8 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭫﭬﭭ
95:1 Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka.
ﭮﭯﭰ
95:2 Iyo Dhuuri Siina.
ﭱﭲﭳﭴ
95:3 Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka).
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
95:4 Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan.
ﭼﭽﭾﭿﮀ
95:5 Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis).
ﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊ
95:6 Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin.
ﮋﮌﮍﮎﮏ
95:7 Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib.
ﮐﮑﮒﮓﮔ
95:8 Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan).

Quraanka Kariimka


Tuesday, September 29, 2026

Don't forget us in your sincere prayers