Suurah Saad pdf — Soo Dejiso (Soomaali)
Suurah Saad pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Saad Tarjumaad. Saad (Makki) 88 Aayad.
Related
- Saad TarjumaadSoomaali
- Saad mp3Maqal
- Quran Index Soomaali114
More Suurah PDF
Suurah Saad

ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
Xarafka hore wuxuu kutusin mucjisada (Quraanka), Quraanka sharafta leh yaan kudhaaranay (waalaydin soo bixin).
ﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
Kuwii gaaloobay waxay kusuganyihiin isla wayni iyo khilaaf (xaqdiido).
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨ
Imisaan halaagnay hortood qarni ay markaas dhawaaqeen waqti aan dhawaaq waxba tareynin.
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴ
Waxayna layaabeen gaaladii inuu uyimaado dige ka mid ah waxayna dhaheen gaaladii kani waa sixirroow beenaale ah.
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾ
Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah kaliya, arrintaasi waa wax lala yaabo.
ﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌ
Wuu kala tagay shirkii (madaxdii) kamidka ahayd, waxayna isu dhahen war socda oo ku samra (kusugnaada) Ilaahyaalkiina, arrintani waa wax laynala dooni.
ﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗ
Manaan kumaqlin tanoo kale diintii kale (Nasraaniyada) arintan Eebe kaliya waa wax la been abuurtay.
ﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩ
Ma quraankaa lagudajiyey isagoo na dhexjooga (anagaa ka mudan) waxayse kaga sugan yihiin Quraankayga shaki walina mayan dhahdhamin Cadaabkayga.
ﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱ
Ma agtaadaa khasnadaha naxariista Eebehaaga adkaada ee bixinta badan (khayrka) yahay.
ﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞ
Mise waxaa u sugnaaday xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, ha uu koreen sallaanno xagga (samada).
ﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥ
Junuuda (Colka) halkaas joogaana (Gaalada) waa xisbiyo la jabin (laga adkaan).
ﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮ
Waxaa beeniyey xaqan iyaga ka hor qoomkii (Nabi) Nuux iyo (reer) caad iyo Fircoonkii tiirarka lahaa.
ﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
Iyo Reer Thamuud iyo qoomkii (Nabi) Luudh iyo Asaxaabtii kaynta (Qoomkii) Nabi Shucayb, kuwaas waa xisbiyadii (Xaqa beeniyey).
ﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿ
Midaan Rasuullada beenin majiro, markaasay ciqaabtaydii ku dhacday.
ﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
Kuwaasuna (Gaaladii Makaad) ma sugayaan waxaan hal qaylo ahayn, mana laha cilmi iyo sugid midna.
ﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒﰓ
Waxayna dhaheen Gaaladii Eebow noo dadaji qaybtanada (Ciqaabtanada) Maalinta xisaabta ka hor, (Qiyaamada).
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
Ku samir (u adkayso) waxay sheegi xusuusana addoonkaygii Daa'uud ahaa ee xoogga lahaa, wuxuuna ahaa noqosho (Toobad keen) badane.
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ
Annagaa u sakhirray (u fudaynay) Buuraha, wayna la tasbiixsadaan Galab iyo Subaxba.
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬ
Shimbirahana waa loo kulmiyey, dhammaantoodna waxay u noqdaan (Adeecaan) Eebe.
ﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳ
Waana adkaynay xukunkiisa (Daa'uud) waxaana siiney xigmad (Nabinimo) iyo fahmo iyo hadal cadday (iyo garsoorid).
ﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼ
Ma ku soo gaadhay warkii kuwii doodayey, markey Mixraabka ugu soo dheceen.
ﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
una soo galeen Daa'uud markaas uu ka argagaxay, ayna ku dhaheen ha cabsan, waxaan nahay doodayaal qaarkanno qaarkakale dulmiyey, ee si ah noo kala xukun, hana joowrfalin, naguna hanuuni jidka toosan (xaqa).
ﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
(Waxayna dheheen) kani waa walaalkay wuxuuna leeyahay sagaal iyo sagaashan Ido ah, anna waxaan leeyahay mid kaliya, wuxuuna sheegtay inaan siiyo hadalkiina wuu igaga adkaaday.
ﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫ
Wuxuuna yidhi «Daa'uud» wuu kugu dulmiyey warsashada Laxdaada (inuu ku biiriyo) Idihiisa, in badan oo ka mid ah kuwa wax isku darsadana qaarkood waxay ku xadgudbaan (dulmiyaan) qaarka kale, marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyey ee camalka wanaagsan falay, wayna yaryihiin kuwaasi, Daa'uudna wuxuu umaleeyey inaan ibtileynay wuyxuuna ka dambidhaaf dalbay Eebihiis, rukuuc (sujuudbuuna) la dhacay wuuna noday.
ﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶ
Markaasaan u dambi dhaafnay, agtanada wuxuu ku leeyahay dhawaansho iyo noqosho fiican (darajo sare).
ﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕﰖ
(Eebe wuxuu yidhi): Daa'uudow annagaa kaa yeeley khaliifka dhulka ee dadka kukala xikun xaqa hana raacin hawada (xun) oo kolkaas uu kaa dhumiyo jidka Eebe kuwa ka dhuma jidka Eebe waxaa u sugnaaday cadaabdaran halmaankoodii Maalinta xisaabta (Qiyaamada) darteed.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣ
Maanaan u abuurin Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya dana laan (Ciyaar). taasina waa siday maleeyeen kuwii Gaaloobay halaaguna wuxuu ugu sugnaaday kuwii Gaaloobey Naar.
ﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱ
Miyaan ka yeeleynaa kuwii xaqa rumeeyey oo camal fiican falay sida kuwa hallayn dhulka, mise waxaan kala mid dhigaynaa kuwa dhowrsada kuwa xun oo kale (Gaalada).
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
(Quraanku) waa kitaab aan kugu soo dajinay oo barakeysan, si ay u fiiriyaan dadku aayaadkiisa iyo inay waantoobaan kuwa caqliga leh,
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
Waxaan siinnay Nabi Daa'uud (wiikiisii) Suleymaan ahaaa wuxuuna ahaa adeec (Eebe) oo fiican toobad keen badan.
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
Xusuuso marka loo bandhigay Casarkii Fardo oradbadan oo fiiefiican.
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗ
Oo markaas uu yidhi ma waxaan ka jeclaan xusidda Eebe xoolo, inta Qorraxdu ka dhacdo.
ﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟ
ii soo celiya wuxuuna bilaabay inuu ka taabto Dhudhumade iyo Luqunta (uu gawraco sadaqo darteed).
ﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩ
Dhabahaan yaan u fidmeynay (imtixaanay) Nabi Suleymaan, waxaana ku tuuray kursigiisii jasad markaasuu toobad keeney.
ﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
Wuxuuna yidhi Eebow ii dambi dhaaf ina sii xukun aan ku habooneyn cid igadambeeysa adaa bixin badane ahe.
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤ
Waxaana u sakhirrey daheysha iyadoo ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu doono.
ﯥﯦﯧﯨﯩ
Shayaadiinta (Waxaan usakhirey) mid wax dhisid iyo mid dhunbasho badanba.
ﯪﯫﯬﯭﯮ
Iyo kuwo kale oo ku xidhxidhan silsilado.,
ﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶ
(Waxaan ku nidhi) tan waa siismada ee bixi ama hayso xisaab la'aan.
ﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽ
Wuxuuna ku leeyahay agtanada dhawaansho iyo noqosho fiican.
ﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉ
Xusuuso addoonkeygii Ayuub ahaa markuu u dhawaaqay (baryey) Eebihiis isagoo dhihi wuxuu itaabsiiyey shaydaan dhib iyo Cadaab.
ﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑ
Waxaana ku nidhi ku garaac Lugtaada (dhulka) waxaana ku nidhi kani waa Biyo meydhi ah qabowna lana cabdo.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛ
Waxaana siinnay Caruurtiisii iyo kuwo kale oo lamid ah naxariis xagganaga ka ahaatay iyo xusuus kuwa caqliga lch.
ﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬ
Kuna qabo gacantaada xidhmo laamo ah kuna garaac hana jabinin dhaarta waxaana ku ognahay inuu yahay samre addoon fiican ah toobadkeenna badan.
ﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵ
Xusuuso addoomadannadii (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub ee ku xoog badnaa cibaadada kuna aragdheeraa (xaqa).
ﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
Anagaa u dooranay xusidda aakhiro.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
Waxayna ka yihiin agtanada kuwo la doortay oo wanaagsan.
ﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
48, Xusuusana Nabi Ismaaciil, Alyasac iyo Dul kifli dhamaanna waxay ahaayeen kuwo wanaagsan.
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
Waxaas la soo sheegay waa xusuus, kuwa dhowrsadana waxaa u sugnaaday noqosho fiican.
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
Janada cadnimo loo furay albaabada yey mudan.
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡ
Waxayna ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) waxayna u yeedhaan faakhihad badan iyo Cabbid.
ﮢﮣﮤﮥﮦﮧ
Waxaana agtooda ahaan Haween indhahoodu ku koobanyahay Ragooda (dhowrsoon) oo Isla eg.
ﮨﮩﮪﮫﮬﮭ
Kaas waxa leydiin yaboohay Maalinta Xisaabta (qiyaamada).
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
Kaasuna waa Rizqigannaga mana dhamaado.
ﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝ
Xaalku waa sidaas, Gaalana waxaa u sugnaadey noqosho xun.
ﯞﯟﯠﯡﯢ
Jahannamo yeyna gali iyadaana u xun Gogol.
ﯣﯤﯥﯦﯧ
Kaas waa Cadaab, ee dhadhamiya, isagoo ah Biyo kulul iyo Dhaacaanka ehelu Naarka.
ﯨﯩﯪﯫﯬ
Iyo mid kale oo Cadaab ah oo mooeya ah.
ﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶﯷﯸ
Malaa'igtuna waxay dhihi kani waa koox idinla gali Cadaabka waxayna ku dhihi ha soo dhawaanina, waxayna galaan Naarta.
ﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆ
Waxay ku dhaheen kuwii raacay kuwii madaxda ahaa ha soo dhawaanina (wanaag halla kulmina) idinkaa na soo galiyey Cadaabkan isagaana uxun meel lagu nagaado.
ﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒ
Waxayna dheheen kuwii wax raacay Eebow ruuxii nasoo galiyey Cadaabkan u siyaadi laban laab Naarta.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛ
Waxayna dhaheen (Madaxdii) Gaalada maxaan la arkiweyney rag aan ku tirinay kuwo xun xun,
ﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢ
Ma waxaan ka yeelanay (adduunkuu) Jees jees mise waxaa ka iishey xaggooda Araggii.
ﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩ
Kaasina (doodaas) waa xaq sugan oo ah dooda ehelu naarka.
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶ
Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaan uun ahay dige, Eebe aan Eebe ahayna ma jiro ee kaliga ah awoodana badnaa.
ﭷﭸﭹﭺﭻﭼﭽﭾ
Ee ah Eebaha samooyinja iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, ahna adkaade dambidhaaf badan.
ﭿﮀﮁﮂﮃ
Waxaad dhahdaa Nabiyow Quraanku waa war weyn.
ﮄﮅﮆﮇ
Ood idinku ka jeedsaneysaan.
ﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑ
mana ogayn shirka sare (malaa'igtu) markey doodayaan (Haddaan waxyi jirin).
ﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
waxaa uun leywaxyoodey inaan ahaydige muuqda.
ﮛﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤ
Xusuuso markuu Eebe ku yidhi malaa'igta anigu waxaan ka abuuri dadka (Aadam) Dhoobo.
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭﮮ
Ee markaan ejeeyo oon ku afuufo Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan).
ﮯﮰﮱﯓﯔ
Wayna sujuudey malaa'igtii dhamaantood oo idil.
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
Ibliss mooyee oo is kibriyey kana mid noqday gaalada.
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫ
Eebe wuxuu yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray yaddayda ma iskibrisey mise waxaad ka mid noqotay kuwa islasareeya.
ﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴﯵﯶ
Wuxuuna yidhi anaa ka kheyroon isaga (aadam), waxaad iga abuurtey naar isagana waxaad ka abuurtey dhoobo.
ﯷﯸﯹﯺﯻﯼ
Eebe wuxuu ku yidhi iiga bax samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye.
ﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃ
Korkaagana ha ahaato lacanade tan iyo maalinta abaalmarinta.
ﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
Wuxuu yidhi (ibliis) Eebow i sugtan iyo maalinta la soo bixin dadka.
ﰋﰌﰍﰎﰏ
Eebe wuxuu yidhi waxaad ka midtahay kuwa la sugi.
ﰐﰑﰒﰓﰔ
Tan iyo maalinta waqtiga layqaan ah.
ﰕﰖﰗﰘﰙ
Wuxuuna yidhi waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan baadiyeyn dhamaantood.
ﰚﰛﰜﰝﰞ
marka laga reebo addomadaada suuban.
ﭑﭒﭓﭔﭕ
Eebe wuxuu yidhi dhabtaan kusifoobaa, dhabtaana uhadlaa.
ﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
Waxaana ku dhaaran inaan kabuuxiyo Jahannamo adiga iyo inta kuraacda oo ka midah dadka dhamaan.
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧﭨ
Waxaad dhahdaa Nabiyow idin kama warsanaayo xaqa ujuuro, mana ibi kuwa is dhiba (isku dhibawaxaan la firin).
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮ
Waxyiguna waxaan waanada caalamka ahayn ma aha.
ﭯﭰﭱﭲﭳ
Dhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo ka dib.
Quraanka Kariimka
Tuesday, August 18, 2026
Don't forget us in your sincere prayers







