PDF —
21 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Al-Layl pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Al-Layl pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Layl Tarjumaad. Suurah Al-Layl (Makki) 21 Aayad.



21 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﮡﮢﮣﮤ
92:1 Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.
ﮥﮦﮧﮨ
92:2 Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).
ﮩﮪﮫﮬﮭ
92:3 Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.
ﮮﮯﮰﮱ
92:4 In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.
ﯓﯔﯕﯖﯗ
92:5 Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada.
ﯘﯙﯚ
92:6 Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).
ﯛﯜﯝ
92:7 Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).
ﯞﯟﯠﯡﯢ
92:8 Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».
ﯣﯤﯥ
92:9 Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).
ﭑﭒﭓ
92:10 Waxaan u fududaynaa Jidka xun.
ﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚ
92:11 Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.
ﭛﭜﭝﭞ
92:12 Annagaa wax hanuuninna.
ﭟﭠﭡﭢﭣ
92:13 Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.
ﭤﭥﭦﭧ
92:14 Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.
ﭨﭩﭪﭫﭬ
92:15 Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.
ﭭﭮﭯﭰ
92:16 Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.
ﭱﭲﭳ
92:17 Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.
ﭴﭵﭶﭷﭸ
92:18 Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.
ﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿ
92:19 Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.
ﮀﮁﮂﮃﮄﮅ
92:20 Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.
ﮆﮇﮈ
92:21 Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers