9 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭢﭣﭤﭥﭦ
104:1 Halaag Wuxuu u Sugnaaday xanle wax ceebeya oo Dhan,
ﭧﭨﭩﭪﭫ
104:2 Oo Xoolaha kulmiya (xaqana ku bixinin).
ﭬﭭﭮﭯﭰ
104:3 Ma wuxuu malayn in xoolihiisu waarin.
ﭱﭲﭳﭴﭵﭶ
104:4 Saas ma aha ee waxaa lagu tuuri (Naarta) Xudhama.
ﭷﭸﭹﭺﭻ
104:5 Ma taqaannaa Xudhama.
ﭼﭽﭾﭿ
104:6 Waa Naarta Eebe ee la huriyay.
ﮀﮁﮂﮃﮄ
104:7 Gubaysana Quluubta (Kulayl dartiis).
ﮅﮆﮇﮈ
104:8 Waana lagu dabooli Naartaas Gaalada.
ﮉﮊﮋﮌ
104:9 Tiraar la fidiyay yayna ahaan dhexdeeda.

Quraanka Kariimka


Tuesday, September 29, 2026

Don't forget us in your sincere prayers