La sourate Ar-Rahman en Somali
الرَّحْمَٰنُ(1) (Eebaha) Raxmaan ah. |
Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka. |
Dadkana wuu abuuray. |
Wuxuuna baray dadka (Hadalka). |
Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab. |
Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis). |
Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay. |
Si aydaan uga gudbin Caddaaladda. |
وَأَقِيمُوا الْوَزْنَ بِالْقِسْطِ وَلَا تُخْسِرُوا الْمِيزَانَ(9) Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna. |
Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga. |
Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh. |
Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow). |
Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah. |
Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi. |
Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar). |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
وَلَهُ الْجَوَارِ الْمُنشَآتُ فِي الْبَحْرِ كَالْأَعْلَامِ(24) Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah. |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi. |
Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh. |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
يَسْأَلُهُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْنٍ(29) Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin. |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Waana idin xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow. |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Jinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan. |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
يُرْسَلُ عَلَيْكُمَا شُوَاظٌ مِّن نَّارٍ وَنُحَاسٌ فَلَا تَنتَصِرَانِ(35) Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan. |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
فَإِذَا انشَقَّتِ السَّمَاءُ فَكَانَتْ وَرْدَةً كَالدِّهَانِ(37) Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin). |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُسْأَلُ عَن ذَنبِهِ إِنسٌ وَلَا جَانٌّ(39) Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
يُعْرَفُ الْمُجْرِمُونَ بِسِيمَاهُمْ فَيُؤْخَذُ بِالنَّوَاصِي وَالْأَقْدَامِ(41) Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri). |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan, |
هَٰذِهِ جَهَنَّمُ الَّتِي يُكَذِّبُ بِهَا الْمُجْرِمُونَ(43) Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi). |
Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda. |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno. |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo). |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Waxaa laga helaa ilo socda. |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah). |
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ فُرُشٍ بَطَائِنُهَا مِنْ إِسْتَبْرَقٍ ۚ وَجَنَى الْجَنَّتَيْنِ دَانٍ(54) Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
فِيهِنَّ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَانٌّ(56) Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh). |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
مُدْهَامَّتَانِ(64) Waana Laba Jannoo madow (cagaaran). |
Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan. |
Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Dhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Waa Haween Indhacad oo Gurigooda jooga. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Waa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna. |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ رَفْرَفٍ خُضْرٍ وَعَبْقَرِيٍّ حِسَانٍ(76) Waxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan, |
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. |
Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Ar-Rahman : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Ar-Rahman complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide