Suurah As-Saaffaat pdf — Soo Dejiso (Soomaali)
Suurah As-Saaffaat pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah As-Saaffaat Tarjumaad. Suurah As-Saaffaat (Makki) 182 Aayad.
Related
- Suurah As-Saaffaat TarjumaadSoomaali
- Suurah As-Saaffaat mp3Maqal
- Quran Index Soomaali114
More Suurah PDF
Suurah As-Saaffaat

ﭑﭒﭓ
37:1
(Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan.
ﭔﭕﭖ
37:2
Iyo tan kaxaysa daruuraha.
ﭗﭘﭙ
37:3
Iyo tan akhrida Quraanka.
ﭚﭛﭜﭝ
37:4
Ee ilaahiin waa mid (qudha).
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ
37:5
Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda.
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬ
37:6
Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah.
ﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
37:7
Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag.
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻﭼ
37:8
Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta.
ﭽﭾﭿﮀﮁﮂ
37:9
Iyagoo la cryi oo cadaab joogta ah usugnaaday.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊ
37:10
Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi.
ﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘ
37:11
Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta.
ﮙﮚﮛﮜ
37:12
Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi.
ﮝﮞﮟﮠﮡ
37:13
Marka la waaniyana ma waantooban.
ﮢﮣﮤﮥﮦ
37:14
Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan.
ﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭ
37:15
Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
37:16
Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin.
ﯗﯘﯙ
37:17
Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin).
ﯚﯛﯜﯝﯞ
37:18
Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan.
ﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦ
37:19
Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi.
ﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
37:20
Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta.
ﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
37:21
Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen.
ﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽ
37:22
Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen.
ﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅ
37:23
Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo.
ﰆﰇﰈﰉﰊ
37:24
Joojiyana waxbaa la waydiine.
ﭑﭒﭓﭔﭕ
37:25
(Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin.
ﭖﭗﭘﭙﭚ
37:26
Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen.
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠ
37:27
Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan.
ﭡﭢﭣﭤﭥﭦﭧ
37:28
Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga).
ﭨﭩﭪﭫﭬﭭ
37:29
Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn.
ﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
37:30
Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey.
ﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
37:31
Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka).
ﮂﮃﮄﮅﮆ
37:32
Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn.
ﮇﮈﮉﮊﮋﮌ
37:33
Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi.
ﮍﮎﮏﮐﮑ
37:34
Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha.
ﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
37:35
Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya.
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢﮣ
37:36
Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan.
ﮤﮥﮦﮧﮨﮩ
37:37
Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray).
ﮪﮫﮬﮭﮮ
37:38
Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya).
ﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖ
37:39
Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo.
ﯗﯘﯙﯚﯛ
37:40
Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan).
ﯜﯝﯞﯟﯠ
37:41
Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno).
ﯡﯢﯣﯤ
37:42
Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti.
ﯥﯦﯧﯨ
37:43
Jannooyinka Naciima.
ﯩﯪﯫﯬ
37:44
Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili.
ﯭﯮﯯﯰﯱﯲ
37:45
Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano).
ﯳﯴﯵﯶ
37:46
Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi.
ﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾ
37:47
Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada).
ﯿﰀﰁﰂﰃ
37:48
Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn.
ﰄﰅﰆﰇ
37:49
Ood moodo ukun la dhowray.
ﰈﰉﰊﰋﰌﰍ
37:50
Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin.
ﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕ
37:51
Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih.
ﭑﭒﭓﭔﭕ
37:52
Dhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta).
ﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
37:53
Ma markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin.
ﭞﭟﭠﭡﭢ
37:54
Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan.
ﭣﭤﭥﭦﭧﭨ
37:55
Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda.
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮ
37:56
Wuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso).
ﭯﭰﭱﭲﭳﭴﭵ
37:57
Haddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta).
ﭶﭷﭸﭹ
37:58
(Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin.
ﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀ
37:59
Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayn.
ﮁﮂﮃﮄﮅﮆ
37:60
Taasina waa uun liibaanta wayn.
ﮇﮈﮉﮊﮋ
37:61
Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali.
