PDF —
40 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Al-Qiyaamah pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Al-Qiyaamah pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Qiyaamah Tarjumaad. Suurah Al-Qiyaamah (Makki) 40 Aayad.



40 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﮊﮋﮌﮍﮎ
75:1 Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame.
ﮏﮐﮑﮒﮓ
75:2 Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
75:3 Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠ
75:4 Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.
ﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
75:5 Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.
ﮧﮨﮩﮪﮫ
75:6 Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.
ﮬﮭﮮﮯ
75:7 Markase Araggu Wareero (Taagmo).
ﮰﮱﯓ
75:8 Dayuxuna Madoobaado.
ﯔﯕﯖﯗ
75:9 Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.
ﯘﯙﯚﯛﯜﯝ
75:10 Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.
ﯞﯟﯠﯡ
75:11 Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).
ﯢﯣﯤﯥﯦ
75:12 Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.
ﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭ
75:13 Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.
ﯮﯯﯰﯱﯲﯳ
75:14 Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.
ﯴﯵﯶﯷ
75:15 Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).
ﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾ
75:16 Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).
ﯿﰀﰁﰂﰃ
75:17 Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.
ﰄﰅﰆﰇﰈ
75:18 Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.
ﰉﰊﰋﰌﰍ
75:19 Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.
ﭑﭒﭓﭔﭕ
75:20 saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).
ﭖﭗﭘ
75:21 Waxaadna ka tagaysaan aakhiro.
ﭙﭚﭛﭜ
75:22 Wajiyaal Maalintaas way ifi.
ﭝﭞﭟﭠ
75:23 Eebeheedna way Eegi.
ﭡﭢﭣﭤ
75:24 Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.
ﭥﭦﭧﭨﭩﭪ
75:25 Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.
ﭫﭬﭭﭮﭯ
75:26 Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).
ﭰﭱﭲﭳﭴ
75:27 Oo la Dhoho uaa ku tufi.
ﭵﭶﭷﭸ
75:28 Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.
ﭹﭺﭻﭼ
75:29 Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).
ﭽﭾﭿﮀﮁ
75:30 Eebahaa Xaggiisaa la aadi.
ﮂﮃﮄﮅﮆ
75:31 Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin.
ﮇﮈﮉﮊ
75:32 Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday.
ﮋﮌﮍﮎﮏﮐ
75:33 Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan.
ﮑﮒﮓﮔ
75:34 Halaag Buuse Mutaa.
ﮕﮖﮗﮘﮙ
75:35 Haddana Halaagbuu Mutaa.
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟ
75:36 Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan).
ﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
75:37 Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo.
ﮧﮨﮩﮪﮫﮬ
75:38 Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana.
ﮭﮮﮯﮰﮱﯓ
75:39 Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig.
ﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
75:40 Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers