Al-Hashr · 8/24
Tarjumaad Xarfaha — Suurah Al-Hashr
لِلْفُقَرَاءِ الْمُهَاجِرِينَ الَّذِينَ أُخْرِجُوا مِن دِيَارِهِمْ وَأَمْوَالِهِمْ يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ اللَّهِ وَرِضْوَانًا وَيَنصُرُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ الصَّادِقُونَ ۝٨
Lilfuqaraaa`il Muhaaji reenal lazeena ukhrijoo min diyaarihim wa amwaalihim yabtaghoona fadlam minal laahi wa ridwaananw wa yansuroonal laaha wa Rasoolah; ulaaa`ika humus saadiqoon
📖 Af-Soomaali
Waxaa Xoolahaas wax ku leh kuwa Saboolka ah ee ka soo hijrooday guryahoodii iyo Xoolahoodii dar Eebe iyo gargaarka Ilaahay iyo Rasuulkiisa, waana kuwa ku run sheegay iimaankooda.

🎧 Maqal


📜 Aayad 6-10 — Suurah Al-Hashr

6وَمَا أَفَاءَ اللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِ مِنْهُمْ فَمَا أَوْجَفْتُمْ عَلَيْهِ مِنْ خَيْلٍ وَلَا رِكَابٍ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ يُسَلِّطُ رُسُلَهُ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ ۚ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Wixii Xoola ah ee Ilaahay Nabiga uga soo celiyo Gaalada isagoon Fardo iyo awr lagu dagaallamin waxaa amarkiisa leh Nabiga Eebana Cidduu doono yuu ku diraa Rasuulkiisa, wax walbana Eebe waa karaa.
7مَّا أَفَاءَ اللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِ مِنْ أَهْلِ الْقُرَىٰ فَلِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينِ وَابْنِ السَّبِيلِ كَيْ لَا يَكُونَ دُولَةً بَيْنَ الْأَغْنِيَاءِ مِنكُمْ ۚ وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۖ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ
Wixii Xoola aha ee Ilaahay ku soo celiyo ee uga yimaadda Degmooyinka Yuhuudda Rasuulkiisa; waxaa leh Ilaahay, Rasuulka, Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo Musaafiriinta «socdaalka» si ayan u noqon wax ku wareegaysta kuwa Hodanka ah dhexdooda wuxuu Rasuulku dadka siiyo ama faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana waa inay ka reebmaan, Eebana waa in laga dhawrsado, maxaa yeelay Ciqaabtiisu waa darantahay.
8لِلْفُقَرَاءِ الْمُهَاجِرِينَ الَّذِينَ أُخْرِجُوا مِن دِيَارِهِمْ وَأَمْوَالِهِمْ يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ اللَّهِ وَرِضْوَانًا وَيَنصُرُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ الصَّادِقُونَ
Waxaa Xoolahaas wax ku leh kuwa Saboolka ah ee ka soo hijrooday guryahoodii iyo Xoolahoodii dar Eebe iyo gargaarka Ilaahay iyo Rasuulkiisa, waana kuwa ku run sheegay iimaankooda.
9وَالَّذِينَ تَبَوَّءُوا الدَّارَ وَالْإِيمَانَ مِن قَبْلِهِمْ يُحِبُّونَ مَنْ هَاجَرَ إِلَيْهِمْ وَلَا يَجِدُونَ فِي صُدُورِهِمْ حَاجَةً مِّمَّا أُوتُوا وَيُؤْثِرُونَ عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ ۚ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
Kuwii Madiino deganaa ee Xaqa rumeeyey waxay jecel yihiin dadka u soo hijroon (u soo qixi) wax necbaansho ahna Laabta uma geliyaan dadkaas waxay siin, waxayna Naftooda ka hormariyaan (ay uga doori) dadkaas inkastaba iyagu gaajo hahaysee, ruuxii laga dhawro bakhaylnimada Naftiisa waa mid Liibaanay.
10وَالَّذِينَ جَاءُوا مِن بَعْدِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا اغْفِرْ لَنَا وَلِإِخْوَانِنَا الَّذِينَ سَبَقُونَا بِالْإِيمَانِ وَلَا تَجْعَلْ فِي قُلُوبِنَا غِلًّا لِّلَّذِينَ آمَنُوا رَبَّنَا إِنَّكَ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ
Kuwa imaan Asxaabta Nabiga ka dib waxay Eebe weydiisan inuu u dambi dhaafo iyaga iyo Walaalahooda iimaanka uga hormaray uusan qalbigoodana xiqdi yeelin kuwa rumeeyey Eebena waa naxariis badane.
Al-HashrLiiska Quraan
24Aayad
MadaniRevelation
8Aayad

Tarjumaad — Al-Hashr 8

Suurah Al-Hashr Aayad 8 - Akhri, Maqal, Tarjumaad, Soomaali : Waxaa Xoolahaas wax ku leh kuwa Saboolka ah ee ka…

Suurah Aayad 8/24 — Suurah Al-Hashr الحشر (Madani). Akhri Maqal Tarjumaad (Soomaali). Maqal: Suurah Al-Hashr Maqal, Suurah Al-Hashr Tarjumaad, Suurah Al-Hashr mp3, Suurah Al-Hashr pdf. Aayad 6–10. Af-Soomaali: Kiswahili.




Quraanka Kariimka


Monday, September 7, 2026

Don't forget us in your sincere prayers