11 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﮉﮊ
93:1 Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka.
ﮋﮌﮍﮎ
93:2 Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado).
ﮏﮐﮑﮒﮓﮔ
93:3 Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin.
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
93:4 Aakharana kaaga khayr badan Aduunka.
ﮛﮜﮝﮞﮟ
93:5 Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon.
ﮠﮡﮢﮣﮤ
93:6 Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin.
ﮥﮦﮧﮨ
93:7 Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin.
ﮩﮪﮫﮬ
93:8 Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin).
ﮭﮮﮯﮰﮱ
93:9 Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin).
ﯓﯔﯕﯖﯗ
93:10 Ka wax su'aalina ha canaanan.
ﯘﯙﯚﯛﯜ
93:11 Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).

Quraanka Kariimka


Tuesday, September 29, 2026

Don't forget us in your sincere prayers