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒ
37:62
Mataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd).
ﮓﮔﮕﮖﮗ
37:63
Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta.
ﮘﮙﮚﮛﮜﮝﮞ
37:64
Waana geed kasoobaxda gunta jaxiimo.
ﮟﮠﮡﮢﮣ
37:65
Midhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan.
ﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
37:66
Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha.
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓ
37:67
Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran.
ﯔﯕﯖﯗﯘﯙ
37:68
Markaas waxay ku noqon jaxiimo.
ﯚﯛﯜﯝﯞ
37:69
Waxay heleen aabayaalkood oo baadi ah.
ﯟﯠﯡﯢﯣ
37:70
Iyaguna raadkoodii bay ku dag dagi.
ﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
37:71
Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore.
ﯪﯫﯬﯭﯮ
37:72
Waxaana udiraydhexdooda udigayaal.
ﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
37:73
Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay.
ﯵﯶﯷﯸﯹ
37:74
Hasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan).
ﯺﯻﯼﯽﯾﯿ
37:75
Waxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican.
ﰀﰁﰂﰃﰄﰅ
37:76
Waxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii).
ﭑﭒﭓﭔﭕ
37:77
Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun.
ﭖﭗﭘﭙﭚ
37:78
Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah).
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠ
37:79
NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato.
ﭡﭢﭣﭤﭥ
37:80
Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka.
ﭦﭧﭨﭩﭪ
37:81
Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa).
ﭫﭬﭭﭮ
37:82
Markaasaan maanshaynay kuwii kale,
ﭯﭰﭱﭲﭳﭴ
37:83
Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim.
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
37:84
Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey).
ﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
37:85
Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan.
ﮂﮃﮄﮅﮆﮇ
37:86
Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan.
ﮈﮉﮊﮋﮌ
37:87
Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka.
ﮍﮎﮏﮐﮑ
37:88
Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha.
ﮒﮓﮔﮕ
37:89
Wuxuuna yidhi waan bukaa.
ﮖﮗﮘﮙ
37:90
Markaasay katageen kana jeedsadeen.
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠ
37:91
Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn.
ﮡﮢﮣﮤﮥ
37:92
Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin.
ﮦﮧﮨﮩﮪ
37:93
Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay
ﮫﮬﮭﮮ
37:94
Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay).
ﮯﮰﮱﯓﯔ
37:95
Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen).
ﯕﯖﯗﯘﯙ
37:96
Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan.
ﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡ
37:97
Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka).
ﯢﯣﯤﯥﯦﯧ
37:98
Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday).
ﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮ
37:99
Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin.
ﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
37:100
Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo).
ﯵﯶﯷﯸ
37:101
Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco.
ﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕ
37:102
Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree.
ﭑﭒﭓﭔﭕ
37:103
Markay hogaansameen oos u lagday wajiga.
ﭖﭗﭘﭙ
37:104
Yaan udhawaaqnay Ibraahimow.
ﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢ
37:105
Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha.
ﭣﭤﭥﭦﭧﭨ
37:106
Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn).
ﭩﭪﭫﭬ
37:107
Waxaana ku furanay loog weyn (wan).
ﭭﭮﭯﭰﭱ
37:108
Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame.
ﭲﭳﭴﭵ
37:109
Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato.
ﭶﭷﭸﭹ
37:110
Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha.
ﭺﭻﭼﭽﭾ
37:111
Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah.
ﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
37:112
Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah.
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐ
37:113
Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya.
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
37:114
Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo).
ﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
37:115
Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd.
ﮝﮞﮟﮠﮡ
37:116
Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey).
ﮢﮣﮤﮥ
37:117
waxaana siinay Kitaabkii caddaa.
ﮦﮧﮨﮩ
37:118
Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan.
ﮪﮫﮬﮭﮮ
37:119
Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah).
ﮯﮰﮱﯓﯔ
37:120
Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda.
ﯕﯖﯗﯘﯙ
37:121
Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala,
ﯚﯛﯜﯝﯞ
37:122
Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah.
ﯟﯠﯡﯢﯣ
37:123
Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada.
ﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
37:124
Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn).
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯ
37:125
Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya.
ﯰﯱﯲﯳﯴﯵ
37:126
Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore.
ﭑﭒﭓﭔ
37:127
Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab).
ﭕﭖﭗﭘﭙ
37:128
Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr).
ﭚﭛﭜﭝﭞ
37:129
Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah).
ﭟﭠﭡﭢﭣ
37:130
Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa.
ﭤﭥﭦﭧﭨ
37:131
Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala.
ﭩﭪﭫﭬﭭ
37:132
Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah.
ﭮﭯﭰﭱﭲ
37:133
Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray).
ﭳﭴﭵﭶﭷ
37:134
Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan.
ﭸﭹﭺﭻﭼ
37:135
marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga.
ﭽﭾﭿﮀ
37:136
Ka dibna waxaan halaagnay intii kale.
ﮁﮂﮃﮄﮅ
37:137
Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga.
ﮆﮇﮈﮉﮊ
37:138
Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin.
ﮋﮌﮍﮎﮏ
37:139
Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray).
ﮐﮑﮒﮓﮔﮕ
37:140
Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday.
ﮖﮗﮘﮙﮚ
37:141
Oo uu qoriritay nodayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray).
ﮛﮜﮝﮞﮟ
37:142
Kalluunna liqay isagoo ladagaalay.
ﮠﮡﮢﮣﮤﮥ
37:143
Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa).
ﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬ
37:144
Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka.
ﮭﮮﮯﮰﮱﯓ
37:145
Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka.
ﯔﯕﯖﯗﯘﯙ
37:146
Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed).
ﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠ
37:147
Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan.
ﯡﯢﯣﯤﯥ
37:148
Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo.
ﯦﯧﯨﯩﯪﯫ
37:149
Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal.
ﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲ
37:150
Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen.
ﯳﯴﯵﯶﯷﯸ
37:151
Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen.
ﯹﯺﯻﯼﯽ
37:152
Eeba waa dhalay waana beenaalayaal.
ﯾﯿﰀﰁﰂ
37:153
Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha.
ﭑﭒﭓﭔﭕ
37:154
Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan.
ﭖﭗﭘ
37:155
Miyeeydaan wax xusuusaneyn.
ﭙﭚﭛﭜﭝ
37:156
Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad.
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣ
37:157
Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin.
ﭤﭥﭦﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
37:158
Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada).
ﭰﭱﭲﭳﭴ
37:159
Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan.
ﭵﭶﭷﭸﭹ
37:160
Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan).
ﭺﭻﭼﭽ
37:161
Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy).
ﭾﭿﮀﮁﮂ
37:162
Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
37:163
Marka laga reebo kuwagali jaxiimo.
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏ
37:164
Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan.
ﮐﮑﮒﮓ
37:165
Waana safannahay (cibaado darteed).
ﮔﮕﮖﮗ
37:166
Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe).
ﮘﮙﮚﮛ
37:167
Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha.
ﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
37:168
Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab).
ﮣﮤﮥﮦﮧ
37:169
Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban.
ﮨﮩﮪﮫﮬﮭ
37:170
Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca).
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
37:171
Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii).
ﯕﯖﯗﯘ
37:172
In iyaga uun loo gargaari.
ﯙﯚﯛﯜﯝ
37:173
Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan),
ﯞﯟﯠﯡﯢ
37:174
Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo.
ﯣﯤﯥﯦ
37:175
Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca).
ﯧﯨﯩ
37:176
Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan.
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰ
37:177
Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay.
ﯱﯲﯳﯴﯵ
37:178
Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo.
ﯶﯷﯸﯹ
37:179
Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca).
ﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀ
37:180
Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun).
ﰁﰂﰃﰄ
37:181
Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda.
ﰅﰆﰇﰈﰉ
37:182
Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah.
Quraanka Kariimka
Wednesday, September 9, 2026
Don't forget us in your sincere prayers







