11 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭴﭵ
101:1 Qaaricada (qalbiga garaacda).
ﭶﭷﭸ
101:2 Qaarica maxay tahay.
ﭹﭺﭻﭼﭽ
101:3 Mase taqaannaa Qaarico.
ﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
101:4 Waa Maalinta Dadku noqon sida Baalallay.
ﮄﮅﮆﮇﮈ
101:5 Buuruhuna ay noqon sida Suuf kala firdhay.
ﮉﮊﮋﮌﮍ
101:6 Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado.
ﮎﮏﮐﮑﮒ
101:7 Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah.
ﮓﮔﮕﮖﮗ
101:8 Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican).
ﮘﮙﮚ
101:9 Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya.
ﮛﮜﮝﮞﮟ
101:10 Ma taqaannaa Haawiya.
ﮠﮡﮢ
101:11 Waa Naar kulayl daran.

Quraanka Kariimka


Tuesday, September 29, 2026

Don't forget us in your sincere prayers