Suurah Al-Muddaththir
PDF —
Built right in your browser — download starts automatically
Suurah Al-Muddaththir pdf — Soo Dejiso (Soomaali)
Suurah Al-Muddaththir pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Muddaththir Tarjumaad. Al-Muddaththir (Makki) 56 Aayad.
Related
- Al-Muddaththir TarjumaadSoomaali
- Al-Muddaththir mp3Maqal
- Quran Index Soomaali114
More Suurah PDF
Suurah Al-Muddaththir

ﮪﮫﮬ
(Nabiga) Isadadayow.
ﮭﮮﮯ
Istaag oo dig.
ﮰﮱﯓ
Eebahaana waynee.
ﯔﯕﯖ
Dharkaagana daahiri.
ﯗﯘﯙ
Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada).
ﯚﯛﯜﯝ
Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay).
ﯞﯟﯠ
Eebahaa Dartiisna u Samir.
ﯡﯢﯣﯤﯥ
Marka Suurka (yiaame) la Afuufo.
ﯦﯧﯨﯩﯪ
Maalintaasu waa maalin ku Daran.
ﯫﯬﯭﯮﯯ
Gaalada oon u Fududayn.
ﯰﯱﯲﯳﯴ
Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa.
ﯵﯶﯷﯸﯹ
Una yeelay Xoolo Badan.
ﯺﯻﯼ
Iyo Wilaal Jooga oo «Darban».
ﯽﯾﯿﰀ
Aan una waasiciyay Risqiga.
ﰁﰂﰃﰄﰅ
Oo haddana sii damci inaan u Badiyo.
ﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌ
Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga.
ﰍﰎﰏ
Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran.
ﰐﰑﰒﰓ
Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay.
ﭑﭒﭓﭔ
Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay.
ﭕﭖﭗﭘﭙ
Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay.
ﭚﭛﭜ
Kadib wuxuu eebay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo).
ﭝﭞﭟﭠ
Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay.
ﭡﭢﭣﭤ
Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay.
ﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫ
Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn.
ﭬﭭﭮﭯﭰﭱ
quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn.
ﭲﭳﭴ
waxaannu galin kaas (Naarta) saqara.
ﭵﭶﭷﭸﭹ
Ma taqaannaa Naarta Saqara.
ﭺﭻﭼﭽﭾ
Hilib iyo laf midna ma Reebto.
ﭿﮀﮁ
waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa).
ﮂﮃﮄﮅ
waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf).
ﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤ
Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee.
ﯥﯦﯧ
Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye.
ﯨﯩﯪﯫ
Iyo Habeenku Markuu Jeedsado.
ﯬﯭﯮﯯ
Iyo Subaxu markuu iftiimo.
ﯰﯱﯲﯳ
Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka).
ﯴﯵﯶ
Waana Digniinta Dadka.
ﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾ
Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay).
ﯿﰀﰁﰂﰃﰄ
Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay.
ﰅﰆﰇﰈ
Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka).
ﰉﰊﰋﰌ
Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin.
ﰍﰎﰏ
Dambiilayaasha.
ﰐﰑﰒﰓﰔ
Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara.
ﰕﰖﰗﰘﰙﰚ
Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada.
ﰛﰜﰝﰞﰟ
Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka.
ﰠﰡﰢﰣﰤ
Waxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta Dumban.
ﰥﰦﰧﰨﰩ
Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada).
ﰪﰫﰬﰭ
Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu).
ﭑﭒﭓﭔﭕ
Ma anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca.
ﭖﭗﭘﭙﭚﭛ
Maxaase u sugnaaday iy waanada uga Jeedsadaan.
ﭜﭝﭞﭟ
ood u moodaa Dameero Diday.
ﭠﭡﭢﭣ
oo ka Cararay libaax.
ﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭ
Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab).
ﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴ
Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro.
ﭵﭶﭷﭸ
Waxaa sugan in Quraanku waana yahay.
ﭹﭺﭻﭼ
Ruuxii Doona yaana waantoobi.
ﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉ
Mana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inii Dambi Dhaafo.
Quraanka Kariimka
Tuesday, August 18, 2026
Don't forget us in your sincere prayers







