiisa ku ah inaad sheegtaan wax aydaan falaynin.
إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِهِ صَفًّا كَأَنَّهُم بُنْيَانٌ مَّرْصُوصٌ ۝٤
📖 Tarjumaad Aayad 4
Eebe wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama Jidkiisa (Jihaadka) iyagoo af ah oo aad mooddo dhismo laysku dhejiyey (midnimadooda).
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ يَا قَوْمِ لِمَ تُؤْذُونَنِي وَقَد تَّعْلَمُونَ أَنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ ۖ فَلَمَّا زَاغُوا أَزَاغَ اللَّهُ قُلُوبَهُمْ ۚ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ ۝٥
📖 Tarjumaad Aayad 5
Xusuusta markii (Nabi) Muuse ku yidhi dadkiisii maxaad ii dhibaysaan idinkoo og inaan Rasuul Eebe idiin ahay, markay xaqii ka iisheen yaa Eebana sii iilay qalbigooda, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwa faasiqiinta ah.
وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُم مُّصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيَّ مِنَ التَّوْرَاةِ وَمُبَشِّرًا بِرَسُولٍ يَأْتِي مِن بَعْدِي اسْمُهُ أَحْمَدُ ۖ فَلَمَّا جَاءَهُم بِالْبَيِّنَاتِ قَالُوا هَٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ ۝٦
📖 Tarjumaad Aayad 6
xusuusta marka (nabi) Ciise ibnu Maryama ku yidhi Banii Israa'iil waxaan ahay Rasuul Eebe idiin soo diray oo rumayn Kitaabkii Tawraad ee horreeyey, kuna bishaarayn Rasuul gadaashayda imaan oo Magaciisuna yahay «Axmed», markuu xuja cad ula yimidna waxay dheheen kani waa sixir cad.
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ الْكَذِبَ وَهُوَ يُدْعَىٰ إِلَى الْإِسْلَامِ ۚ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ ۝٧
📖 Tarjumaad Aayad 7
yaa ka dulmi badan ruux ku been abuurtay Ilaahay isagoo loogu yeedhi Islaamka, Eebe ma hanuuniyo dadka daalimiinta ah.
يُرِيدُونَ لِيُطْفِئُوا نُورَ اللَّهِ بِأَفْوَاهِهِمْ وَاللَّهُ مُتِمُّ نُورِهِ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ ۝٨
📖 Tarjumaad Aayad 8
Waxay doonayaan (Gaaladu) inay Nuurka (xaqa) Eebe ku bakhtiiyaan Afkooda Eebena wuu taam yeeli nuurkiisa haba naceen Gaaladuye.
هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَىٰ وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّهِ وَلَوْ كَرِهَ الْمُشْرِكُونَ ۝٩
📖 Tarjumaad Aayad 9
Eebe waa kan diray Rasuulkiisa isagoo hanuun wada iyo Diin xaq ah si uu (Eebe) Diimaha oo dhan uga sare mariyo haba naceen Mushrikiintuye (Gaaladu).
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ تِجَارَةٍ تُنجِيكُم مِّنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ ۝١٠
📖 Tarjumaad Aayad 10
Kuwa xaqa rumeeyow ma idin tusiyaa ganacsi idinka koriya Cadaab daran.
تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَتُجَاهِدُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ بِأَمْوَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ ۝١١
📖 Tarjumaad Aayad 11
Waxaad rumaynaysaa Ilaahay iyo Rasuulkiisa waxaadna ku dagaalamaysaan Jidkiisa xaqa ah Xoolihiina iyo Naftiina idinkoo u huri, saasaana idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og.
يَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَيُدْخِلْكُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ وَمَسَاكِنَ طَيِّبَةً فِي جَنَّاتِ عَدْنٍ ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ ۝١٢
📖 Tarjumaad Aayad 12
Markaas Eebe dambigiinuu dhaafi wuxuuna idin gelin Jannooyin ay dhex socdaan Webiyaal iyo Guryo wanaagsan oo ku dhexyaalla Jannada Cadnin (nagaanshaha), taasina waa liibaan weyn.
وَأُخْرَىٰ تُحِبُّونَهَا ۖ نَصْرٌ مِّنَ اللَّهِ وَفَتْحٌ قَرِيبٌ ۗ وَبَشِّرِ الْمُؤْمِنِينَ ۝١٣
📖 Tarjumaad Aayad 13
Arrin kale ood jeceshihiinna (wuu idiin siin) waa gargaarka Eebe iyo fatxi (guul) dhaw, kuwa xaqa rumeeyeyna u bishaaree.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا أَنصَارَ اللَّهِ كَمَا قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ لِلْحَوَارِيِّينَ مَنْ أَنصَارِي إِلَى اللَّهِ ۖ قَالَ الْحَوَارِيُّونَ نَحْنُ أَنصَارُ اللَّهِ ۖ فَآمَنَت طَّائِفَةٌ مِّن بَنِي إِسْرَائِيلَ وَكَفَرَت طَّائِفَةٌ ۖ فَأَيَّدْنَا الَّذِينَ آمَنُوا عَلَىٰ عَدُوِّهِمْ فَأَصْبَحُوا ظَاهِرِينَ ۝١٤
📖 Tarjumaad Aayad 14
dadka xaqa rumeeyow noqda gargaarayaasha Eebe sidii kuwii Nabi Ciise ibnu Maryama Saaxiibadiis ahaa (Xawaariyintii) ee uu ku yidhi yaa Eebe iila gargaara, markaas ay dheheen annagaa ah gargaarayaashii Eebe, ka dib ay xaqa rumaysay koox Banii Israa'iil ka mid ah, kooxna ay ka gaalawday; Eebena ayiday (xoojiyey) kuwii xaqa rumeeyey (kana adkaadeen Cadawgoodii) oo iyagu ka muuqdeen (ka taliyeen) dhulkii.
← 60 As-Saff (61/114) 62 →
Akhri Surah As-Saff Af-Soomaali – Turjumaad iyo Codsi

61الصف As-Saff 📚 14 Aayad مدنية

Aayad kasta – Surah As-Saff — 14 Aayad




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers