PDF —
28 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Al-Jinn pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Al-Jinn pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Jinn Tarjumaad. Suurah Al-Jinn (Makki) 28 Aayad.

← NuuhSuurah Al-Jinn Al-Muzzammil →


28 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞ
72:1 Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) Dheheen waxaan maqallay quraan layaab leh.
ﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩ
72:2 Oo ku hanuunin xaqa waana Rumaynay waxaan Eebe cibaada la wadaajinhaynana ma jiro.
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳ
72:3 Waxaana Sarreeya sharafta Eebeheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna.
ﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
72:4 Waxay Ahaayeen kuwannagii xumaa inay ku dhaheen hadallo xadgudug ah Eebe.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆ
72:5 Waxaana u Malaynaynay inuusan insi iyo Jini Midna Eebe ku beensheegaynin.
ﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒ
72:6 Waxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay Magangalaan kuwo Jinniga ka mida markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad Gudub).
ﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
72:7 Waxayna jinnigu u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Eebe soo Bixinhaynin Ruuxna.
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥ
72:8 Waxaan Doonnay samada waxaana hellay iyadoo ka buuxda Ilaalin daran iyo danabyo.
ﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
72:9 Waxaana ahayn kuwo Fadhiista xageeda meelo si aan wax uga dhagaysanno Ruuxiise Dhagaysta hadda wuxuu heli danabyo darban «la kulmi».
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
72:10 Mana ogin inay tahay shar lala Doonay dadka Dhulka ku nool ama Eebohood la Doonay hanuun (iyo khayr).
ﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭ
72:11 Waxaa naga mid ah kuwo suuban iyo kuwo kaleba, waxaan nahay kooxa kala duwan.
ﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹ
72:12 Waxaanna Ognahay Inaannaan Eebe ku daalinkarin Dhulka Dhexdiisa, kuna Daalinhaynin Cararid.
ﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉ
72:13 Markaan Maqallay hanuunkana waan Rumaynay, Ruuxii rumeeya Eebihiisana kama yaabo Nusqaan iyo Dulmi Midna.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜ
72:14 Waxaa naga mida Muslimiin iyo Kuwo xadgudbay, Ruusiise islaama waa mid ku dadaalay hanuun.
ﭝﭞﭟﭠﭡﭢ
72:15 Kuwiise xadgudbay waxay ahaan Qoryaha Jahannamo.
ﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪ
72:16 Hadday ku toosaan Dadku jidka (wanaagsan) waxaaan ka waraabinlahayn biyo badan.
ﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶ
72:17 Imtixaan Dartiis, Ruuxii ka Jeedsada Xusidda Eebihiis wuxuu galin cadaab daran.
ﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿ
72:18 Masaajidda Eebaa iska leh ee ha kula baryina «caabudina» Eeb Cid kale.
ﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊ
72:19 Markuu istaagay Addoonkii Eebe (Nabigu) isagoo Caabudi Eebe waxay Jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dulfuulan.
ﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
72:20 Waxaad Dhahdaa Nabiyow waxaan uun Caabudi Eebahay lana wadaajinmahayo cidna.
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
72:21 Waxaad dhahdaa idiin ma hanto shar iyo khayr midna.
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩ
72:22 Waxaad Dhahdaa cidna igama korinayso Eebe, mana helayo isaga ka sakow Magangalyo.
ﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜ
72:23 Hase yeeshee waxaan hantaa Gaadhsiinta xaqa Eebe iyo Farriimihiisa, Ruuxiise Eebe Caasiya iyo Rasuulkiisa waxaa u sugnaaday Naarta Jahannama isagoo ku waari Dhexdeeda.
ﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨ
72:24 Markay Gaaladu Arkaan waxa loo yaboohi waxay ogaan cidda Gargaarihiisu tabaryaryahay tirana yaryahay.
ﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
72:25 Waxaad Dhahdaa ma ogi inuu Dhawyahay waxa la idiinku Gooddin ama Eebahay waqti u yeeli.
ﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼ
72:26 Eebaa og waxa Maqan, umana muujiyo waxaa maqan Ruuxna.
ﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
72:27 Marka laga Reebo ciduu ka raalli Noqday oo Rasuulah, Isagoo hor iyo gadaalba ka ilaalin.
ﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕﰖﰗﰘ
72:28 Si Eebe u muujiyo inay Gaadhsiiyeen Farriimihii Eebohood, Eebana waa koobay waxa Agtooda ah wayna u tirakoobanyihiin wax walba.

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers