PDF —
31 Aayad Madani PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Al-Insaan pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Al-Insaan pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Insaan Tarjumaad. Suurah Al-Insaan (Madani) 31 Aayad.



31 Aayad · Madani · Soomaali
bismillah
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧ
76:1 Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
ﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲ
76:2 Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.
ﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺ
76:3 Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.
ﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁ
76:4 Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.
ﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
76:5 kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘ
76:6 Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,
ﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠ
76:7 Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
ﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨ
76:8 Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳ
76:9 Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.
ﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
76:10 Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
76:11 Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊ
76:12 Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.
ﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
76:13 Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.
ﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝ
76:14 Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.
ﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
76:15 Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.
ﮧﮨﮩﮪﮫﮬ
76:16 Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.
ﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
76:17 Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.
ﯕﯖﯗﯘﯙ
76:18 Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).
ﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤ
76:19 Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.
ﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
76:20 Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.
ﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻ
76:21 Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.
ﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄ
76:22 Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.
ﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋ
76:23 Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.
ﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕ
76:24 Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).
ﰖﰗﰘﰙﰚﰛ
76:25 Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘ
76:26 Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.
ﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
76:27 Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬ
76:28 Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.
ﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷ
76:29 Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.
ﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
76:30 Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐ
76:31 Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers