PDF —
28 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Nuuh pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Nuuh pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Nuuh Tarjumaad. Suurah Nuuh (Makki) 28 Aayad.



28 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆ
71:1 Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.
ﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍ
71:2 Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»
ﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
71:3 ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca.
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨ
71:4 Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.
ﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰ
71:5 Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.
ﮱﯓﯔﯕﯖﯗ
71:6 Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.
ﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦ
71:7 Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.
ﯧﯨﯩﯪﯫ
71:8 si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa»
ﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳ
71:9 Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.
ﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺ
71:10 Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance.
ﭑﭒﭓﭔﭕ
71:11 Cirkana Roob badan ha idinka keenee.
ﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟ
71:12 Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal.
ﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦ
71:13 Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen.
ﭧﭨﭩﭪ
71:14 Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan.
ﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳ
71:15 Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran.
ﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
71:16 Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
71:17 Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka.
ﮂﮃﮄﮅﮆﮇ
71:18 Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona.
ﮈﮉﮊﮋﮌﮍ
71:19 Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol.
ﮎﮏﮐﮑﮒ
71:20 Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn.
ﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠ
71:21 (Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin.
ﮡﮢﮣﮤ
71:22 Dhagar waynna way Dhakreen.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓ
71:23 Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri.
ﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝ
71:24 Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn.
ﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪ
71:25 Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare,
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵ
71:26 Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna.
ﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀ
71:27 Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.
ﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑ
71:28 Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn.

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers