La sourate Ash-Shuara en Somali
طسم(1) Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay. |
Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad. |
Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa. |
إِن نَّشَأْ نُنَزِّلْ عَلَيْهِم مِّنَ السَّمَاءِ آيَةً فَظَلَّتْ أَعْنَاقُهُمْ لَهَا خَاضِعِينَ(4) Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo. |
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّنَ الرَّحْمَٰنِ مُحْدَثٍ إِلَّا كَانُوا عَنْهُ مُعْرِضِينَ(5) Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada. |
فَقَدْ كَذَّبُوا فَسَيَأْتِيهِمْ أَنبَاءُ مَا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ(6) Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen. |
أَوَلَمْ يَرَوْا إِلَى الْأَرْضِ كَمْ أَنبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ(7) Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican. |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ(8) Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa). |
Eebahaana Waa Adkaade Naxariista. |
وَإِذْ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰ أَنِ ائْتِ الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ(10) (Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah. |
Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan. |
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. |
وَيَضِيقُ صَدْرِي وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِي فَأَرْسِلْ إِلَىٰ هَارُونَ(13) Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun. |
Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan. |
قَالَ كَلَّا ۖ فَاذْهَبَا بِآيَاتِنَا ۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسْتَمِعُونَ(15) Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina. |
فَأْتِيَا فِرْعَوْنَ فَقُولَا إِنَّا رَسُولُ رَبِّ الْعَالَمِينَ(16) ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka. |
Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga. |
قَالَ أَلَمْ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثْتَ فِينَا مِنْ عُمُرِكَ سِنِينَ(18) Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin. |
وَفَعَلْتَ فَعْلَتَكَ الَّتِي فَعَلْتَ وَأَنتَ مِنَ الْكَافِرِينَ(19) Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii). |
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn. |
فَفَرَرْتُ مِنكُمْ لَمَّا خِفْتُكُمْ فَوَهَبَ لِي رَبِّي حُكْمًا وَجَعَلَنِي مِنَ الْمُرْسَلِينَ(21) Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul). |
وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنْ عَبَّدتَّ بَنِي إِسْرَائِيلَ(22) Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil. |
Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka. |
قَالَ رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ(24) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan). |
Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan. |
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore. |
قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ الَّذِي أُرْسِلَ إِلَيْكُمْ لَمَجْنُونٌ(27) Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay. |
قَالَ رَبُّ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ إِن كُنتُمْ تَعْقِلُونَ(28) Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan. |
قَالَ لَئِنِ اتَّخَذْتَ إِلَٰهًا غَيْرِي لَأَجْعَلَنَّكَ مِنَ الْمَسْجُونِينَ(29) Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan. |
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna. |
Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi. |
Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda. |
Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi. |
قَالَ لِلْمَلَإِ حَوْلَهُ إِنَّ هَٰذَا لَسَاحِرٌ عَلِيمٌ(34) Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer. |
يُرِيدُ أَن يُخْرِجَكُم مِّنْ أَرْضِكُم بِسِحْرِهِ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ(35) Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan. |
قَالُوا أَرْجِهْ وَأَخَاهُ وَابْعَثْ فِي الْمَدَائِنِ حَاشِرِينَ(36) Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya. |
Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer. |
Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan. |
Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan. |
لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ السَّحَرَةَ إِن كَانُوا هُمُ الْغَالِبِينَ(40) Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan. |
Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno. |
Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow. |
Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan. |
فَأَلْقَوْا حِبَالَهُمْ وَعِصِيَّهُمْ وَقَالُوا بِعِزَّةِ فِرْعَوْنَ إِنَّا لَنَحْنُ الْغَالِبُونَ(44) Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan. |
فَأَلْقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ(45) Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen. |
waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed. |
Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka. |
Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun. |
Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin. |
قَالُوا لَا ضَيْرَ ۖ إِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ(50) Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa. |
إِنَّا نَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَايَانَا أَن كُنَّا أَوَّلَ الْمُؤْمِنِينَ(51) waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa). |
۞ وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِي إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ(52) Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye. |
Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya. |
Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar. |
Wayna Na cadho Galiyeen. |
Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon. |
Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo. |
Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican. |
Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil. |
Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii. |
فَلَمَّا تَرَاءَى الْجَمْعَانِ قَالَ أَصْحَابُ مُوسَىٰ إِنَّا لَمُدْرَكُونَ(61) Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay. |
Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin. |
Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale. |
Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon). |
Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan. |
Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale. |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ(67) Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn. |
Eebahaana waa Adkaade Naxariista, |
Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim. |
Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan. |
Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada. |
Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan. |
Mase idin Anfaci ama idin Dhibi. |
Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali. |
Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan. |
Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey. |
Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee. |
Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin. |
Kan I Quudin ee I Waraabin. |
Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya. |
Waana kan I dili Ina Noolayn. |
وَالَّذِي أَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لِي خَطِيئَتِي يَوْمَ الدِّينِ(82) Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta. |
Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban. |
Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe. |
Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo. |
Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye. |
Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka). |
Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna. |
Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan). |
Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah). |
Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay. |
Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen. |
Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan. |
Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay. |
Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan. |
Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi. |
Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad. |
Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka. |
Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro. |
Mana Lihin wax Noo Shafeeca. |
Iyo Saaxiib Dhaw. |
فَلَوْ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ(102) Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin. |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ(103) Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa). |
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. |
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii. |
Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn. |
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. |
Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ(109) Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. |
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. |
Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun). |
Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali. |
إِنْ حِسَابُهُمْ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّي ۖ لَوْ تَشْعُرُونَ(113) Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan. |
Anuguna ma Eryayo Mu'miniinta. |
Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi. |
قَالُوا لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَا نُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمَرْجُومِينَ(116) Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo. |
Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen. |
فَافْتَحْ بَيْنِي وَبَيْنَهُمْ فَتْحًا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ(118) Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah. |
فَأَنجَيْنَاهُ وَمَن مَّعَهُ فِي الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ(119) Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday. |
Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii). |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ(121) Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. |
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. |
Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii. |
Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn. |
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. |
Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca. |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ(127) Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi. |
Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari. |
Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed. |
Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran. |
ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca. |
Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin. |
Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur. |
وَجَنَّاتٍ وَعُيُونٍ(134) Iyo Beero iyo Ilo. |
Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn. |
قَالُوا سَوَاءٌ عَلَيْنَا أَوَعَظْتَ أَمْ لَمْ تَكُن مِّنَ الْوَاعِظِينَ(136) Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa. |
Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn. |
Nalamana Cadaabayo. |
فَكَذَّبُوهُ فَأَهْلَكْنَاهُمْ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ(139) Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. |
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. |
Waxay Beenisay Thamuud suulladii. |
Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan. |
Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. |
ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca. |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ(145) Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. |
Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina. |
Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda). |
Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay. |
Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan. |
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. |
Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha. |
ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn. |
Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray. |
مَا أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا فَأْتِ بِآيَةٍ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ(154) Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi. |
قَالَ هَٰذِهِ نَاقَةٌ لَّهَا شِرْبٌ وَلَكُمْ شِرْبُ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ(155) Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan. |
وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَظِيمٍ(156) Ee ha ku Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn. |
Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya. |
فَأَخَذَهُمُ الْعَذَابُ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ(158) Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa). |
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. |
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii. |
Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn. |
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. |
ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ(164) Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. |
Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka. |
وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمْ رَبُّكُم مِّنْ أَزْوَاجِكُم ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ عَادُونَ(166) Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba. |
قَالُوا لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَا لُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمُخْرَجِينَ(167) Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo. |
Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay. |
Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan. |
Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan. |
Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii). |
Markaasaan Halaagnay Intii kale. |
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَسَاءَ مَطَرُ الْمُنذَرِينَ(173) Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay. |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ(174) Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn. |
Eebhaana waa Adkaade Naxariista. |
Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii. |
Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn. |
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. |
ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ(180) Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. |
۞ أَوْفُوا الْكَيْلَ وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُخْسِرِينَ(181) Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya. |
Una Miisama Cadaalad Toosan. |
وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ(183) Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin. |
وَاتَّقُوا الَّذِي خَلَقَكُمْ وَالْجِبِلَّةَ الْأَوَّلِينَ(184) Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey. |
Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray. |
وَمَا أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ الْكَاذِبِينَ(186) Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah. |
فَأَسْقِطْ عَلَيْنَا كِسَفًا مِّنَ السَّمَاءِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ(187) ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi. |
Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan. |
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمْ عَذَابُ يَوْمِ الظُّلَّةِ ۚ إِنَّهُ كَانَ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ(189) Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn. |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ(190) Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn. |
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. |
Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka. |
Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil). |
Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga. |
Af Carabi ahoo Cad. |
Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore. |
أَوَلَمْ يَكُن لَّهُمْ آيَةً أَن يَعْلَمَهُ عُلَمَاءُ بَنِي إِسْرَائِيلَ(197) Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil/ |
Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis. |
oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen. |
Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha. |
لَا يُؤْمِنُونَ بِهِ حَتَّىٰ يَرَوُا الْعَذَابَ الْأَلِيمَ(201) Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran. |
Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn. |
Oy Dhahaan ma nala Sugi. |
Ma Cadaabkanagay Dadajisan. |
Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin. |
Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey. |
Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey. |
Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto. |
Waano Darteed, mana nihin Daalimiin. |
Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu. |
Kumana Habboona mana Karaan. |
Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin. |
فَلَا تَدْعُ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ فَتَكُونَ مِنَ الْمُعَذَّبِينَ(213) Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo. |
Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw. |
وَاخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ(215) Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah. |
فَإِنْ عَصَوْكَ فَقُلْ إِنِّي بَرِيءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ(216) Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan. |
Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista. |
Ee ku Arka Markaad Kici. |
Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan. |
Eebana waa Maqle Og. |
Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu. |
Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan. |
Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal. |
Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah. |
Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin. |
Oyna Sheegi waxayna Falayn. |
Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada). |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Ash-Shuara : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Ash-Shuara complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide