PDF —
46 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah An-Naazi'aat pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah An-Naazi'aat pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah An-Naazi'aat Tarjumaad. Suurah An-Naazi'aat (Makki) 46 Aayad.

← An-NabaSuurah An-Naazi'aat Abasa →


46 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﮢﮣﮤ
79:1 Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).
ﮥﮦﮧ
79:2 Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta).
ﮨﮩﮪ
79:3 Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).
ﮫﮬﮭ
79:4 Iyo tan u orotanta wanaagga.
ﮮﮯﮰ
79:5 Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).
ﮱﯓﯔﯕ
79:6 Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).
ﯖﯗﯘ
79:7 Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).
ﯙﯚﯛﯜ
79:8 Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.
ﯝﯞﯟ
79:9 Araggeeduna wuu dullaysnaan.
ﯠﯡﯢﯣﯤﯥ
79:10 Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).
ﯦﯧﯨﯩﯪ
79:11 Markaan noqonno Lafo duugoobay.
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰ
79:12 Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
ﯱﯲﯳﯴﯵ
79:13 Waa uun Hal Qaylo kaliya.
ﯶﯷﯸﯹ
79:14 Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.
ﯺﯻﯼﯽﯾ
79:15 Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
ﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅ
79:16 Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
79:17 Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.
ﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
79:18 Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
ﭞﭟﭠﭡﭢ
79:19 Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
ﭣﭤﭥﭦ
79:20 Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.
ﭧﭨﭩ
79:21 Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).
ﭪﭫﭬﭭ
79:22 Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
ﭮﭯﭰ
79:23 Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.
ﭱﭲﭳﭴﭵ
79:24 Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.
ﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
79:25 Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂ
79:26 Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊ
79:27 Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.
ﮋﮌﮍﮎ
79:28 Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
ﮏﮐﮑﮒﮓ
79:29 Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).
ﮔﮕﮖﮗﮘ
79:30 Dhulkana markaas ka dib fidiyay.
ﮙﮚﮛﮜﮝ
79:31 Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.
ﮞﮟﮠ
79:32 Buurahana sugay.
ﮡﮢﮣﮤ
79:33 Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.
ﮥﮦﮧﮨﮩ
79:34 Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).
ﮪﮫﮬﮭﮮﮯ
79:35 Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.
ﮰﮱﯓﯔﯕ
79:36 Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.
ﯖﯗﯘﯙ
79:37 Ruuxiise xadgudba.
ﯚﯛﯜﯝ
79:38 Nolosha Adduunyana doorta.
ﯞﯟﯠﯡﯢ
79:39 Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.
ﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
79:40 Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).
ﯭﯮﯯﯰﯱ
79:41 Wuxuu u dheelman Janno.
ﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
79:42 Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.
ﯸﯹﯺﯻﯼ
79:43 Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
ﯽﯾﯿﰀ
79:44 Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.
ﰁﰂﰃﰄﰅﰆ
79:45 Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.
ﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍﰎﰏﰐ
79:46 Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers