8 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﮣﮤﮥ
102:1 Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid),
ﮦﮧﮨﮩ
102:2 Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan).
ﮪﮫﮬﮭ
102:3 Saas ma aha ee waad ogaandoontaan.
ﮮﮯﮰﮱﯓ
102:4 Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa).
ﯔﯕﯖﯗﯘﯙ
102:5 Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta).
ﯚﯛﯜ
102:6 Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima,
ﯝﯞﯟﯠﯡ
102:7 Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah.
ﯢﯣﯤﯥﯦﯧ
102:8 Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii.

Quraanka Kariimka


Tuesday, September 29, 2026

Don't forget us in your sincere prayers